HANTIDHOWRAHA GUUD EE QARANKA OO TOG-WAJAALE USOO GAADHEY BAADHISTA JUWANO FOOJARI AH OO AY JAADLAYAASHU ISTICMAALAAN
Tog-Wajaale Tog- xogreebnews.com--Hantidhowraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud HANTIDHOWRAHA GUUD EE QARANKA OO TOG-WAJAALE USOO GAADHEY BAADHISTA JUWANO FOOJARI AH OO AY JAADLAYAASHU ISTICMAALAANTog-Wajaale Tog- xogreebnews.com--Hantidhowraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud dheere iyo Koox uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Agaasimaha Hantidhowrka ayaa Maanta Baadhis ku sahabsan Juwani Been abuur ah oo ay kudaba jireen indhawaale ku galalafey Kastamka Cashuuraha Qaadka iyo Khudaarta Tog-Wajaale iyagoo dhinaca D/hoose ee Tog-Wajaalena xusey in ay usoo laabanayaan.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cadi (Maxamuud-Dheere) ayaa si guud mar ah u Xusey in ay ku daba jiraan Juwano been abuur ah oo badhkood laga helay Qaadlaha kuwaas oo baadhistooda ay kasoo bilaabeen dhinaca Hargeysa raadadkiisuna soo galeen Kasatamada Kalabeydh iyo Tog-Wajaale ee Cashuuraha Qaadka iyo Khudarta ka timaada dhinaca dalka Itoobiya.“Waxaanu wadnaa baadhis kooban oo ku sahabsan juwano been abuur oo aanu dabagal ku wadney kuwaas oo aanu kasoo bilownay xaga Hargeysa Caasimada waanu wadnaa oo halkan iyo Kalabeydhna waanu ka baadhi doonaa, qaadlaha iyo qolyahaas ayaa laga helay juwanada”Sidaa waxa Yidhi Maxamuud Aw Cabdi(Maxamuud-dheere)Hantidhowraha Guud ee Qaranka Somaliland, oo Kastamka Cashuuraha Qaadka iyo Khudaarta ee Tog-Wajaale baadhis ka bilaabay saaka. Dhinaca kale Su,aal ku sahabsaneyd in ay baadhayaan Guud ahaan D/hoose ee Degmooyinka ku teedsan Xuduudaha oo la sheegay in aanay Qaarkood laheyn Xisaab xidh waxa uu ku Jawaabay Maxamuud Aw Cabdi Hantidhowraha Guud ee Qaranka Somaliland. “Waxaanu rajeyneynaa inaanu u baadhno juwanadooda soida ugu dhakhsaha badan tuhuno badan ayaa jira waanu baadheynaa insha allah qaarna wey noo xaniban yihiin calaamado”Ayuu yidhi Hantidhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Dheere. Inkastoo aanu ka bixinin baadhistan iyo tuhunada juwanada ay ku dabajiraan wax faafaahin ah hadana waxa uu iftiimiyay in ay dhawaan bilaabi doonaan baadhitaano culus oo ay ku baadhayaan D/hoose ee dalka iyo Maamulayaasha Golayaasha Deegaanada Cusub si la isku waafajiyo Xisaabihii hore ee Isticmaalka juwanada D/hoose iyo kuwan indhawaale la bilaabay ee qaadista noocyada kala duwan ee Cashuuraha badeecadaha laga qaado dadweynaha Reer Somaliland, iyo siyaabaha loo adeegsadey kharashaadka ka baxaya khasnadaha hantida Dowlada. Waa markii u horeysay ee nooceeda ah oo Hantidhowraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud-Dheere iyo koox uu wato oo kamid ah hantidhowrku ay Socod galalaf ah kuyimaadaan Degmada Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, iyagoo qacdii bilowga Xukuumadan ka taxaabay Tog-Wajaale iyo Gabiley D/hoose Saraakiishii Maamulka haseyeeshee waagaa wixii ka dambeeyay joojiyay baadhista iyo dabagalka hantida Qaranka kadib markii ay ku ilka beeleen Xoghayihii Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Hargeysa, inkastoo aanay wax baadhitaan ah mudo badan ula imanin Guud ahaanba Howlawdeenada lasoo magacaabey Wakhtiga Xukuumadan ee D/hoose ee Degmooyinka Gobolka Gabiley. Leave a comment |
|
HANTIDHOWRAHA GUUD EE QARANKA OO TOG-WAJAALE USOO GAADHEY BAADHISTA JUWANO FOOJARI AH OO AY JAADLAYAASHU ISTICMAALAAN
Tog-Wajaale Tog- xogreebnews.com--Hantidhowraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud