Dhalinyaro Laga Xidhay Magalada Hargeysa Oo Lagu Qaaday Xukunkii Deg-dega Ahaa Ee Hore Loo Laalay Oo Aan Hada Sharci Ahayn

0
Friday May 10, 2013 - 18:56:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro Laga Xidhay Magalada Hargeysa Oo Lagu Qaaday Xukunkii Deg-dega Ahaa Ee Hore Loo Laalay Oo Aan Hada Sharci Ahayn

    Hargeysa(xogreebnews.com) Dhawr iyo labaatan dhalinyaro ah oo habeen hore ay ciidamada ammaanka ku qab-qabteen xaafadaha Magaalada Hargeysa, ayaa muddo ka yar 10 saacadood gudahood lagu riday xukuno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Dhawr iyo labaatan dhalinyaro ah oo habeen hore ay ciidamada ammaanka ku qab-qabteen xaafadaha Magaalada Hargeysa, ayaa muddo ka yar 10 saacadood gudahood lagu riday xukuno. Dhalinyaro Laga Xidhay Magalada Hargeysa Oo Lagu Qaaday Xukunkii Deg-dega Ahaa Ee Hore Loo Laalay Oo Aan Hada Sharci Ahayn

Hargeysa(xogreebnews.com) Dhawr iyo labaatan dhalinyaro ah oo habeen hore ay ciidamada ammaanka ku qab-qabteen xaafadaha Magaalada Hargeysa, ayaa muddo ka yar 10 saacadood gudahood lagu riday xukuno.
Dhalinyaradan oo ay ciidamadu la xidhiidhiyeen rabshado ka dhacay xaafada Xero-Awr, ayaa lagu xidhay markii hore saldhiga Daloodho ee degmada 26-ka June , waxaana loo gudbiyey maxkmada gobolka Marood-jeex oo ku riday xukun deg-deg ah oo ahaa hal bil mid kiiba.

Xukunka deg-deg ah oo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo laalashay markii ay talada dalka la wareegtay sannadkii 2010-kii, ayaa hadda soo noolaaday, waxaana ay arrintani dood ka abuurtay wadanka , gaar ahaan Magaalada caasimada ah ee Hargeysa.
Waalidka dhalay iyo ehelada carruurtay la xidhay, ayaa sheegay in dhalinyaradan oo aan rabshadaha ku lug lahayn lagu qabtay meelo aad ugu fog goobaha ay wax ka dhaceen.
Axmed Maxamed Maxamuud oo ay walaalo yihiin wiil la xidhay wakhti adeeg loo diray, ayaa cambaareeyay xukunka maxkmada.
“ Wiilka aanu walaalaha nahay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi-catoosh Maxamed Maxamuud , lacag ayaan u diray in uu ii soo qaado , laakiin isaga oo aan xataa kuba noolayn meelaha carruurta isku shiiday, isla markaana marayey meel aan u dhaweyn halkaas, ayaa la xidhay , saldhigaa la geeyay, subixiina iyada oo aan la ogaan kiiskiisa, ayaa la xukumay, waxani waa cadaalad daradii Kulmiye ka caban jiray xukunka deg-deg ah waa laalay sharcina maaha wakhtigan”
Ciidamada booliska, ayaa weli wado xadhiga dhalinyarada xaafadaha Waqooyiga Hargeysa, iyada oo inta badan dhalinyarada la qabtay la sheegay in aanay rabshado ku lug lahayn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured