AQOON YAHAN JIIR AYAA KA DIGAY IN LA ISKA BAALMARO DADKA REER CAYNABO IYADA OO LA DOONAYA IN CEEL SHIDAAL LAGA QODO DEEGAANKOODA!

0
Saturday March 23, 2013 - 16:24:46 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AQOON YAHAN JIIR AYAA KA DIGAY IN LA ISKA BAALMARO DADKA REER CAYNABO IYADA OO LA DOONAYA IN CEEL SHIDAAL LAGA QODO DEEGAANKOODA!

    Aqoon yahan Jiir ayaa ka digay in la Iska Baalmaro Dadka Reer Caynabo Iyada oo La Doonaya in Ceel Shidaal Laga Qodo Deegaankooda!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoon yahan Jiir ayaa ka digay in la Iska Baalmaro Dadka Reer Caynabo Iyada oo La Doonaya in Ceel Shidaal Laga Qodo Deegaankooda!

http://xoriyonews.com/images/space.gif

Aqoon yahan Jiir ayaa ka digay in la Iska Baalmaro Dadka Reer Caynabo Iyada oo La Doonaya in Ceel Shidaal Laga Qodo Deegaankooda!

Waxaa maal mahan danbe soo if baxayay in wasiirka wasaarada macdanta iyo biyuhu doonayo in uu ceelal shidaal uu ka qodo deegaanka caynaba iyo deegaanada u dhaw ee sanaag iyada oo la sheegay in wasiirku heshiis la galay koox maafiyaan ah oo doonaysa inay dadka dhacdo isla markaana ay wasiirka heshiis ku yihiin inay qaybsadaan khayraadka dalka. Iyada oo uusan ogan golihii wakiilada ee dadka ka wakiilka ahaa oo aad moodo inay hurdadii yoomul kaaf seeexdeen, waayo waxay ahayd inay la socdaan hadba wixii ku soo kordha deegaanadii laag soo doortay halka ay maanta wasiirka macdanta iyo wasiir Xirsi ay u heshiiyeen khayraadkii dalka inay urursadaan oo aysan waxba ka weydiin dadka deegaanka.

Waxaa waxaa muhiim ah marka meel ceel ama khayraad kale laag qodayo in dadka deegaanka lagaga tashado isla makraana laag shaqaaleysiiyo, madaama oo ay iyagu yihiin kuwa ugu horeeya ee xaqa u leh in la ogaysiiyo, basle maanat waxa dhacday in wasiirka macdanta oo ku caan baxay lunsiga hantida dadweynaha uu ku dulshaqaysto dadka reer caynaba iyo reer sanaag, oo uusan wax texgelin ah haba yaraatee uusan siin.

Hadaba waxaa wax lala yaabo ah marka uu wasiirkii macdantu sidaasi u dhaqmayo oo uu madaxweyne siilaanyana daaqada ka daawanaayo ayaa dalka masuul ka ah oo wixii keenaya iska hor imaad ka hortagaya?

Runtii aniga oo jecel in khayraadka dalka lala soo baxo hadaba de ogolaan maayo dulmiga shacabka lagu hayo ee waxaa waajib ah in aan aqoon yahan ahaan ka hadlo oo aan uga digo shacabak khataraha iyo musuqmaasuqa ay ku hayaan wasiirada macdanta iyo madaxtooyada oo ah laba wasiir oo dalka u hesheeyay isla markaana doonaya inay hantida umada guryo ka dhistaan.

Dadka reer saraar iyo reer sanaag oo dadkoodii la iska horkeenayo isla markaana laba wasiir ay u heshiyeen khayraadkoodii inay lunsadaan markii xoolihii umadu ay deeqi waayaan, waa cajiib waxan dalka ka socdaa oo aqoon yahankii reer Somaliland diebed iyo gudaba ma garayanaa meel uu dalku u socda waayo waxaa hada dalka ka socdaa waa hantidii umada oo la boobayo isla markaana aan loo aaba yeelan xoolaha umada halka aanad argeyn cid ka damqanaysa xad gudubka baaxada leh ee ka socda dalka.

Akhristayaasha waxaa u sheegayaa aniga oo ah aqoon yahan jiir in ay waajib tahay in xaqa la sheego oo cidna aan lagala baqan xaqa si umadeena la boobayo loo badbaadiyo isla markaana dadkan qurba jooga ah ee u soo shaqo tegay runta loo sheego inay dalkan kumanaan qof oo u soo curyaamay ay manta caruurtoodii bilaa camal suuqyada iska fadhiyaa isla markaana aysan jirin cid ka damqanaysaa diifta saran agoontii mujaahidiintii oo bilaa camalku ku habsaday, halka manta dad aan haba yaraatee dalka waxba u soo qabain ay xoolihii umada ay boobayaan Cajiib Cajiib Cajiib!!!!

Qalinkii:Aqoon yayan Jiir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured