Liiska Masuuliyiinta Ku Foogan Hanti Urursiga Iyo Kuwa Kale Ee Daacada Ah.

0
Monday May 13, 2013 - 07:54:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Masuuliyiinta Ku Foogan Hanti Urursiga Iyo Kuwa Kale Ee Daacada Ah.

    Qormadii 1aad: (xogreebnews.com-sideedaba saaxiibayaal dadku weyn neceb yihiin in loo sheego khaladka uu leeyahay balse soomaalida ayaa ku maah maahda runtu ragga wey ka nihisaaye ma disho, sidoo kale waxay ku maah maahdaa runtu fanto maaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 1aad: (xogreebnews.com-sideedaba saaxiibayaal dadku weyn neceb yihiin in loo sheego khaladka uu leeyahay balse soomaalida ayaa ku maah maahda runtu ragga wey ka nihisaaye ma disho, sidoo kale waxay ku maah maahdaa runtu fanto maaha.
Liiska Masuuliyiinta Ku Foogan Hanti Urursiga Iyo Kuwa Kale Ee Daacada Ah.

Qormadii 1aad:

(xogreebnews.com-sideedaba saaxiibayaal dadku weyn neceb yihiin in loo sheego khaladka uu leeyahay balse soomaalida ayaa ku maah maahda runtu ragga wey ka nihisaaye ma disho, sidoo kale waxay ku maah maahdaa runtu fanto maaha.

markaa marka hore waan hubaa in qormooyinkani ay masuuliyiin badani dhibsan doonaan balse waxaa waajib ah in shacabka xalaasha ah qalinka wax loogu soo bandhigo isla markaana cid kasta oo ku heegan boobka hantida qaranka farta lagu fiiqo, waayo qofkastaa isaga ayaa xil ka saaran yahay ilaalinta dalkan oo hadii aad aragto cid wax u dhimaysa nabadgalyada dalka waxaa waahib ah inaad wixii aad markaasi ka qaban karto aad ka qabato, hadii aad aragto xoolaha umada oo la musuq-maasuqaya waa inaad farta ku fiiqdaa.


marka laga hadlayo somaliland ee la tilaamayo hanti urursiga oo baabka lagu hayo xolaha umada waxaa laga yaabaa inay dad badani is yidhaahdaan oo sowga jira hanti dhawrka guud ee qaranka oo isagu shaqadiisu tahay in uu wax baadho oo cid kasta oo musuq -maasuq faraha kula jirta uu soo xidho balse waxaan xasuusin lahaa qofkasta oo arintaasi ka fikiraa in aysan jirin wax hanti dhawr ah oo ka madax banaan xukuumada siilaanyo, taasi waxaa kugu daliil ah dhacdooyin badan oo ka dhacay xukuumada siilaanyo dhexdeeda oo aynu ka xusi karno musuq-maasuqii baahsanaa ee lagu sheegay wasaarada warfaafinta somaliland oo la yidhi waxaa baadhaya hanti dhawrka guud ee somaliland oo cidii lagu qabto waa la xidhayaa,iyada oo dad badani ay rajo ka qabeen inay arintaasi hirgasho ayaa waxaa dhacday in wadadii saxda ahayd ee hanti dhawrku ka baydhay kadib markii agaasimihii maamulka iyo lacagta ee tv.ga qaranka oo kaliya uu sharciga hanti dhawrku xidhay iyada oo la is lahaa wasiiradii u kala danbeeyey ee soo taxnaa ilaa wasiir Geel jire, Xaabsade sharcigu wuu qaban ayuu hadana sharciga hanti dhawrku qabtay agaasimihii maamulka iyo lacagta oo sida la sheegay isaga lagu eryanayey qaab qabiil iyo isaga oo ahaa raggi lagu tirin jiray inay taageersanaayeen xisbigii UDUB.

Markaa akhrsite waxay soomaalidu ku maah maahdaa mayd keebaa ugu danbeeyey iyo kaa la sii sido dhawaan ayay ahayd markii madbacada qaranbka ee somaliland masuuliyiintiida lagu eedeeyey musuq-maasuq markaa maahsan oo ka socda madbacada qaranka somaliland ayay shacabka reer somaliland u dheg taagayeen talow hanti dhawrka guud ma wuxuu qaban maareeyaha madbacda qaranka mise masaakiina kale ee aan awooda la haydn, sidii la filayay hanti dhawrku waxa uu markiiba xabsiga u taxaabay shaqaale hoosaadkii aan awooda wax lagu bixiyo iyo tan lagu amro toona lahayn halka uu hanti dhawrku ka baqay maareeyaha madbacada qaranka oo isagu ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo sidaasi daraadeedna waxaa la sheegay inay madaxda hanti dhawrku ka baqeen inay maareeyahaasi soo xidhaa ama wax su’aalo ah weydiyaan halka shaqaale hoosaadka aan awooda la hayna u awood sheegteen, hadaba akhristow taasi ayaa u markhaati ah in aysan dalka ka jirin wax hanti dhawr ah oo madax banaan oo hantida qaranka ilaalin karta.

waana taasi ta aniga igu kaliftay in aan baadhitaan dheer oo dhinacyo badan taabanaya aan ku soo sameeyo masuuliyiinta xukuumada siilaanyo kuwa ju heegan hanti urursiga iyo kuwa tirada yar ee daacada ah, weliba akhristow baadhitaanka waxaa iga galay waqti badan iyo dadaal faro badan oo aan ku soo sameeyey aniga oo markii aan soo ururiyey xogaha ku saabsan sida ay masuuliyiintu hantida umada u urursadaan isku dayay in aan wax ka weydiiyo dadka arimaha dhaqaalaha u dhuun daloola iyo qaar ka mid ah aqoon yahanaha reer somaliland ee faaqida arimaha dhaqaalaha iyo sida ay khibrada ugu leeyihiin sida ay masuuliyiintu hantida umada u urursadaan.

hadaba saaxibayaal inkasta oo ay qormadani tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee aan filanyo in aan weli suxufiyiintu iyo qoraashaashu qalinka u qaadan, sababtay doonto ahayatee ayaan jecelahay in aan qormooyinka danbe aan ku soo bandhigo liiska ugu horeeya iyo masuulka ugu horeeye ee ku kacay qaab musuq-maasuq kaasi oo isugu jira mid lacago cadaan ah lagu lunsaday iyo mid si kale oo qabyaaladeysan lagu lunsaday waayo waxaa jirta in ay masuuliyiinta qaarkood si qabyaaladeed u qaateen shaqaale ka soo jeeda beeshooda arintaasi oo iyada laftigeedu soo gelaysa habka lagu musuq-maasuqo xoolaha dadweynaha.

fiiro gaar ah.

mar aan arimahan oo kale aan wax ka qoray intii ay jirtay xukuumadii Rayaale ayaa waxaa ila soo deristay in masuul ka tirsanaa xukuumadaasi uu laba hablood uu dhalay u diray deeq wax barasho dibadeed oo markaasi la siiyey xaruntii uu ka shaqeynayay akhriste waxaase oo miidhan ayaa dalka ka dhaca.

Waxaanidinku dhaafayaa Gabaygii Allaha u naxariistee Abwaan Gaariye

Qasab Kuma Balwayn karo


Wallee been ma qaayibo!

Wallee gabay qardoofa ah

ama iga qandoodsama,

qalbigaygu ma hollado!

Wallee “Qaaf” ujeeddo leh

qiimahayga kuma rido!

Magac waa qasaanade,

Wallee qado ma dhaafsado!

Ninkii beesha qaayiba

qar hadduu ku soo dumo,

Wallee ciidda kama qodo!

Wallee qalabka maansada

heesaha qumbuladda ah,

uma qubo dhugmo la’aan!

Taariikhda qoranee

qalinkeedu daalayn,

Wallee qalad yar kuma daro!

Wallee qalindharaaraha

dembi qaranka laga galay,

kama qariyo waratada!


Shacbi qawdhamoo kacay

qarqarsiga hadduu jaro,

Wallee qoofal kuma xidho!

Wallee qoonta mililka leh,

qaarka sare ma dhaydhayo!

Haddii ay qurgooyiyo

joogto qoorta soo dhigo,

Wallee gabay ma quruxtiro!


Haddii qoys agoon yahay

wixiisii rag qaybsaday

qaangaarna sare kaco

qabyadooda raadshaa,

” Qori sii!” ha joogtee,

Wallee quuso kuma diro!


Waxaruhu sidaan qabo,

weligoodba qoor-qabad

biyo kuma qurquriyaan,

anna qiiro mooyee

qasab kuma balwayn karo.


Qaraf iyo tixaa gabay

ku qaraabo uma baran

quudkaygu muu gelin,

qatanaha saboolka ah

dantoodaan ku qummiyaa.

Hadba wiilka qooqane

maalintaasi qoodha ah

qushuuciisa ma akhriyo,

ways kala qabweynahay

qofna kabaha uma tiro.


Qolo sheegasahana, daa!

Iska daa qabiiloo

qarankeenna oo idil

qol yar baan u haystaa.

Qummaneey xuduuddiyo

qaaradaha la kala xidhay

qoqob bay i geliyaan.

Haddaan qabi lahaa taag

quruumaha adduunyadu

may kala qaloodeen,

qodaxdaan ka guri laa

qoys baan ka dhigi laa


Qalinka:C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured