Xukuumadda Somaliland oo go’aan ka soo saartay kulankii uu Feysal cali Waraabe la yeeshay Madaxweynaha Somaliya

0
Monday May 13, 2013 - 19:32:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo go’aan ka soo saartay kulankii uu Feysal cali Waraabe la yeeshay Madaxweynaha Somaliya

    Burco(xogreebnews.com- Xaalada magalada Buro ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa degan ka dib Mudaharaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com- Xaalada magalada Buro ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa degan ka dib Mudaharaad Xaalada Magalada Burco Oo Galabta Degan Ka Dib Mudaharaad Dhimasho Iyo Dhawacba Keenay Oo Magalada Gil-gilay Maanta
Burco(xogreebnews.com- Xaalada magalada Buro ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa degan ka dib Mudaharaad rabshado watay oo gilgilay magalada maanta kaas oo ay soo abaabuleen Darawaliinta Gaadiidka Iskarogooyinka loo yaqaano iyo mulkiilayasha baabuurtaa, ku waas oo ka cabanayay amaro kaga yimid dhinaca Dawlada hoose ee Burco oo amar lagu siiyey in anay wax ciid ah ka gurin dooxa wayn ee magaladda gaar ahaan inta u dhaxaysa labada biriij kaas oo ay kaga jawaabeen mudaharadkan,ka dibna ay saaka salaadii hore baabuurtii ay wateen ku horgooyeen wadooyinka soo gala xarunta dawlada hoose ee magalada Burco ,waxaana ay arrintu faraha ka baxday markii ay goobta soo gaadheen ciidamada RRU-Da loo yaqaano kuwaas oo dadkii goobtaa joogay rasaas nool ooda kaga qaaday halkaana ku dilay hal qof oo shicib ah mid kalena ku dhaawacay,ka dibna sii balaadhay mudaharaadkii oo ku fiday qayba badan oo ka mida magalada halkaas oo ay dhalinyaro gadoosani dhagxaan ku tuurayeen ciidamad halka ay ciidamaduna ku jawabayeen rasaas nool nool,majiraan ilaa iyo hada wax khasaare naf oo kale oo la soo sheegay marka laga reebo halka qof ee dhintay iyo midka dhaawaca ah balse waxa ka dhacay magalada burbur dhinaca hantida ah kuwaas oo u badan baabuur iyo meherado la burburiyay.

dhinaca kale maayirka magalada Burco Md Maxamed Muraad oo ay saxafadu wax ka waydiisay ayaa sheegay in ay dhibta kiciyeen Ciidmaada RRU-Da oo uu sheegay in ayadoo ay arrinta dhameeyen ay goobta yimaadeen RRU-du oo rasaas nool ooda kaga qaaday dadkii meesha ku sugnaa ka dibna ay arrintu faraha ka baxday.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured