Xuska 18ka May Iyo Duurxulkii Madaxweynaha Somaaliya.Faallo: Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

0
Monday May 20, 2013 - 09:24:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska 18ka May Iyo Duurxulkii Madaxweynaha Somaaliya.Faallo: Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

    Hargeysa(xogreebnews.com-oo ku beegnayd sannad-guuradii 22aad ee la soo noqoshada qaranimada Somaaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-oo ku beegnayd sannad-guuradii 22aad ee la soo noqoshada qaranimada Somaaliland

Hargeysa(xogreebnews.com-oo ku beegnayd sannad-guuradii 22aad ee la soo noqoshada qaranimada Somaaliland waxaa si weyn looga xusay dalka gudahiis iyo jaaliyadaha shanta qaaradood. Yididiilada iyo farxadda waxaa Somaaliland la wadaagay inta badan qoomiyadaha Somaaliyeed meel kasta oo ay joogeen iyadoo dawladaha qaarkoodna u soo direen madax ka qayb gasha munaasibadda. Hase ahaatee, waxaa ayaan-daroo weyn ah Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaaliya in uu warbaahinta ku firdhiyay afxumo uu ugu duur xulayay xuska 18ka May.

Madaxweyne, Xassan Shiikh Maxamuud isagoo ka hadlayay xarun Turkigu u dhisay Agoomaha waxaa uu warfaafinta soo mariyay farriin dulucdeedu ahayd in dadka reer Somaaliland ka waantoobaan waxa uu ku sheegay Caadifadda isagoo ku guubaabiyay in la gaadhay xilligii dib loo yagleeli lahaa midnimada Somaaliya tasoo uu ku sheegay inay tahay MUQADAS ah.


Waxaan qabaa Madaxweynaha Somaaliya inuu dib u liqi laha erayada laabtiisa ka guuxayay haddii uu garasho u leeyahay saddex arrimood oo uu ku xisaabtami karo masuul kasta oo farriin u gudbinaya UMMAD ama QARAN.

1. Aflagaadada Madaxweyne Somaaliya waxay si toos ah ugu dhacday dhegaha iyo quluubta dhammaan dadka reer Somaaliland kuwaasoo 18kii May ku jeeni-qaarnaa calanka iyo astaamaha Somaaliland oo tilmaam u ah nabad taam ah, dawladnimo taabbo qaaday, kala-danbayn, iyo horumar. Hase ahaatee Xassan Shiikh Maxamuud isagoo ka gaabiyay inuu si fog wax u jeedaaliyo, 18ka May waxay ugu muuqatay in reer Somaaliland Caadifad u jeeni-qaaran yahiin iyo in ay ka madhan yahiin garaadka iyo aragtida ay ku maarayn karaan runta iyo xaqiiqada maanta taagan.

2. Xassan Shiikh Maxamuud, mar labaad, weedhiisa waxaa uu ka soo jeediyay Xarun loo dhisay Agoomaha, balse, waxaa uu ka baaqsaday inuu garto xilka ka saran agoomaha uu hortaagnaa iyo inuu isweydiiyo waxii ay ku dhinteen waalidiintoodu, isla markaana, waalidiin bandan ay u goblameen. Waxaa la rabay inuu ka hawl galo in aan mar danbe ubadka Somaaliyeed aanay la soo dersin duruufaha ubadkaa soo maray. Sidoo kale, Madaxweynahu waxaa aanu dhaadin dadka reer Somaaliland ee uu farriinta u dirayo in 70% ay yahiin dad dhallinyaro ah oo intooda badan ku agoomoobeen ama ku waxyeeloodeen dhibaatadii laga dheefay midnimada Somaaliya.

3. Mar kale, Madaxweynaha waxaa maankiisa ka maqnayd xarunta uu hadalkiisa ka soo tebinayay inay u dhiseen Turkiga oo ahaa kuwii dhexdhexaadiyay heshiiskii Istanbuul iyo Ankara ku dhex maray Somaaliland iyo Somaaliya. Waxaana uu u badheedhay inuu ka talo baxo ballankii uu hortooda ku galay.
Dhinaca kale, xilliga uu Xassan Shiikh Maxamuud u gefayay shacabka iyo xukuumadda Somaaliland, isla amintaa ciidankiisu waxay ku foognaayeen inay xoog ku kala dsreeriyaan inta badan barlamaankiisu oo ku shirsanaa Hudheel. Waxaa u taallay inuu ka hawl galo Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Galguduud, Mudug, Bari iyo Nugaal oo dhammaantood dhabarka u soo jeediyay maamul xumadiisa. Waxaa kaloo loogu fadhiyay inuu agaasimo mooshinka kalsoonida laga la noqonayo xukuumadiisa.
Run ahaantii Madaxweynahu waxuu u muuqdaa qof xilkiisii gabay oo dan mooday in uu dhabarku ku qaado xil ka sii culus kan uu hadda la kacaa kufayo. Sidaa darteed, waxaa talo fiican noqon lahayd haddii uu garawsado in aanu isku raran xamuul aanu lahayn sharciyad, awood iyo garsho uu ku qaadi karo.
Waxaa xusid mudan Madaxweynahu dhowaan markii uu Madaxweynahu la kulmay jaaliyadda Somaaliya ee London waxaa madasha talo uga soo jeediyay wiil yar (Aniis) oo toban jir ah kasoo ugu baaaqay, "Madaxweyne ma heli doontid amaanta dadkoo dhan, balse, iska ilaali naca dadkoo dhan."

Nasiib-darro Madaxweynahu kama daadeign dardaarankii qumanaa ee wiilka yar. Madaxweynahu isagoo aan xilka haynin 7 bilood durbaba waxaa uu kasbaday naca gobolo faro badan oo dalkiisa ka mid ah. Maantana waxaa uu ku sii kordhiyay eedda, godobta iyo naca 3 milyan oo reer Somaalinad ah.

Bulshoweynta Somaaliyeed waxay si soke u dhowri doonaa daruufaha Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud uu ku dhammaysan doono sannadkiisa kowaad. Waxaana aan filayaa, Allah kama dhigee. haddii aanu wax ka bedelin dhaqanka muuqda inuu ummadda ku shubo doono god ka sii madow badan kan hadda laga soo qodayo.

Xassan Cumar Hoorri waxaa uu yahay suxufi deggan Hargeysa. Waxaa uu wax ka qora arrimaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it ama ku tixraac @horrimania.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured