Gaadhi MarkII ah oo xalay duqeeyay Salaam Bank Hargeisa iyo baaxada khasaarahu sababay!.

0
Saturday May 11, 2013 - 08:14:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadhi MarkII ah oo xalay duqeeyay Salaam Bank Hargeisa iyo baaxada khasaarahu sababay!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Gaadhi nooca loo yaqaan MarkII ayaa xalay duqeeyay dhismaha ama Xarunta Dhexe ee Salaama Bank Hargeisa,halkaas oo ay ku yaalaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Gaadhi nooca loo yaqaan MarkII ayaa xalay duqeeyay dhismaha ama Xarunta Dhexe ee Salaama Bank Hargeisa,halkaas oo ay ku yaalaan Gaadhi MarkII ah oo xalay duqeeyay Salaam Bank Hargeisa iyo baaxada khasaarahu sababay!.
Hargeisa-(xogreebnews.com-Gaadhi nooca loo yaqaan MarkII ayaa xalay duqeeyay dhismaha ama Xarunta Dhexe ee Salaama Bank Hargeisa,halkaas oo ay ku yaalaan xafiisyo badan oo Ganacsi oo ay leedahay shirkada Isgaadhsiinta Telesom .

Gaadhigan oo xawaare sare ku socday wadada Wadnaha ama badhtamaha Hargeisa,una socday jihada Galbeed ayaa markuu la siman yahay dhismaha khayridii hore Shookaanta xoog u wada jaray,una jihaysamay Xarunta Baanka Salaam oo Haadkuu ku socday mooyee Haadka kale dhinac koonfureed ka saaran.

Gaadhigaas oo noociisu ahaa MarkII Familiar oo uu waday wiil dhalinyaro ah ayaa duqeeyay ama ku dhacay wajahada hore ee Xarunta Baanka Salaam halkaas oo gaadhigii khasaare gaadhay ,dhismaha Salaam Bankina khasaare gaadhsiiyey.
Inkastoo khasaaraha gaadhey dhismaha Salaam Bank sidaa u sii ridnayn ama cuslayn haddana wuxuu gaadhigu si toosa u abaaray ama ugu dhacay Gidaarka iyo Tiir ku yaala wajahada ama Albaabka weyn ee laga galo Baanka isagoo masaafad cidhiidhi oo u dhaxaysa Gidaarka Baanka iyo wadada ka gudbay.
Geesta kale markii Gaadhigu ka soo go’ay Gidaarka Xarunta Salaam Banki,oo sanqadhii yeedhay ayaa dad badan oo maraayey dariiqa iyo kuwii ku sugnaa ama ka adeeganaayey meherada ku dhawdhaw Salaam Bank argagaxeen oo qaarkood yaaceen iyagoo ka baqay in Gaadhiga sido walxaha qarxa.
Warfidiyeen ka tirsan Qarannews oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa agagaarka Xarunta Salaam Bank Hargeisa markii gaadhigu ku dhacay dhismaha xarunta ayaa weydiiyey goor danbe markuu naxdin gooyey Darawalka wadey gaadhiga su’aal ku saabsan waxa ka khaldamay hase yeeshee wuxuu dawarawlkii hadalkiisa ku soo ururiyey inay soo foodsaaraty cilad xagga Leewarka Saliida ama Sheelaraha oo kaga dhegay,taas oo sababaty in gaadhiga uu bareeg ka waayey,aakhirkiina halkan la galay!.
Isku soo wada duuboo waxaa xalay ku cusbayd goobta shilkaasi ka dhacay,xusidna mudan had iyo jeer waxaa iska dhaqan u noqotey Reer Hargeysa in marka meel wax ka dhacaan ama laba qof isdilaan ku yaacaan oo halkaas Samxad ka dhalato hase yeeshee xalay markii sanqadha shilku yeedhay ee la arkay Baabuurka meesha galay Dadkii iyo Baabuurtiiba way ka yaaceen ilaa goor danbe la xaqiijiyey inaan gaadhigu sidin walxaha qarxa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured