Balaayo Dabo La Qabto Ma Leh Ee Madax La Qabtaa Bay Leedahay!

0
Tuesday May 21, 2013 - 08:14:27 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Balaayo Dabo La Qabto Ma Leh Ee Madax La Qabtaa Bay Leedahay!

    Waxan maqli jiray markan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan maqli jiray markan Balaayo Dabo La Qabto Ma Leh Ee Madax La Qabtaa Bay Leedahay!
Waxan maqli jiray markan yaraa sheeko ku saabasan nolosha reer migga, taas oo la isku hal-xidhaalayn jiray marka la ciyaaraayo Googaa-Cadalee, taas oo ah waa maxay qofka la yidhaaho “Xoolo-Huno?” oo micna-heedu yahay, qofka dacaya xoolaha la raaciyo, ee qar ka halaabaan, kuwo dacawo ka cunto oo ay naylaha yaryar oo dhan badhidda goosato, in kale u dido cidla, jeex-na firxadkii ku soo galaan xiraddii, maalin weyn iyaka oo baala daymoonaaya baqdin awgeed, dabeed markii la ogaado, ee lagu cararo, marka uu arko dadk ku soo socdda, inta uu oohin labadda dhaban qabsado, duufan been ah isku maydh is odhan jiray, si aan loo canaanan, waxa sidaa ka dhigan oo aan halkan maanta ugu qalin qaatay in aan in yar ka idhaaho af-kala-qaadka iyo kiis iska waalka ka soo yeedhay ninka la yidhaaho Is Cajebiye ( waa wasiirka Duulista. Qabyaaladda iyo Musuqmaasaqa’e), oo intuu ku foognaa wax uu is Waydaariyo, Boobka Hantidda Ummadda, Qandaraas Uu Waxoogaa Ka Dul Qaado, Ciiro Isku Qarin Ah I Amaana, Iyo Is-Xayeysiin Uu Maalin Walba Taagnaado Tv-gga Qaranka, kana yidhaaho, Kamarado Baan ku Xidhay Garoonka Diyaaradaha Ee Berbera intuu ku soo fadhiisto kursi aan madaxtoo-yadaba aan oolin, oo aanu Madax-weynaha dalka ( Madax-weyne Axmed Siilaanyo) xukumaaba haysan ee isaga keenay, aan ogayn goor laga la hoos baxay hawshii ay Ummadu u tirinaysay, meel uu kaga waramana aan garanayn, misna naqaskii baabuurta ka bixi jiray Igsooska, xalay ka sii daayey Kursiggii uu Isku Amaani jiray ee u yaalay Madaarka Berbera, Akhristaw adba qiyaas, oo saw xaalku uma eeka sheekadda aan kor ku qoray ee xoolaha ku saabsan oo aan biyo is marin, bal wuxuu doonaayo, in uu ummadda ku maaweeliyo, ee uu leeyahay, laga bilaabo bishan 15/05/12013 waxan Madaaradda Somaliland ka Mamnuucay Diyaaradaha UN-ta in ay soo fadhiis-taan, waa goorma waa goor uu wiish kula sare kacaye.Waa goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, oo uu siddii islaantii lala guursaday uu leeyahay, ilayn caylaw cadaana, ilayn meel lagu caraabo, cuwaafta caruurta siina. mansuuliyadu maaha marka aad xilkaaga ka soo bixi waydo iska soo oohi, ee meel aad u food saarto, iyo wax ku dhacay midna aad garan waydo, Mr Is-Cajebiye, Beri hore bay ahayd in aad sii ogaatid, inta aan lagaa fara maroojin, oo aad ka sii hor degtid, oo qayla dhaana ka sii muujisid, inta aanay seeftu ku qaadan, maaha in aad ku soo hambaabirtid marka lagu yidhaaho jaale is dhiib sidii maxbuus falastiini ah, oo ay qabatay Yuhuudi, wax kaa cunta-maaya la kaalay, tani mid u dhadha-maysa Ummadda maahee. Xagee Baad ku maqnayd markii loo tashanaayey? ma ogaan kari wayday?, inta aan loo rarin Xamar halka la raacinaayo xaqa Ummadda Reer Somaliland? ma Nayroobi baa lagu reebayaa? mise Xamar baa la raacinayaa? ma is weydiin weyday? halka lagu keweraayo?, su’aalaha kor ku qoran mid waa la garanayaa, oo aniga baaba jawaabta ku siinaaya, taas oo ah waxad ku maqnayd malabsi, markii aad tawday, joog ka mid ahaa kuwii aad farta dari jirtay, baad hurdadda ka soo booday, oo aad tidhi qunbihii hoos-ku-malable meeyey?* Markay kadan tahay bay Alle taqaanaaye, kolka dhaliil loo soo jeediyo bay kabsh-kabsh-laysaaye, waxa uu yidhaaho igu amaana afarta sacabka u garaacdda, ma waxay noqotay, Garoonkii Caasimadda oo ay ahayd in uu dhamaado Bishan kala badh-keedda, oo markii la yidhi maxaa ku dhacay?* uu doonaayo in uu faro fiiq-fiiq iyo bac-bac kaga baxo, roobab baa da’ay iyo sheeko caruureedddii Araweello iyo oday biiqay.* Waxan weliba idiin hayaa kiis Cusub oo lagu hayo maanta, kaas oo ah Hanti-Boob ee halakn hoose Akhri:-Mr Is-Cajebiye waxa lagu hayaa Laba guri oo banga-looyin ah, oo uu labada-ba Iibsaday isla-sanadkii ina dhaafay ee 2012ka ahaa gudihiisa, kuwaas oo mid ku yaalo london, qiimihii-suna yahay Hal milyan iyo sideed boqol kun oo doolar ( $1800,000), iyo Guri kale oo ku yaal Magaaladad Birmingham oo isna ah halmilyan iyo boqol kunoo doolare ( $1100,000), weliba, waxa ku qoran seedigii ( waa Xaaskiisa walaal-keed) oo ah Derewal Wadda Basaska Magaaladda u kala goosha, oo waa Nin dhulbahante Ah, oo la yaqaan ab iyo isir, taas oo ah cadaan aan muran iyo beeni mid-na ku jirin, toosna u wadda og-yihiin ummadda ku nool London iyo Birmingham, waa sheeko aan mudo daba soconay dheer ilaa sanadkii hore si aan u soo xaqiijino.hadaba akhristaw intii la kala meelay-naayey arimahan guryaha baa, hantiddii ummadda lala xeeb maray, oday jooji wax ma ogidda, wax qarsooni ma jiraane.* N.B Nin Kaa dheer wax looma tilmaamo, Nin kaa aqoon badana wax loom sheego!Abdi-shgotaly,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured