MAXAAD KA TAQAANA TAARIIKHDA MAGAALADA KISMAANYO, QABAA’ILKA DEGA, DEEGAANKA TAARIIKHDIISA IYO NOLOSHA QALLINKII CALI COOMAy

0
Tuesday May 21, 2013 - 08:27:40 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAAD KA TAQAANA TAARIIKHDA MAGAALADA KISMAANYO, QABAA’ILKA DEGA, DEEGAANKA TAARIIKHDIISA IYO NOLOSHA QALLINKII CALI COOMAy

    Waxay ahayd goob aan la degin, balse lagu nasto. Waxaanu ku nasan jiray, maraakiibta ka iman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay ahayd goob aan la degin, balse lagu nasto. Waxaanu ku nasan jiray, maraakiibta ka iman

Waxay ahayd goob aan la degin, balse lagu nasto. Waxaanu ku nasan jiray, maraakiibta ka iman jirtay yurub iyo hindiya. Waana intii aan la furin kanal-suwayska masar. Sanadkii 1830-kii ayuu boqorkii Ajuuraanku ka sameeyey tuullo kalluunka lagu kala iibsado. Boqorka ajuuraanka oo xukunkiisu ku fidsanaa ilaa jamaame. Wuxuu ka sameeyey beero lagu waraabiyo biyaha webiga.

Sanadkii 1860-kii waxa dhacay xukunkii Ajuuraanka, waxaana maamulkii la wareegay boqortooyo la odhan jiray Geledi, oo uu hogaamiye u ahaan jiray suldaan la odhan jiray yusuf maxamuud ibraahin, oo wardey cali ahaa. Ka dib waxa magaalda damcay inuu qabsado boqortooyo reer cumaan ahayd oo ka talin jirtay jasiirada Sansibaar. Waxaana dagaal la galay suldaan yusuf , oo wata ciidamo ku dagaalamaya leebab, qaanso iyo warmo laga sameeyey geedaha waaweyn ee ay hodanka ku tahay magaaladu. Aakhirkiina wuxuu ku guulaystay suldaan yusuf inuu jabiyo boqortooyadii cumaan. Suldaan yusuf wuxuu xukunkii ku wareejiyey suldaan ahmed oo ahaa hogaamiyihii ciidankii jabiyey boqortooyadii cumaan, sidaasu xukunkiina kaga degay. Magaaladii ayaa balaadhatay, waxana xoogaystay ganacsigii, xoolaha, beeraha iyo kalluunka. Dagaallo ka socday waqooyiga kiiniya ayaa keenay inay soo qaxaan dad fara badan oo soo camiray magaalada hareeraheeda, kuwaasi oo u badnaa beesha ogaadeen. Taasina waxay keentay inay magaaladii ka camiranto dhinaca ganacsiga.

Sanadkii 1870-kii ayuu suldaan ahmed heshiis is-af-garad la galay suldaankii jasiirada sansibaar, ka dhaxlay maamulka aabihii, waxaana ka mid ahaa heshiiska in ciidanka jasiirada sansibaar ilaaliyo badda kismaayo iyo wixii ku xadgudba, laakiin gudaha magaalada aanay soo galin. Arrintani waxay aakhirkii keentay inuu suldaankii sansibaar magaaladii maamulo, isagoo ka faa’idaystay diciifnimo ku timid maamulkii suldaan ahmed, oo markii dambana dhintay, maamulkiisna baaba’ay. Isla wakhtigaasi waxa magaalada soo galay qoxoonti ka yimid gobolka bari oo abaaro ba’ani ka dheceen, oo majeerteen ahaa.

Sanadkii 1890-kii ayuu boqorkii sansibaaar heshiis la galay dawlada ingiriiska, kaaso dhigayey in laga ilaaliyo dhinaca badda, balse aan magaalada lala maamulin. Hasayeeshee sanadkii 1895-kii ayuu ingiriisku culays saaray boqorkii sansibaar, waxaanu ku khasbay inuu wareejiyo maamulka magaalada. Waanay dhacday. Waxaana maamulkii magaalada toos ula wareegay dawladii ingiriiska. Dawlada ingiriiska ayaa maamul u samaystay magalada, waxaanay u soo magacowday badhasaab.

Sanadkii 1926-kii ayuu ingiriisku abaal-marin ahaan ugu wareejiyey magaalada dawlada talyaaniga.dawalda talyaaniga iyo ingiriisku wakhtigan waxay ahaayeen xulufo dhinaca dagaalka ah, ilaa dagaalkii kowaad ee adduunka laga soo gaadhayey. Talyaaniga oo sidii u maamulaya, ayaa xornimadii la qaatay, waxaana xukunkii dalka la wareegay dawladihii ra’idka ahaa.

Xornimadii ka dib maamuladii magaalada kismaayo

Dawladihii ra’idka ahaa ee Adan cabudulle cismaan iyo c/rashiid cali sharmarke, waxa magaalada maamulkeeda haystay beesha majeerteen.Markii la af-gambiyey dawladii c/rashiid sanadkii 1969-kii ee kacaanku dalka maamulayey, ilaa sanadkii 1991 oo uu dhacay kacaanku, waxa maamulkii la wareegay beesha mareexaan.

Dabayaaqadii 1991-kii waxa magaalada qabsaday jabhadii USC/SNA oo uu hogaaminyey general Maxamed Faarax Caydiid, waxaana maamulkii la wareegay beesha Habar-gidar.

horaantii 1994-kii ayey ciidamadii UNISOM ee marykanku hormoodka ahaa, weerareen kismaayo, waxaanay xoog kaga fara-maroojiyeen taageerayaashii general MF.caydiid, ka dibna waxay ku wareejiyeen general MS.moorgan. waxa mar kale maamulkii la wareegay beesha majeerteen. Markii ay dalka soomaliya ka baxeen ciidankii UNISOM iyo marykankii, waxa magaalada weeraray is-bahaysi la odhan jiray DOOXADA JUBA oo ay ku bahoobeen beelaha, mareexaan iyo habar-gidar. Waxaana hogaamiye u ahaan jiray col.Barre hiiraale. Maamulkiina wuxuu noqday mareexaan iyo habar-gidar.

Horaantii 2008-dii ayey ciidamada la-shabaab oo kaashanaya beesha ogaadeen, waxay weerar ku qaadeen magaalada kismaayo, waxaanay ka qabsadeen dagaal dhiig badani ku daatay. Taasoo keentay inuu col.Barre hiiraale yidhii” waxa I soo weeraray kablalax”.

Dabayaaqada sanadkan 2012-ka ayey ahayd markii ay ciidamada huwanta ee kiiniya, kuwa dawlada soomaliya iyo ururka Raaskambooni, ay ku khasbeen in urur-diimeedka al-shabaab ka baxaan magaalada kismaayo, iyagoo maamulayey mudho dhan shan sano. 2008 ilaa 2012.

Tilmaamaha magaaladakismanyo

Waa magaallo xeebeed ku taal jubada hoose, koonfurna ka xigta caasimada soomaliya ee muqdisho, qiyaas dhan 528KM. waa magaalo madaxada gobolka jubada hoose, waana magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka. Waxa magaalada hormara webiga jubba, oo looga faa’idaysto beeraha. Waa magaallo ilaahay ku manaystay nimco. Waxaana isku-qoofalan, badd, webi, beero iyo kayn hodan ah.

Xaafadaha ay ka kooban tahay

= calanley

= siinaay

= faanoole

= far-jano

= xagar-yare

= via-afmadow

Degmooyinka kismaayo

= jamaane

= badhaadhe

= afmadow

Beelaha wada dega magaalada

= wardey cali

= majeerteen

= mareexaan

= habar-gidar

= biyo-maal

= sheekhaal

= coormaal

= ajuuraan.

=Gaaljecel

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.comSuxufi, qoraa ah. B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured