Madaxwaynaha Somaliya Oo Si Indho La’aan Ah Ugu Hadaaqay Hadalo Lid Ku Ah Gooni Isutaga Somaliland Iyo Wada-hadaladii Labada Dal.

0
Sunday May 19, 2013 - 11:14:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliya Oo Si Indho La’aan Ah Ugu Hadaaqay Hadalo Lid Ku Ah Gooni Isutaga Somaliland Iyo Wada-hadaladii Labada Dal.

    Muqdisho(xogreebnews.com- Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan ka fiirsasho lahayn ay afkiisa uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com- Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan ka fiirsasho lahayn ay afkiisa uga Madaxwaynaha Somaliya Oo Si Indho La’aan Ah Ugu Hadaaqay Hadalo Lid Ku Ah Gooni Isutaga Somaliland Iyo Wada-hadaladii Labada Dal.

Muqdisho(xogreebnews.com- Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan ka fiirsasho lahayn ay afkiisa uga soo bexeen hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland iyo wadahadaladii Somaliland iyo somaliya uga bilaabmay wadanka Turkiga, ayadoo ay maanta dadwaynaha reer somaliland u dabaal dagayeen 22-guuradii ka soo wareegtay markii ay la soo noqdeen xornimadoodii halawday ee sanadkii 1960-kii ay ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska taas oo aad moodo in uu madaxwayne Xasan uu ka xumaaday dabaal degyadii ay samaynayeen dadwaynaha reer Somaliland dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.


Inkastoo aanay ahayn markii u horaysay ee masuul ka tirsan xukuumadihii muqdisho soo maray uu hadalkan oo kale ama mid lamid ka soo yeedho, balse hadalkiisani waxa uu ku soo beegmayaa xili ay wada hadalo u socdaan labada dal kaas oo ay bulshada caalamkuna dhexdhexaadinayso, ayadoo hadalkan maanta ka soo yeedhay madaxwaynaha somaliya uu jabinayo qodob ka mida qodobadii lagu heshiiyay ee wadanka Turkiga, kaas oo ahaa in aanay labada dawladood warbahinta isu marin wax weeraro dhinaca afka ah balse xasan sheekh maxamuud qodobkaas wuu jabiyay,

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured