Ninkii Duubay Filimkii Xasuuqii Hargeysa Oo Waramay Dhacadii Xunuunka badnayd

0
Tuesday May 21, 2013 - 18:57:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii Duubay Filimkii Xasuuqii Hargeysa Oo Waramay Dhacadii Xunuunka badnayd

    Xogwaran Kooban oo uu siiyay Wargeyska DAWAN Hargaysa (xogreebnews.com-) Col. Axmed Xasan Huudle, oo ah ninkii duubay filimii ka marag muujinta u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogwaran Kooban oo uu siiyay Wargeyska DAWAN Hargaysa (xogreebnews.com-) Col. Axmed Xasan Huudle, oo ah ninkii duubay filimii ka marag muujinta u Ninkii Duubay Filimkii Xasuuqii Hargeysa Oo Waramay Dhacadii Xunuunka badnayd
Xogwaran Kooban oo uu siiyay Wargeyska DAWAN Hargaysa (xogreebnews.com-) Col. Axmed Xasan Huudle, oo ah ninkii duubay filimii ka marag muujinta u ahaa gabood faladii iyo dambiyadii taliskii Siyaad Barre kula kacay shacbiga Somaliland isla markaana dunida tusay tacadiyada taliskii Afwayne kula kacay shacabka, ayaa shalay wargeyska Dawan uga waramay qaabkii uu filimkaasi u qaaday.
Filimkan uu Col. Huudle duubay ayaa si buuxda uu ugu soo bandhigay gabood faladii kala duwanaa ee ay xukuumada Siyaad Barre u gaysatay shacabka Somaliland Kaasi oo ay dunida ka qarin jireen isla markaana dagaaladii socday ay dunida ugu sheegi jireen in ciyaarihii gobolada dalka ay ka socdaan markii ciidamada SNM soo gashay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco.

Muuqaaladan Muj. Hudle ayaa sidoo kale waxay ka marag fureen dacwadii lagu oogay gagan ku dhiigle Maxamed Cali Samater, oo uu si cad u qirtay inuu amarka bixiyay ka dib markii la hordhigay muuqalada cadaynta u ah Muj. Axmed Xasan oo waraysi khaasa siiyay wargeyska DAWAN shalay isaga oo ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa, ayaa kaga waramay filimada ka marag kacay xasuuqii umadan dawladii afwayne kula kacday ee uu duubay xiliyadaasi.
waxaanu waraysigii u dhacay sidan:
Su’aal: maxay ahayd u jeedada aad filimada uga duubtay dagaaladii 1988kii, imisa filim ayaad se ka duubtay dagaaladaas 1988kii?
Jawaab: markii ciidamadii aan qeyb watay magaalada Hargeysa aanu soo galnay, Afwayne waxa uu idaacadaha ka baahiyay in ciyaarihii gobolada ay Hargeysa ka socdaan oo kubad ku ciyaarayaan oo aanu dagaal jirin, dabadeetana si wixii loo ogaado oo aduunku u arko dulmiga Afwayne ku hayo ummada ayay arrintani ahayd, waagaasna may jirin adeegayadan casriga ah ee xagga Is-gaadhsiinta ee aynu hada haysano.
Su’aal: Cajaladihii aad duubtay aduunka magaadhsiisay, maxay ahaayeen muuqaaladii aad ku duubtay cajaladii hore, bal sawir naga sii?
Jawaab: cajaladii ugu horeysay ayaaba lagu ogaaday, waxaana ku duubnaa dagaalkii duyuuradihii oo rushaynaya shacabka madaafiicdii oo garaacaysa iyo ciidankii lugta oo SNM dagaal kula jira, iyo ciidamadii SNM oo dagaalamaysa, shacabkii oo oo qaxaya intuba way ku dhamaayeen, cajaladihii waxaan raaciyay dadkii qaxayay Itoobiya ayay gaadheen kadib sacuudiga Ingriiska saas ayay dunida ku gaadheen.
Su’aal: waa imisa cajaladaha aad ka duubtay dagaalkii 1988kii, kamarada aad wax ku duubaysay yaalahaa, xirfada sawir qaadida malahayd?
Jawaab: cajaladaha aan duubay waxay ahaayeen saddex, kamarada aan ku duubayay anigaa lahaa oo waxaan haystay Stereo ugu horeeyay laga furo magaalada Hargeysa Sahan Stereo, aqoon ayaan u lahaa sawir qaadida.Su’aal: cajaladihii aad duubtay berigaa dagaalada wax ma ka haysaa hada?
Jawaab: maya, maxaa yeelay ujeedaii aan u duubay waxay ahayd in aduun waynaha lagaadhsiiyow wana lagaadhsiiyay, waxaana hada haya muwaadiniin reer Somaliland gaar ahaan kuwii dacweeyay Cali Samater ayaa maxkamada keenay oo tusay iyagoo cadaymo uga dhigaya dambiyada loo haysto ee gumaadka shacbi ah, Cali samatarna uu ku qirtay inuu amarka biixyay
Su’aal: waxaad sheegay in aad ahayd kornayl ciidanka cirka ah dawladii Soomaaliya, sidoo kale kornayl ka tirsan ciidamadii SNM mudadii Somaliland jirtayna dalka deganaa, marna dawladihii kala duwanaa ee Somaliland soo maray xil se ma ka qabatay?
Jawaab: maya dawladihii Somaliland u kala dambeeyay la’maan shaqayn xilna kama qaban, laakiin waa Alle mahadii mar hadaanu hadhsanayno midhihii halganka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured