Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Maanta ka Hadlay Hadalo ka Soo Yeedhay Madaxda Somaliya.
Hargeysa(xogreebnews.com-Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Md, C/raxmaan Maxamed C/laahi, oo maanta Warbaahinta kula hadlaya Xarunta Golaha
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Maanta ka Hadlay Hadalo ka Soo Yeedhay Madaxda Somaliya. Hargeysa(xogreebnews.com-Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Md, C/raxmaan Maxamed C/laahi, oo maanta Warbaahinta kula hadlaya Xarunta Golaha Wakiilad ayaa Shacbi weynaha Somaliland uga mahad celiyay Sidii Wadanayada lahayd ee ay uga qayb qaateen Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May ee ay u muujiyeen dareenkooda dhabta ah ee Gooni isutaaga Somaliland. Gudoomiyuhu isaga oo ka hadlaya hadalkii ka soo yeedhy Madaxweynaha Somaliya iyo Wasiirkiisa Warfaafinta, waxa uu sheegay , inShirkii Turkigaku qabsoomay ee Somaliand iyo Somaliya ay qodobadiisa ka mid ahaayeen inaan war-baahinta laysu marin wax wax-u-dhimaya wada hadalada socda, kaasi ayaanay ahayd inay Ixtiraamaan ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu. Waxa kale oo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland md C/raxmaan Maxamed C/laahi, uu sheegay inay meel ka dhac ku ahayd S/land Raali galintii uu bixiyay Wasiirka Warfaafinta Somaliya eek u saabsanayd Talaabadii ay Somaliland ka qaaday Maaamulida Hawdeeda, waxaanu ugu baaqay Somaliya inay iska dhaafaan hadalada Riyada ah oo ay danahood u jeestaan, inta ay hadal hayaan Somaliland oo danaheeda ka tshatay . Waxaanu Gudoomiyuhu intaa raaciyey inay Somaliland xaq u leedahay inay is-difacdo si dib-lumaasiya iyo inay dalalka la hadasho ,inay Qaramada midoobay la hadasho iyo inay xaqeeda muujiso ayey xaq u leedahay Somaliland Leave a comment |
|
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Maanta ka Hadlay Hadalo ka Soo Yeedhay Madaxda Somaliya.
Hargeysa(xogreebnews.com-Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Md, C/raxmaan Maxamed C/laahi, oo maanta Warbaahinta kula hadlaya Xarunta Golaha