Maxaa Sababay In Uu Siilaanyo Ka Jawaabi Waayo Hadalkii M/weynaha Somaliya,iyo In Ay Wasiiradiisu Faysal Cali Waraabe Ku Canbaareeyaan Xasan-baad Ku Salaantay UK.

0
Tuesday May 21, 2013 - 08:17:48 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Uu Siilaanyo Ka Jawaabi Waayo Hadalkii M/weynaha Somaliya,iyo In Ay Wasiiradiisu Faysal Cali Waraabe Ku Canbaareeyaan Xasan-baad Ku Salaantay UK.

    madaxweynaha somaliya mudane Xasan Sheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

madaxweynaha somaliya mudane Xasan Sheekh

Maxaa Sababay In Uu Siilaanyo Ka Jawaabi Waayo Hadalkii M/weynaha Somaliya,iyo In Ay Wasiiradiisu Faysal Cali Waraabe Ku Canbaareeyaan Xasan-baad Ku Salaantay UK.

madaxweynaha somaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu khudbad ka jeediyey magaalada mugdisho 18 may 2013-ka oo ahayd maalintii loo dabaal degayay laba iyo labaatan guuradii gooni isu taaga iyo la soo nqoshada madax banaanida somaliland,waxaanu hadlakaasi madaxweynaha somaliya ahaa mid dhaawac ku ahaa qaranimada iyo gooni isu taaga somaliland,isagoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud cadeeyey in somaliya aysan sinaba u kala go'i karin loona baahan yahay oo ay xukuumadiisuna ay ka shaqeyndoonto midnimada somaliya iyo nabadgalyadeeda,isagoo wada hadaldii somaliya iyo somalilandna ku macneeyey in aysan dhex marin laba dal oo siman ee ay dhex mareen dawlada federaalka ah iyo gobolada waqooyi ee somaliya,wada hadlkaasina uusan waxba ka duwaneyn wada hadalada ay la yeeshaan maamul goboleedyada somaliya.

hadaba dadweynaha reer somaliland waxay filayeen in uu madaxweyne siilaanyo isugu yeedho saxaafada jawaabna ka bixiyo hadlaka madaxweynenaha somaliya ,waxaase dhacday in markii ay dhawr maal mood ka soo wareegtay iyada oo siilaanyo wax jawaab ah laga hayn uu Xirsi xaflad uu ka qayb galay ku dhex daray waxoogaa hadal ah oo uu jawaabta Xasan Sheekh Maxamuud ugu talo galay,hadaba arintani waxay markhaati u tahay hadalkii ay dadweynuhu isla dhex marayeen ee ahaa siilaanyo waxba ma oga talana faro uguma jirto iyo in maanta somaliland aysan lahayn madaxweyne taliya,markaa ka dibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.

dhaqanka soomaalida weynu naqaana oo had iyo jeer marka hablaha la is weydiisnayo ninka inanta doonaya ee guursanaya isaga hadal meesha uguma dhex jiro ee waxaa hadalka inta badan qaata odayaasha xigtadiisa ah iyo aabihii hadii uu joogo qaban qaabada hore ee la isugu imanayana iyagaa isu soo duba rida,.

hadaba maanta waxaynu soo qaadanaynaa qiso ka dhacday magaalada hargeysa nin dhalinyaro ah oo firfircoon ama nin fiican lagu tilmaami karo aabihiina uu ahaa nin liita ama lagu tilmaamo ragga laga fiican yahay,ayuu inankii dabcay in uu guursado markii ay inanta soo heshiiyeen wuxuu u tegay odayaashii reerkooda ahaa waxaanu u sheegay in uu gabadh ka doonayo iyaguna waxay ugu jawaabeen in uu soo kaxaysto aabihii iyo xigtadisii kale.

maah maah soomalaiyeebaa jirta oo tidhaahda reer magaalku arinkiisa kaftankuu ku dhamaystaaye .markii golaha la isugu yimid ee kaftanka iyo haasaawaha la is weydaarsanayey odeygii inanka dhalay oo goobta fadhiyey wax hadal ah ragga kuma dhex darsan halka inankiisuna uu ka mid ahaa raggii ugu kaftanka iyo haasaawaha badnaa ee goobta fadhiyey waxaana la yaabay arintan odey ka mid ahaa raggii inanta bixinayay oo odeygii inanka dhalay ku yidhi Xasanow inankani miyaanu inankaagii ahayn waxaanu odeyguu ugu jawaabay waa inanakaygii oo waa ina Xasan ,odeygii xaga inanata ka soo jeeday inta uu madax ruxay ayuu ugu jawaabay maanta waxay ku haboonayd in aad adigu ina xasan noqoto inankuna uu aabahaa noqdo.

hadaba saaxiibayaal marka uu xirsi u jwaabayo madaxweynaha somaliya waxay ku haboon tahay in uu siilaanyo xirsi noqdo xirsina siilaanyo noqdo waana sida runta ah ee ay tahay.

hadaba waxaa cad in arinkasta oo muhiim ay tahay in uu madaxweynuhu ka jawaabo waxaa ka jawaabaya xirsi iyo wasiirada kale halkii ay ka ahayd in uu siilaanyo ka jawaabo oo uu umada la hadlo,arintaasina waxay dadweynaha u iftiiminaysaa sida ay tahay xaalada madaxweyne siilaanyo oo ah mid aad u liidata isla markaana waxaa waajib ah in laga tashado oo waxgaradka,xisbiyada iyo aqoon yahanka dalkuba ka tashadaan isla markaana la taageero shirka talo qaran ee uu ku baaqay Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.

hadaba saaxiibayaal isku soo wada duuboo Maxaa Sababay In Uu Siilaanyo Ka Jawaabi Waayo Hadalkii M/weynaha Somaliya,iyo In Ay Wasiiradiisu Faysal Cali Waraabe Ku Canbaareeyaan Xasan-baad Ku Salaantay UK.

Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured