Xukuumada Siilaanyo Waa Xukuumadii Ugu Musuq-maasuqa Badnayd Ee Dalka Soo Marta

0
Tuesday May 21, 2013 - 08:10:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Siilaanyo Waa Xukuumadii Ugu Musuq-maasuqa Badnayd Ee Dalka Soo Marta

    akhristayaal sideedaba musuq maasuqu wuxuu galaa meelo faro badan sida xoolaha umada oo si gaar ah loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

akhristayaal sideedaba musuq maasuqu wuxuu galaa meelo faro badan sida xoolaha umada oo si gaar ah loogu

Xukuumada Siilaanyo Waa Xukuumadii Ugu Musuq-maasuqa Badnayd Ee Dalka Soo Marta.

akhristayaal sideedaba musuq maasuqu wuxuu galaa meelo faro badan sida xoolaha umada oo si gaar ah loogu takri-falo iyo habka loo qaato shaqaalaha dawlada iyo eexda lagu naas nuujiyo dadka qaar,hadaba maqaalkan waxaynu ku lafa guri doona siyaabaha kala duwan ee xukuumada siilaanyo ugu dhaqanto musuq-maasuqa.

1: tan iyo markii ay xukuumada siilaanyo talada dalka la wareegtay waxaa hantidii umada ka faa'iidaysta waa qabiil qudha oo ah qabiilka uu ka soo jeedo madaxweyne oo aniga laftaydu ka soo jeedo oo aan wax badan ka ogahay, aniga oo jecel dadka reer somaliland in aan u soo bandhigo xaqiiqda ka jirta somaliland iyo sida xukuumada siilaanyo ay dadka u kala dhaweysanayso taasi aan maankaygu ka adkaysan kari waayo in aan ka aamuso,hadaba waxaan jecelahay in aan umada somaliland u sheego inay xukuumada siilaanyo tahay tan ugu musuq-maasuqa badan ee dalka soo marta isla amrkaana waxay kaga tegysaa cawaaqib xumo ba'an.

2: sida kale ee ay xukuumada siilaanyo ugu kacdo musuq-maasuqa waa iyada oo shaqaalaha dawlada badankooda laga dhigay dhalinyaaro ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo loo shaqalaysiyey hab qabyaaladeed,taasi oo baal marsan dastuurka somaliland iyo xeerka lagu qaato shaqaalaha dawlada,iyada oo ay ayaan daro tahay in aysan cidiba ka hadal hanaanka foosha xun ee xukuumadu wax u shaqaalaysiinayso.

3: waxa kale oo ay xukuumadu wax ku musuqdaa waa iyada oo cid gaar ah oo ay dano gaar ah ka leedahay ku naas nuujisa hantida umada,iyada oo laga yaabo inaysan dadkaasi ehel u ahayn in la naas niijiyo balse ay xukuumadu si gaar ah ugu eexanayso dadkaasi gaarka ah.

hadaba akhriste waxaan shaki ku jirin inay xukuumada maanta jirtaa ay tahay xukuumadii ugu cadaalad darada xumayd ee abid dalka soo marta waayo maanta dalka kama jirto cadaalad loo siman oo waxaa xoog leh hadba cidii xukuumada kalsooni ama taageero ka haysata,waxa kale oo jirta inay maanta somaliland qabyaaladii ay marayso meel xun oo cawaaqib xumo yaalan karta taasi oo aan jirin intii ka horeysay xukuumada balse ay horseed ka ahayd xukuumada siilaanyo qabyaalada xun ee maanta dalka ka socota, kadib markii ay xukuumadu dadkii u kala eexatay ee ay soo kala dhaweysatay isla markaana ay dadka ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo lagu shaqaalaysiiyo bilaa shuruud halka kuwa kalena lagu xidho shuruudo sida imtixaan iyo wixii la mid ah.

waxa kale oo ay saaxiibayaal xukuumadani soo kordhisay waa tahriibtii oo heerkii ugu sareeyey maraysa oo hadaan xal deg deg ah laga gaadhin dalka dhalinyaradu ka dhamaan doonaan, maceeshadii ayaa maraysa halkii ugu sareysay oo maanta dadka qaar ayaan dabba loo shidin.

gabagabadii waxaan dadka reer somaliland shaki kaga jirin in dalka lagu xukumo dastuurkii lagu ansaxiyey shirkii gar adag,kaasi oo maanta dalka u xeer ah,waana xeerka uu ku shaqeeyo xitaa gudoomiyihii galaha guurtida ee la is lahaa dadka dhex ha u ahaado ayaa maalin kasta la soo taagan siilaanyo gar iyo gardaraba ha lagu taageero.

hadaba umada waxaan u sheegayaa kol hadii maanta talada dalka aanu qabanay in aanan dulqaad lahayn ayaad aragteene bal umada reer somalilandne idinku noo dul qaata labada sanno ee noo hadhay, maalin dheeraadana ha noogu darina.

Qalinka:Aqoon yahan Jaamac Cilmi (Jiir)

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured