Maxaa Hakiyey wadahadaladii u socday Xukumada Siilanyo iyo Ururka Xaqsoor, Xaggee Salaadu ka xidhmi la’dahay

0
Saturday March 16, 2013 - 19:01:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Hakiyey wadahadaladii u socday Xukumada Siilanyo iyo Ururka Xaqsoor, Xaggee Salaadu ka xidhmi la’dahay

    Maxaa Hakiyey wadahadaladii u socday Xukumada Siilanyo iyo Ururka Xaqsoor, Xaggee Salaadu ka xidhmi la’dahay Hargeisa-(xogreeb-news)-Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe ayaa sheegay in wadahadaladii u dhexeeyay urukooda Xaqsoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Hakiyey wadahadaladii u socday Xukumada Siilanyo iyo Ururka Xaqsoor, Xaggee Salaadu ka xidhmi la’dahay Hargeisa-(xogreeb-news)-Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe ayaa sheegay in wadahadaladii u dhexeeyay urukooda Xaqsoor iyo Xukumada Axmed Siilanyo u hakadeen wasiirka madaxtooyada Xiris Cali X.Xasan oo Madaxweyne Siilanyo safarkii uu ku tagey dalka

Hargeisa-(xogreeb-news)-Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe ayaa sheegay in wadahadaladii u dhexeeyay urukooda Xaqsoor iyo Xukumada Axmed Siilanyo u hakadeen wasiirka madaxtooyada Xiris Cali X.Xasan oo Madaxweyne Siilanyo safarkii uu ku tagey dalka Turkiga u raacey.

Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa dhinaciisa wadahadalada uu kula jiro xukumada Siilanyo u igmaday sadex xubnood oo kala ah Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xaqsoor Cali Sandule,Gudoomiye ku xigeenka Labaad Axmed Cabdi Casood iyo Axmed Jiciir oo ka tirsan Golaha fulinta Ururka Xaqsoor.

Xukumada Siilanyo ayaa dhinaceeda wadahadaladay kula jirto Ururka Xaqsoor u xulatey Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan,Wasiirka Maaliyada Sheikh Cabdicasiis Samaale iyo wasiir ku xigeenka arimaha debeda Mawliid Maxamuud Karaani balse wuxuu wasiirkii hore ee caafimaadku tibaaxay in wadahadalaada Xaqsoor iyo xukumada Siilanyo u qabyoobeen ama u hakadeen wasiirka madaxtooyada Xirsi oo Madaxweyne Siilanyo Turki u raacey,wuxuuna intaas ku daray Cabdi Haybe hadda iyo wixii ka danbeeya in la filaayo in wadahadalada halkoodii laga sii anbaqaado.

Geesta kale Siyaasiyiin xogogaala oo u dhuun daloola wadahadalada Xaqsoor iyo xukumada Siilanyo ayaa Qarannews u sheegay in xubnaha wadahadalada u metelaya Xaqsoor hor-dhigeen dhigooda xukumada Siilanyo metelaayey dhawr qodob oo xasaasiya oo aan ka xusi karno in wixii khasaare dhimasho iyo dhaawac ahaa ee ka soo noqday doorashashooyinkii degaanka ee dalka ka qabsoomey xukumada Siilanyo qaadato oo tuurta u ridato,aqbashana inay sabab u ahayd.

Qodobka kale ayaa isna xoguhu sheegeen inuu ku saabsan yahay in Xukumada Siilanyo aqabasho in doorashadii degaanku baadil ahayd oo lagu shubtay,lana boobay codadkii Ururka Xaqsoor ee Gobolada Bariga iyo Galbeedkaba.

Qodob kale ayaa isna la sheegay inuu ku saabsan yahay in xukumada Siilanyo tirtirto doorashadii degaanka ee Saylac iyo Lughaye oo Ururka Xaqsoor aaminsan yahay in xisbiga Kulmiye iyo xukumadiisu si weyn u musuqmaasuqeen, taas bedelkeedana si wadajira loo magacaabo xildhibaano cusub oo degaanka Saylac iyo Lugahaye metela.

Hase yeeshee Wasiirada xukumada Siilanyo ayaa iyaguna taas bedelkeeda hor-dhigay Ururka Xaqsoor qorshe ka duwan kaa ay wateen oo ku saabsan in masuuliyiinta sarsare ee Xaqsoor xukumada Siilanyo iyo xisbigeeda ka qeyb galaan,loona qoondeeyay xilal sare oo ay ka mid yihiin Sadex Wasiir oo loo baneyn doono haddii laysku afgarto,Hal wasiir ku xigeen iyo Hal Agaasime guud oo cusub iyo in saami baladhan laga siin doono golaha dhexe iyo fulinta xisbiga kulmiye,iyadoo ay intaas dheer tahay balanqaadyo kale oo shaqaleyn iyo qorshayaal la mida balse waxaa xoguhu sheegayaan in labada dhinac mid waliba weli tiisa ku adkaysanaayo,oo halkiisii taagan yahay oo aanu soo debcin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured