Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Markii Ugu Horaysay Ka Damqaday Dhibaatada Tahriibkana, Baaq Culus-na U Diray Xukuumada Iyo Shacabka.

0
Sunday May 12, 2013 - 11:05:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Markii Ugu Horaysay Ka Damqaday Dhibaatada Tahriibkana, Baaq Culus-na U Diray Xukuumada Iyo Shacabka.

    Hargeysa(xogreebnews.com):-xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horaysay dareemay dhibaatada tahriibka iyo natiijada ka dhalan karta dhalinyarada dalka ka haajiraysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com):-xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horaysay dareemay dhibaatada tahriibka iyo natiijada ka dhalan karta dhalinyarada dalka ka haajiraysa. Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Markii Ugu Horaysay Ka Damqaday Dhibaatada Tahriibkana, Baaq Culus-na U Diray Xukuumada Iyo Shacabka.

Hargeysa(xogreebnews.com):-xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horaysay dareemay dhibaatada tahriibka iyo natiijada ka dhalan karta dhalinyarada dalka ka haajiraysa.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo Xildhibaan Axmed Weyne oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland aya si weyn uga damqaday dhibaatada tahriibka iyo sida ay dhalinyaradu dalka uga sii baxayso.

Ugu horayn xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo ka hadlaya khatarta tahriibka iyo sida ay dhalinyarada
Somaliland maalin kasta dalka uga sii baxayso ayaa tilmaamay inay jiraan qorshayaal isku xidhan oo ka jira Somaliland ilaa wadanka Liibiya isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi ?wararka aanu helayno tahriibtii waxay maraysaa meel khatara waxaana jira shabakado isku xidhan, waxaana dhalinyarada looga sheekaynayaa dad tahriibay oo guulaystay, waxaanan xukuumada leeyahay waa arintaas layskaga yimaada oo talo laga yeeshaa.?ayuu yidhi xildhibaan kijandhe.
Dhinaca kale xildhibaan Axmed Weyne oo isaguna ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo isaguna ka hadlay khatarta tahriibka ayaa u soo jeediyey xukuumada inay wax ka qabato dadka dhalinyarada ka saaraya dalka waxaanu y idhi ? gole ahaan waxa nagu waajiba inaanu xeer ka soo saarno dhibaatada tahriibka ee dalka ku soo badanaysa, waxaana la marayaa heer dhalinyaradiii guryaha lagu garaaco oo la yidhaa kuwa hooyooyinka leh soo tahriibiya.? Ayuu yidhi xildhibaan Axmed Weyne.
Waa markii ugu horaysay oo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ay ka damqadaan dhibaatada tahriibka oo mudooyinkii uu danbeeyey noqotay arin saamayn balaadhan ku yeelatay nolosha shacabka Somaliland ee ku dhaqan magaaloyinka waaweyn iyada oo la tabayo dhalinyaro badan oo dalka ka tahriibay, ilaa imikana ay dalka ka jiraan dhibaatada ay dhalinyaradu ka tahriibayso, iyada oo xukuumaduna wax qorshe ah la lahayn sidii loo joojin lahaa dhalinyarada waagii baryaba dalka ka baxaysa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured