Ninka Labaad Ee Ugu Dheer Dunida Una Dhashay Somaliland Xuseen Maxamed Bisad Oo Ugu Baaqay Mujaahidiintii SNM Inay Somaliland Dib Ugu Laabtaan Oo U Diyaar Garoobaan Difaacista Qaranimada Somaliland “Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Markale U Dhinto Somaliland Xasan Abgaalna Waxaan Leeyahay Afkaagad Eedaysa”

0
Tuesday May 21, 2013 - 08:08:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninka Labaad Ee Ugu Dheer Dunida Una Dhashay Somaliland Xuseen Maxamed Bisad Oo Ugu Baaqay Mujaahidiintii SNM Inay Somaliland Dib Ugu Laabtaan Oo U Diyaar Garoobaan Difaacista Qaranimada Somaliland “Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Markale U Dhinto Somaliland Xasan Abgaalna Waxaan Leeyahay Afkaagad Eedaysa”

    London (xogreebnews. com- Ninka labaad ee ugu dheer dunida aynu ku noolahay una dhashay Somaliland Xuseen Maxamed Bisad oo shabakadda caalamiga ah ee qar ka mid ah shebedaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (xogreebnews. com- Ninka labaad ee ugu dheer dunida aynu ku noolahay una dhashay Somaliland Xuseen Maxamed Bisad oo shabakadda caalamiga ah ee qar ka mid ah shebedaha Ninka Labaad Ee Ugu Dheer Dunida Una Dhashay Somaliland Xuseen Maxamed Bisad Oo Ugu Baaqay Mujaahidiintii SNM Inay Somaliland Dib Ugu Laabtaan Oo U Diyaar Garoobaan Difaacista Qaranimada Somaliland “Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Markale U Dhinto Somaliland Xasan Abgaalna Waxaan Leeyahay Afkaagad Eedaysa”
London (xogreebnews. com- Ninka labaad ee ugu dheer dunida aynu ku noolahay una dhashay Somaliland Xuseen Maxamed Bisad oo shabakadda caalamiga ah ee qar ka mid ah shebedaha wararka caawa la soo xidhiidhay ayaa wuxuu baaq u diray dhammaanba mujaahidiintii iyo halgamayaashii ururkii SNM ee Somaliland xornimadeeda qaybta weyn ka cayaaray inta dalka dibadiisa ku sugan isagoo ugu baaqay inay dalka dib ugu laabtaan una diyaar garoobaan inay dhiigooda mar labaad u huraan Somaliland.Mudane Xuseen Maxamed Bisad wuxuu sidoo kale si weyn u daadafeeyey hadal dhawaan ka soo baxay madaxweynaha ka taliya xaafadaha Muqdisho xasan Sheekh Maxamuud isagoo Xuseen Sheegay inuu afkiisa eedayo isagoo hadalkiisiina ku tilmaamay mid aan af akhlaaq leh ka soo bixin “Ninka xaafado Xamar ka mid ah ka taliya ee Xasan Abgaal waxaan leeyahay waxaad ka hesho ayaad leedahay, shacabka iyo ummadda reer Somaliland waa dad tashaday, oo 22 sannadood xornimo iyo qaranimo ku naaloonaayey, haddii aad hurdo ku jirtay oo aad Somaliland ku riyoonayso waxaan leeyahay afkaagaad imika eedaysa, diyaarna waxaanu u nahay inaanu marlabaad difaacno qarankayaga waxaanad shaaca ka qaaday inaad tahay cadawga koobaad ee Somaliland leedahay” ayuu yidhi Xuseen Maxamed Bisad.Xuseen Maxamed Bisad isagoo markale xasuusinaya Xasan Sheekh Maxamuudka ka taliya xaafado ka mid ah Xamar dariiqii loo soo maray Somaliland wuxuu yidhi “Somaliland dhiig ayaa u daatay xornimadeeda dhiig labaad inuu ku daatana waa u diyaar haddii aad doonayso wareeg labaad waxaan ku leeyahay Xasan Abgaal al-nidaam waasac diyaar ayaanu ku nahay, qarranka Somaliland-na ku yahay, kuwii hore u cunay ciidankii Afrikada madaw ugu xooga badna waxaan huba inaanay biyo u kabanaynin adiga iyo Afrikaanka kugu wareegsan” ayuu yidhi Xuseen Maxamed Bisad oo ka jawaabaayey hadal dorraad ka soo baxay madaxweynaha ka taliyaha xaafadaha Muqdisho qaybo ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud ku yidhi.Xuseen Maxamed Bisad oo ka mid ahaa mujaahidiintii xoraysay Somaliland haddana ku nool dalka boqortooyada ingiriisku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu Somaliland ku laabto oo marlabad difaaco qaranimada Somaliland, wuxuuna baaq u diray mujaahidiintii Somaliland inta dibadda ku nooli inay Somaliland ku noqdaan oo qarrankooda difaacaan “waxaan usoo jeedinaya saraakiishii iyo mujaahidiintii SNM inta dalka dibadiisa joogta inay Somaliland dib ugu noqdaan oo u diyaar garoobaan difaacista qarrankeena” ayuu yidhi Xuseen Maxamed Bisad.Xuseen Maxamed Bisad oo aad looga qadariyo dalka boqortooyada ingiriiska ayaa hadalkiisani wuxuu ka mid yahay jawaabo cadho leh oo shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland ka soo baxaayey labadii maalmood ee ugu danbeeyey oo kaga jawaab celinayeen hadal deel qaaf ah oo ka soo baxay Madaxweyne gurguurtaha xaafadaha Xamar ka taliya.cource halbeeg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured