Wasiiro Maayarka Burco uga dhaartay in uu la kulmo Madaxweyne Siilaanyo

0
Saturday May 11, 2013 - 19:57:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro Maayarka Burco uga dhaartay in uu la kulmo Madaxweyne Siilaanyo

    Burco(xogreebnews.com- Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad ayaa Quus kala guro noqday magaaladda Hargeysa oo uu in muddo ah u joogay Dacwada Dhul ay Dawladda Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com- Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad ayaa Quus kala guro noqday magaaladda Hargeysa oo uu in muddo ah u joogay Dacwada Dhul ay Dawladda Hoose
Wasiiro Maayarka Burco uga dhaartay in uu la kulmo Madaxweyne Siilaanyo

Burco(xogreebnews.com- Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad ayaa Quus kala guro noqday magaaladda Hargeysa oo uu in muddo ah u joogay Dacwada Dhul ay Dawladda Hoose leedahay oo ay Xukuumadda Dhexe u sharciyaysay nin Ganacsade ah oo kiro ugu jiray. Taasoo uu doonayay in uu Madaxweyne Siilaanyo kala hadlo.


Dacwada Dhulkan oo khilaaf weyni ku dhex maray Maayarka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur intii uu Madaxweyne Siilaanyo safarka dibead ah ku maqnaa ayaa waxa hore u galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan saylici kaasoo markaas baajiyay dagaal ka dhici lahaa, hase yeeshee xalka arrintaas isaga riixay dhinaca Madaxweynaha.

Maayarka Burco ayaa soo laabashadii Madaxweynaha soo beegsaday Hargeysa si uu Madaxweynaha arrintaas u hor dhigo hase yeeshee sida ay Waaheen wararka ku heshay Maayarka waa laga hor istaagay in uu la kulmo Madaxweynaha isagoo arrintaas in muddo ah raajicinayay.

Maxamed Muraad waxa uu habeen hore cadho kala huleelay magaaladda Hargeysa iyadoo sida muuqata uu Wasiirka Arrimaha guduhu kaga dhabeeyay in uu Gud-cur gudayo oo aanu arrintan hor istaagi karin sida uu ku sheegay hadal uu saxaafadda siiyay Wasiir Duur maalmihii ay is hayeen.

U awood sheegashada Wasiir Duur ee Maayarka Burco ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin siyaasiyiinta Gobolka togdheer ee la safan Wasiir Duur kuwaas oo uu ka mid yahay wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo marka horeba talada Dhulka Dawladda hoose lagu bixiyay qayb ka ahaa.


Si kasta ha ahaatee guryo noqoshada Maayarka Burco ayaa u muuqata in uu Dhulkaasi galbaday isla markaana uu u dhacmayo sidii uu Wasiir Duur ku sheegay in ay Xukuumadda dhexe oo dhami isla ogayd in Ninka Ganacsadaha ah la siiyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured