Marka Umaddu Ku Karaamayso Iyadoo Lagaa Aqoon Badan Yahay, Lagaa Karti Badan Yahay, Haddana Aad Tidhaahdo Wixiiba Aniga Ha Igu Soo Ururaan Dhibaatadeeda Ayay Leedahay”Sheekh Aadan Siiro

0
Saturday March 23, 2013 - 19:04:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marka Umaddu Ku Karaamayso Iyadoo Lagaa Aqoon Badan Yahay, Lagaa Karti Badan Yahay, Haddana Aad Tidhaahdo Wixiiba Aniga Ha Igu Soo Ururaan Dhibaatadeeda Ayay Leedahay”Sheekh Aadan Siiro

    Hargeysa, March 22, 2013 (xogreebnews) — Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, March 22, 2013 (xogreebnews) — Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Marka Umaddu Ku Karaamayso Iyadoo Lagaa Aqoon Badan Yahay, Lagaa Karti Badan Yahay, Haddana Aad Tidhaahdo Wixiiba Aniga Ha Igu Soo Ururaan Dhibaatadeeda Ayay Leedahay”Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa, March 22, 2013 (xogreebnews) — Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), ayaa ku baaqay in la dhowro wixii shscabka reer Somaliland ku heshiiyeen, isaga oo sidoo kalena soo jeediyey in xukuumaddu la tashato dadkeeda.Sheekh Aaden Siiro, waxa uu tilmaamay in qofka hogaamiyaha ah looga baahan yahay inuu dadka la tashado, halkii kaligii go’aan ka gaadhi lahaa masiirkooda.Sheekh Aaden Siiro oo khudbadii Jimcaha ee maanta ku soo qaaday Mowduuc uu ciwaan uga dhigay “ DAMACA WAX U DUMIYA”, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Inaad tidhaahdo wixii aynu ku heshiinay kaligaybaan go’aan ka gaadhayaa, waxa ka wanaagsan inaad tidhaahdo aynu ka wada tashano, wixii hanti ah ee inaga dhexeeyay inaad kaligaa ku tasarufto, waxa ka wanaagsan inaad tidhaahdo sideebaynu ugu heshiinaa, arin marka uu yimaado inaad umaddaada u bandhigto ayaa ka khayr badan si aanu u sii badan tuhunka awal horeba saarnaa ay go’aankaa qaataan”Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, oo sharaxaya Damacaasina ayaa yidhi “Nin ka mid ahaa ayimadii Muslimiinta ayaa la waydiiyay “Waa Maxay doonista wax dumisaa”, waa shay aad iskaga kafto buu yidhi adiga oo aan sabab keenin, macnaheedu waxa weeyaan arinka oo aad isku ururiso” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Damaca aynu ka hadlaynaa waa isbabadalada maanta Somaliland ka socda ee ku urursan tiro kooban, wadaad iyo mid kaloo aqoonle ayaan waxba la waydiinayn, waar talada umadda wax hala iska waydiiyo, waar wixii lagu heshiiyey hala ilaaliyo, waar dadkii wax idinla sameeyay wata oo khilaafka yareeya, haddii aad sidaasi yeeli waydaan “karis xun iyaduna ku la’”, marka umaddu ku karaamayso iyadoo lagaa aqoon badan yahay, lagaa karti badan yahay, lagaaga hawl badan yahay haddana aad tidhaahdo wixiiba aniga ha igu soo ururaan dhibaatadeeda ayay leedahay”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured