Madaxweyne Siilaanyo oo Reer Borama hortagaya, Xirsi oo u dhaxay Habeen hore iyo Beesha Jibriil Yoonis oo diidan dedaalo lagu xalinayo Dilkii Xariirad

0
Saturday May 11, 2013 - 20:01:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Reer Borama hortagaya, Xirsi oo u dhaxay Habeen hore iyo Beesha Jibriil Yoonis oo diidan dedaalo lagu xalinayo Dilkii Xariirad

    Hargeysa(xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu wadaa Isniinta in uu safar ku tago magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal halkaas oo ay ka taagan yihiin arrimo dhawr ah oo xaasaasi ah oo looga maarmi waayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu wadaa Isniinta in uu safar ku tago magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal halkaas oo ay ka taagan yihiin arrimo dhawr ah oo xaasaasi ah oo looga maarmi waayay in uu cagta galiyo si uu u soo af-jaro. Madaxweyne Siilaanyo oo Reer Borama hortagaya, Xirsi oo u dhaxay Habeen hore iyo Beesha Jibriil Yoonis oo diidan dedaalo lagu xalinayo Dilkii Xariirad
Hargeysa(xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu wadaa Isniinta in uu safar ku tago magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal halkaas oo ay ka taagan yihiin arrimo dhawr ah oo xaasaasi ah oo looga maarmi waayay in uu cagta galiyo si uu u soo af-jaro.

Madaxweyne Siilaanyo safarkiisa waxa muuqaal looga dhigayaa in uu xadhiga ka jaro jidka u dhaxeeya Tuli iyo Gorayo Cawl oo Laami laga dhigay hase yeeshee sida ay wararka hordhaca ahi Rasmimedia u xaqaiijiyeen waxa la filayaa muddo sadex cisho ah in uu ku sugnaan doono Boorama isla markaana wadahadal la yeelan doono Beelaha dega Gobolkaasi gaar ahaana beesha Makaahiil ee Samaron.

Ujeedada safarka Madaxweyne Siilaanyo oo dhawr arrimood lagu macneeyaya ayaa waxa ka mid ah xalinta Khilaafkii Natiijadii Doorashada ka dhashay oo aanay wali isku af-garan Xukuumadda Somaliland iyo labada Beelood ee Ciise iyo Samaroon, taasoo dhalisay in guux weyn ka dhex taagan yahay Beelahaas.

Tabasho siyasadeed oo ay beesha Makaahiil ka qabto Maamulka Madaxweyne Siilaanyo oo ay dhawr jeer cabashooyin u gudbiyeen balse aanay Xukuumaddu ka jawaabin kuwaas oo ku salaysnaa Saami qaybsiga manaasiibta Dalka oo ay tirsanayaan Xukuumaddii UDUB kadib xukuumadda Kulmiye in ay beesha dagaal cad ku qaaday.

Magta Ninkii beesha Jibriil Yoonis beesha Ciise kaga dishay Degmadda Xarriirad oo ilaa hada la isku hayo, taasoo Xukuumadda Somaliland iyo Xukuumadda Jabuuti labaduba ay wadaan dhaq dhaqaaqyo la doonayo in labada beelood wanaag ku dhameeyaan.
Sida ay wararka arrintaas u dhuun daloolaa sheegayaana waxa magaaladda Boorama tan iyo shalay ka socday wadahadalo ay Xukuumadda Somaliland dabada ka waday isla markaana ay ku taageeraysay Odayaal Beesha Jibriil Yoonis ah oo arrintaas xalkeeda uga yimi Dalka Jabuuti, kuwaas oo ilaa hada isku af-garan la’ in Magta ninkii la dilay ay qaataan.
Kulamo shalay ka dhacay Boorama oo lagu gorfaynayay arrintaas ayaa hal bacaad lagu lisay ku dhamaaday kadib markii beesha uu Marxumkii dhinta ee Reer Dudub kala aragtio ka noqdeen, iyadoo Guddi kale oo sagaal xubnood ka koobnaa oo Beelaha Samaroona ku taageereen Diidmadooda sida Ilo wareedyo Xogogaal u ahaa kulamadaasi Waaheen u sheegeen.

Arrimahan iyo kuwo kale oo qarsoon oo soo bixi doona marka uu safarka ku tago Madaxweyne Siilaanyo Boorama ayaa waxa safar Guure ah magaaladda Boorama ku tagay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan, kaasoo ka soo kalahay subaxnimadii isagoo habeenkaas u dhaxay kulamana la yeeshay dadkii u qorshaysnaa.
Waxa kale oo la filayaa in ay Hargeysa soo gaadhaan odayaasha loo yaqaano Gandaha ee beesha Ciise, kuwaas oo la kulmi doona Madaxweyne Siilaanyo si ay xal ugu helaan khilaafka jiitamay ee ka dhashay doorashadii Golaha Deegaanka Saylac.
Safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa in uu qayb ka yahay gogol xaadh Xukuumaddu u samaynayso Xuska 18 May oo laga cabsi qabo Gobolka Awdal in aanu uga dhicin sida Somaliland Goboladeeda kale looga weynaynayo iyadoo ay jiraan dhaq dhaqaaqyo lidi ku ah Xuskaasi, gaar ahaana waxa ay Booliisku u dhaba galayaan kooxo loo aanaynayo dhaq dhaqaaqaas.
Sidoo kalana waxa qayb ka ah in ay Xukuumaddu cagta soo mariso dhaq dhaqaaqii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe kaasoo kaga dhawaaqay magaaladda Boorama in uu qaban doono Shir talo qaran ah isagoo kulamo qoto dheer la soo yeeshay Beelaha Ciise iyo Samaroon.
Isku soo duuboo socdaalka Madaxweyne Siilaanyo oo aan wax badan laga ogayn ayaa la filayaa in uu dhinaca kale Beesha Samaroon kala kulmo mucaaradad adag iyadoo xiligan Siyaasadda Somaliya iyo Somaliland marayso meel xaasaasi ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured