WADA HADALKII SOMALILAND IYO SOMALIYA EE KA BILAABMAY DALKA INGIRIISKA, AYAA U MUUQDA INUU U SOO GUURAY WADANKA IMAARAADKA CARABTA,

0
Saturday March 23, 2013 - 16:19:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADA HADALKII SOMALILAND IYO SOMALIYA EE KA BILAABMAY DALKA INGIRIISKA, AYAA U MUUQDA INUU U SOO GUURAY WADANKA IMAARAADKA CARABTA,

    Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Jimcaha beri u socdaalo dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay warar xogogaala oo u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Jimcaha beri u socdaalo dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay warar xogogaala oo u

WADA HADALKII SOMALILAND IYO SOMALIYA EE KA BILAABMAY DALKA INGIRIISKA, AYAA U MUUQDA INUU U SOO GUURAY WADANKA IMAARAADKA CARABTA,

http://xoriyonews.com/images/space.gif

Hargeusa (Xogreebnews) Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Jimcaha beri u socdaalo dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay warar xogogaala oo uu helay.

-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Jimcaha beri u socdaalo dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay warar xogogaala oo uu helay.

Wararka laga helayo Socdaalka Madaxwaynaha ayaa waxay sheegayaan in socdaalka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo salka ku hayo bilowga wejiga labaad ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, oo la filayo inay maalmaha soo socda ku kulmaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna u socdaali doona dalka Imaaraadka Carabta. Si rasmi ah looma garanayo qodobada wada hadalka lagu bilaabi doono, waxase la ogyahay in kulankan muddo laga shaqaynayay.

Wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya ee ka bilaabmay dalka Ingiriiska, ayaa u muuqda inuu u soo guuray wadanka Imaaraadka Carabta, oo la ogyahay halka uu ka taaganyahay qaddiyada Somaliland.

Geesta kale, wuxuu wada hadalkani ku soo beegmayaa iyadoo ay dawladda Somaliya ka codsatay dawladda Maraykanka in xasaanad diblomaasiyadeed loo soo celiyo Maxamed Cali Samatar, oo ay maxkamad Maraykan ahi ku heshay xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland. Dawladda Somaliland ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga hadashay dalabka dawladda Somaliya iyo weliba inaanay wax tallaabo ah qaadin.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa horaantii bishan baahiyay inay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya, dhawaan ku kulmi doonaan dal Carbeed, oo uu Wargeysku wakhtigaas sheegay inuu noqon doono laba dal midkood, kuwaas oo kala ah Qatar iyo Imaaraadka Carabta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured