Wariye c/casiis Bashiir Nuur oo ah tifatiraha shabakada wararka ee xogreebnews oo xalay ciidamada booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen ayaa dib u helay xoriyadisii

0
Saturday May 11, 2013 - 20:07:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye c/casiis Bashiir Nuur oo ah tifatiraha shabakada wararka ee xogreebnews oo xalay ciidamada booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen ayaa dib u helay xoriyadisii

    Wariyaha ayaa xalay la xidhay isaga oo shaqadisii saxaafadeed ku guda jira isla markaana xafiiska shabakada ka shaqaynaya ayay ciidanku ka kaxaysteen, wariyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariyaha ayaa xalay la xidhay isaga oo shaqadisii saxaafadeed ku guda jira isla markaana xafiiska shabakada ka shaqaynaya ayay ciidanku ka kaxaysteen, wariyaha Wariye c/casiis Bashiir Nuur oo ah tifatiraha shabakada wararka ee xogreebnews oo xalay ciidamada booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen ayaa dib u helay xoriyadisii ka dib markii xalay saqdii dhexe laga soo daayay saldhiga xaafada sheikh nuur ee magaalada Hargeysa.
Wariyaha ayaa xalay la xidhay isaga oo shaqadisii saxaafadeed ku guda jira isla markaana xafiiska shabakada ka shaqaynaya ayay ciidanku ka kaxaysteen, wariyaha oo manta qaar ka tirsan warbaahinta Somaliland ugu waramayay magaalada hargeysa ayaa sheegay in uusan ilaa hada garaneyn sababta lagu xidhay balse amarka xadhigiisa uu ka danbeeyey taliyaha saldhiga xaafada sheikh nuur inkasta oo taliyaha laftiisa la soo amray , wariyaha ayaa sheegay in markii la soo xidhayey loo adeegsatay koox maafiyo ah oo uu ku shaqeysto taliyaha saldhiga xaafada sheikh nuur, iyada oo ay ula dhaqmeen si ka baxsan xaqa uu muwaadinku leeyahay.

Waa markii ugu horeysay ee wariye ay xidhaan koox isugu jirta ciidanka booliska iyo kooxo maafiyo dhalinyaro ah, wana dhacdo ku cusub Somaliland oo hadii aan wax laga qaban cawaaqib xumo ku reebi doonta dalka.
Ugu danbeystii wariyaha ayaa u mahad naqay bahda warbaahinta xorta ah guud ahaan gaar ahaana websityada iyo jaraa idka .
1: shabakada caalamiga ah ee wararka oodweynenews.com ayaa ka mid ahayd saxaafadii isla xiligaasi baahisay xadhiga wariyaha isaga oo wariyuhu aad ugu mahadnaqay shabakadaasi oodweynenews.com
2: Tv. Bulsho television oo ah tv. Dadweynaha reer hargeysi aad u daawadaan ayaa isaguna sheegay warka ku saabsan xadhiga wariyaha isla markaana wariyuhu aad ayuu ugu mahadnaqay
3:websitka qarannews.com ayaa isaguna baahiyey xadhiga wariyahaasi si weyna wuu ugu mahadnaqay qarannews.com
4: Xoriyonews.com oo iyaduna bahisey ayuu aad ugu mahadnaqay wariyuhu
5: rasmi media ayuu sidoo kale u mahadnaqay iyada oo isla xiligaasi baahisay xadhiag wariye c.casiis bashiir nuur
6: Shabakada caalamiga ah ee wararka Hadhwanaagnews.com ayuu wariyhuu aad ugu mahadnaqay
7: wargeysaka Hubaal
8: wargeyska waaheen

Iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay sideynta xadhiga wariyaha



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured