MADAXWAYNE SIILAANYO OO SULDAAN BEESHIISA AH SIIYAY QAYB KAMIDA DHULKA AY ISKA LEEDAHAY WASAARADDA BOOSAHA IYO ISGAADHSIINTU

1
Friday May 10, 2013 - 19:10:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWAYNE SIILAANYO OO SULDAAN BEESHIISA AH SIIYAY QAYB KAMIDA DHULKA AY ISKA LEEDAHAY WASAARADDA BOOSAHA IYO ISGAADHSIINTU

    xogogaal oo Baligubadlemeida ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola Qoyska iyo Qasriga Madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Siilanyo siiyey Suldaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xogogaal oo Baligubadlemeida ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola Qoyska iyo Qasriga Madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Siilanyo siiyey Suldaan

MADAXWAYNE SIILAANYO OO SULDAAN BEESHIISA AH SIIYAY QAYB KAMIDA DHULKA AY ISKA LEEDAHAY WASAARADDA BOOSAHA IYO ISGAADHSIINTU

Hargeisa-(xogreebnews.com--Warar xogogaal oo Baligubadlemeida ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola Qoyska iyo Qasriga Madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Siilanyo siiyey Suldaan Saciid Yuusuf Ducaale qeyb ka mid ah Kaanboolka (dhulka) ay ku fadhido ama leedahay Wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta (Taar dheer ),dhulkan Qasriga Madaxtooyadu siiyey Suldaanka ayaa ku yaala wajahada waqooyi ee kaanboolka wasaarada ama bari kaga dhegan dhismaha wasaarada ee Soltelco ku jirto.

Dhulkan Madaxweyne Siilanyo siiyey Suldaan saciid yuusuf ducaale oo dhaca gudaha kaanboolka wasaarada balse uu ku waageeran yahay gidaarka wasaarada boosta iyo isgaadhsiinta (Taar Dheer) ayaa burburin iyo dumin lagu waday dhawrkii cisho ee la soo dhaafay,Bino cusubna seeskeedii la dhigay,Ku darsoo cabirka dhulka Qasriga Madaxtooyadu siiyey Suldaan Saciid Yuusuf Ducaale ayaa ilahu sheegeen inuu dhan yahay 20mitir oo xagga wajahada hore ah iyo 12 mitir oo xagga danbe ah ama 20Mx12M.

suldan (1)

Geesta kale xogaha Baligubadlemeida heshay ayaa tibaaxaaya in dhulkaas Qasriga madaxtooyadu Suldaanka siiyey inaanay waxba kala socon madaxda sare ee Wasaarada Boosta,qaarkoodna ku hanbabareen duminta iyo burburinta gidaarka wasaarada oo socota,Hase yeeshee goor danbe ayaa la sheegay in Suldaanku ula yimi Wasiirka Wasaarada Boosaha warqad (Amar) faraysa inuu nidaamka waafajiyo oo macnaheedu yahay inuu u istaago cabirka dhulka warqada Suldaanku sito ku qoran.

Suldaan Saciid oo ka mida salaadiinta ugu tunka waaweyn Beesha Madaxweyne Siilanyo ka soo jeedo ayaa haysta ama ku shaqeysta Hotelka weyn ee Hargeisa Club oo ah dhismaha ugu weyn ee Hanti qarana ee qof shicib ahi haysto ama ku ganacsado iyadaan qaranka wax faa’iido ama dakhli ahi ka soo gelin.

hc

Isku soo wada duuboo dhulkan Madaxweyne Siilanyo siiyey Suldaanka oo ah hanti-qaran ku darsoo ku yaala goob xasaaasi ah ayaa dad badani walaac ka muujiyeen,fartana ku fiiqeen inay hordhac u tahay baloodhayn hor leh oo qeybaha hadhay ee wasaarada Boosta dhawaan dad ka socda xagga Qasriga Madaxtooyadu mulkiyi doonaan!.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured