Masuul Ka Tirsan Xisbiga UCID Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Ugu Baaqay Somaliland Shallay “Mar Danbe Somaliland Diyaar Uma Aha Inay Axdi La Gasho Horjoogaha Madaarka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud

0
Sunday May 19, 2013 - 19:18:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Tirsan Xisbiga UCID Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Ugu Baaqay Somaliland Shallay “Mar Danbe Somaliland Diyaar Uma Aha Inay Axdi La Gasho Horjoogaha Madaarka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud

    Oslo(xogreebnews.com- Guddoomiyaha xisbiga UCID ee dalalka Scandanevianska Cumar Daarood Xasan ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oslo(xogreebnews.com- Guddoomiyaha xisbiga UCID ee dalalka Scandanevianska Cumar Daarood Xasan ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey

Oslo(xogreebnews.com- Guddoomiyaha xisbiga UCID ee dalalka Scandanevianska Cumar Daarood Xasan ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee jawaab kulul ka bixiya hadal shallay ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu baaqay Somaliland inay dib u gallaan midnimadii Soomaaliya.

Guddoomiye Cumar Daarood Xasan oo noqonaya masuulkii ugu horeeyey ee ka jawaaba hadalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ku yidhi qoraal uu soo gaadhsiiyey shabakadda Halbeegnews “Xisbiga UCID iyo taageerayaashiisu iyo dhamaan shacabka somaliland marna raali ka noqon maaayan afxumada, aflagaadada, faragalinta badheedka ah ee ad dalkeyaga iyo dadkeyga ad ku hayso adigoo anu ognahey xaaladaha ad kusugan tahay iyo awood darida maamulkaaga”

Haddaba qoraalkaasi guddoomiyaha xisbiga UCID ee dalalka Waqooyiga Yurub ayaa waxaa lagu yidhi sidani:

“Anigoo ku hadalaya magaca xisbiga qaran ee UCID laamihiisa Iskandanivika islamarkan ah gudoomiyaha Xisbiga UCID ee dagaamadaasi waxanu halkan si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin hawada uso marineyna dhamaan shacabka somaliland ee daafaha dunidiisi ka damaashadeyd ee nasiibka u helay in ay ka qeyb qaatan munaasabadan labo iyo labaatanaad ee kaso wareegtey maalintii aynu ku dhawaaqney gooni isu taaga JSLand.

Mar walba wuxu xisbiga qaran ee UCID u taagan yahay oo u taageeraya islamarkan garab iyo gaashan ba siineyna xisbiga iyo maamulka u hiiliya qadiyada somaliland islamarkan kor u qaada, waxanu ka so horjeedna cid wal oo dhibaato iyo afagalin ku sameysa jiritaankan somaliland, wuxu xisbiga UCID taageersan yahay in maalinta 18 May kor loo qaado xusideeda iyo damaashadkeedkeeda si cadawga somaliland cadhuuftiisa dibu u liqo sida maanta ba dhacday ee ad waad la socotan inu horjoogihii Madarka Xamar dhiigiisi boqol gaadhey markuu daawaday shaashadaha Tviyada iyo wabebka damaashadka iyo horumarka ay JSLand gaadhey iyo geedi socdka horumarka wadanka ka socda, maanta wuxu ogaadey horjoogaha Madar Xamar inu cidla joogo oo anu bugcad yarna ka talin taasa qeylo dhaanta iyo afxumada ka keentey iyo awood dardiisa maamulkiisa ka muuqata.

Waxanu fariin u direyna horjooga MadaarKa Muqdisho Xassan Sh oo anu leenahay sidatan

Xisbiga UCID iyo taageerayaashiisu iyo dhamaan shacabka somaliland marna raali ka noqon maaayan afxumada, aflagaadada, faragalinta badheedka ah ee ad dalkeyaga iyo dadkeyga ad ku hayso adigoo anu ognahey xaaladaha ad kusugan tahay iyo awood darida maamulkaaga.

Anagoo og sidii laguso doortey iyo habdhaqankiisa iyo xaalada rasmiga ah ee uu ku sugan yahay maanta maamulkiisu waxanu caalamka iyo dalalka anu jaarka nahay ba u sheegeyna in aanan u aqoonsaneyn madaxweyne soomaliyeed oo la so doortey islamarkan an ka midho dhalin karin heshiisyadii la kala saxeexday ee Turkiga iyo London ku dhex marey dawlada somaliland iyo maamulka madarka Xamar..

Waxa maanta marag ma doonta ah inu dhawr qodob oo dawladeenu la soo saxeexatey oo ka mid aha qodobadii lagu heshiiyay u buriyay taasina inuu muujineyso habdhaqankiisa mas’uuliyad daro iyo shakhsiyadiisa ba somalidu waxay tidhaahda NINKAAD GABAHA KA TOLANEYSO KABIIHIISA LA EEGA, Waxa iyana nasiib daro ah ila maanta dawladeenu kama jawaabin qodobadaasi u buriyay, runtii xisbiga UCID wuxu aaminsan yahay in anu aheyn madaxweyne Axdi iyo heshiis midna lala gali karo maanta wixii ka danbeya, waxanu ka codsaneyna dawladeena iyo madaxweynaheena mudane Axmed Mohamoud Siilaanayo inu jawaab waafiya ka bixiyo hadaladaasi aqoondarada ah ee ka soo yeedhey horjooga Madar Xamar.

Waxan kuso gabagabeynayaa qormadeydan in an mar danbe la hor fadhiisan horjoogaha madarka xamar oo dawladeenu go’aan adag iska taagta islamarkan caalamka laga ashkateya oo kuwii dhexdhexaadka inu aha loo sheega inta qodob ee u buriyay ila maanta waxnu leenahay No more wada hadal danbe ila caalamku ogaaneya inu yahay Axdi laawe Xassan Sh oo an la aamini karin ba..

Hambalyo iyo Bogaadin baanu hawada usoo marineyna shacabkeyaga iyo dawladeyda iyo saaxiibadeyda jecel jiritaanka somaliland ee dhan walba naga taageeraba” ayuu ku soo gebo-gebeeyey Cumar Daarood guddoomiyaha xisbiga UCID ee dalalka Waqooyiga Yurub




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured