Wiil Ka Tirsan Qoyska Madaxtooyada Oo Ka waramay Caafimaadka M/weyne Siilanyo,faafiyeyna….!.–

0
Friday May 17, 2013 - 08:38:14 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Ka Tirsan Qoyska Madaxtooyada Oo Ka waramay Caafimaadka M/weyne Siilanyo,faafiyeyna….!.–

    Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay shakhsi ka mid ah kuwa guriga madaxweynaha had iyo goor iska fadhiya oo ka tirsan famaliga Madaxweynaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay shakhsi ka mid ah kuwa guriga madaxweynaha had iyo goor iska fadhiya oo ka tirsan famaliga Madaxweynaha Wiil Ka Tirsan Qoyska Madaxtooyada Oo Ka waramay Caafimaadka M/weyne Siilanyo,faafiyeyna….!.–

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay shakhsi ka mid ah kuwa guriga madaxweynaha had iyo goor iska fadhiya oo ka tirsan famaliga Madaxweynaha waa (Daahir Cabdi Jamac) ayaa sheegaya in dalkii ay ku soo korodhay xaallad cusubi, xaaladaas oo ah in madaxweyne Siilaanyo xaaladiisa caafimaad ka soo darayso, gaar ahaan xagga maskaxda oo illowshiinyuhu ku badan yahay((Dementia and Alzheimers Disease) iyo xusuustii dhaweyd oo ka luntay odeyga( Lost of Short Term Memory)




Daahir wuxuu sheegay oo cod sir ah laga duubay isaga oo London ku sugan in loo baahan yahay in reerku tashado, waa jufada hoose ee Madaxweynaha, Si Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan oo dalka afduub ku haysto taladii dalkana maroorsaday caafimaad darada Madaxweynaha awgeed loo bedelo laguna bedelo nin Adan Madoobe ah mudada labada sano ah ee odeyga u hadhay.

Laba arrin ayaa Daahir sheegay in loo baahan yahay in laga tashado, sida uu ku sheegay telefoon uu u dirayey nin uu la hadlayey oo haddii loo baahdo aanu soo gudbin doono. Labada arrin waxa ay yihiin.
1….. xaalada soo korodhay ee caafimaad oo uu ka dayriyey.
2…. In Xirsi arrinkiisa iyo qaabka uu u dulaynayo odayga laga tashado.
Warar kale ayaa sheegayay awalba in xaaalada madaxweynaha ee caafimaad hadal ka taagan yahay, waxaa kale oo jirtay in masuuliyiin badani si qarsoon uga hadleen xaaladaha caafimaad ee madaxweynaha midaasoo uu ka dayriyey Daahir Cabdi Jaamac.
Waxaa iyana naxdin leh in ciyaalkii uu madaxweynuhu ku ururusaday aqalkiisa isaga iyo qoyskiisu ay maanta olole dacaayad iyo faafin sirtooda ah ay meel walba la taagan yihiin.
Iyana waxaa hubaal ah in dalka maanta xaalladan ay dadkii qoyska Madaxtooyada ka tirsanaa sheegayaan ay halis ku tahay ummada sidaasi darteed waa in golayaasha qaranku arrinkaas talo ka yeeshan oo waajibaadkooda ka qaataan oo xil ka gutaan arrinkan soo kordhey dadkana ka qanciyaan dareeenka ka soo baxay xubnaha qoyska madaxtooyada kala hubiyaana in ay tahay khilaaf qoys iyo in ay tahay xaqiiqo u baahan badbaado.
Haddii loo baahdo waanu soo gudbinaynaa codka aanu sheegnay ee laga duubay ninkaa qoyska reerka ah ee Daahir Cabdi Jaamac. Ciddii si gaar ah nooga soo codsatana waanu u gudbin doonaa.


Somalilandcitizen


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured