Madaxweyne Siilaanyo Boqor Raabina xabsiguu ku ilaaway Boqor Buur madowna dhakhsuu u cafiyay

0
Wednesday May 08, 2013 - 12:37:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Boqor Raabina xabsiguu ku ilaaway Boqor Buur madowna dhakhsuu u cafiyay

    Hargeysa(xogreebnews.com- Boqor Raabi C/laahi ayaa wali ku xidhan Xabsiga Hargeysa kadib markii Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku xukuntay xadhig dhan muddo laba sano, kaasoo ay sheegtay in ay ku heshay Danbi ah Khiyaamo Qaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Boqor Raabi C/laahi ayaa wali ku xidhan Xabsiga Hargeysa kadib markii Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku xukuntay xadhig dhan muddo laba sano, kaasoo ay sheegtay in ay ku heshay Danbi ah Khiyaamo Qaran. Madaxweyne Siilaanyo Boqor Raabina xabsiguu ku ilaaway Boqor Buur madowna dhakhsuu u cafiyay

Hargeysa(xogreebnews.com- Boqor Raabi C/laahi ayaa wali ku xidhan Xabsiga Hargeysa kadib markii Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku xukuntay xadhig dhan muddo laba sano, kaasoo ay sheegtay in ay ku heshay Danbi ah Khiyaamo Qaran.
Boqor Raabi C/laahi ayaa Xukunkaasi in ka badan lix bilood xabsiga ugu jira, halka Madaxweyne Siilaanyo uu cafis uga fidiyay Boqor Buurmadow oo ay Maxkamaddau Xukun la mid ah ka Boqor Raabi ku riday mar ay Madaxtooyaddu ku Eedaysay aflagaado Madaxweyne iyo in uu Dibeda kaga dhawaaqay erayo lidi ku ah Qaranimada Somaliland.


Boqor Raabi C/laahi waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Maroodi-jeex taageero buuran oo ay beeshiisu ka muujisay xadhigiisuna ma jirin, wallow markii la xukumay suuqa la soo galiyay in Madaxweyne Siilaanyo cafis u fidinayo dhawaan balse waxa aad moodaa taas Madaxweyne Siilaanyo inuu uga dhego nuglaaday Boqor Buurmadaw Beeshiisa oo ah tau u Madaxweyne Siilaanyo laftiisu ka soo jeedo.

Labada Madax dhaqameed ee midna Madaxweyne Siilaanyo deg dega u cafiyay midna uu wali Xabsiga ku hayo ayaa ahaa laba Madax dhaqameed oo bilowgii Xukuumadda Kulmiye si isku mid ah u bilaabay Mucaaradad ka dhan ah Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, balse wax dul qaad ah xukuumaddu marna umay yeelan dhaliilihii ay u jeedin jireene labadoodaba waxay ku hubsatay Jeelka.

Xadhiga ay labada Boqor Xukuumaddu kula kacday dadka qaarkoodba ha u arkaan in ay ku saxsanayd hadase waxa jira dareeno tilmaamaya hadana labadii Boqor in aanay ka simin cadaawadii ay u wada haysay iyo nasteexa ay midkood markan danbe u muujisay, kaasoo dadka Odorosa qaab dhaqameedka Siyaasadeed ee Xukuumadda u food saaraynayaan in ay tahay mid dhinac u xaglinaysa.

Si kasta ha ahaatee taariikhda ayaa qoraysa Madaxtinimada Madaxweyne Siilaanyo iyo kolba inta uu ka dhitaysto Dadka uu Madaxweynaha u wada yahay oo loo baahan yahay in uu si ula awada macaamilo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured