Shirkii Looga Hadlayay Arrimaha Somaliya Ee Ingiriiska Oo Si Rasmiya Maanta U Furmay

0
Tuesday May 07, 2013 - 19:21:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Looga Hadlayay Arrimaha Somaliya Ee Ingiriiska Oo Si Rasmiya Maanta U Furmay

    Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamud iyo Raysal wasaaraha martida loo yahay ee David Cameron ayaa si wadajir ah u furay shirkan,Xasan Sheekh ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamud iyo Raysal wasaaraha martida loo yahay ee David Cameron ayaa si wadajir ah u furay shirkan,Xasan Sheekh ayaa

Shirkii Looga Hadlayay Arrimaha Somaliya Ee Ingiriiska Oo Si Rasmiya Maanta U Furmay

London(xogreebnews.com) May.07, 2013 -waxa maanta si rasmiya uga furmays Aqalka Lancaster ee magaalada London ee dalka Ingiriiska shirkii looga hadlayay horumarinta Soomaaliya; kaasoo ay kasoo qayb-galeen xubno ka badan ilaa konton dowladood iyo hay’ado caalami ah oo doonaya in ay wax ka qabtaan arrimaha murugsan ee somaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamud iyo Raysal wasaaraha martida loo yahay ee David Cameron ayaa si wadajir ah u furay shirkan,Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay wasaaraha Ingiriiska iyo doorka uu ka qaato shirkan labaad ee Soomaaliya loo qabanayo si ay u hesho dhaqaale ay uga baxdo dhibaatooyinkii muddada dheer ay kusoo jirtay.

“Waxaa laga yaabaa in dadku is weydiiyo maxaa Soomaaliya waqtigan loo saacidayaa? Wallow ay jiraan horumarro baaxad leh, haddana weli waxaa taagan caqabado fara badan oo u baahan in laga saacido Soomaaliya,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalka uu ka jeediyay furitaanka shirka, isagoo tusaale u soo qaatay geed yar oo uu ku tallaalay madaxtooyada 17-kii Abriil oo ku beegnayd maalitii dhirta caalamka.

“Geedkaas yar wuxuu u baahan yahay in la waraabiyo oo laga celiyo cayayaanka inta uu ka baxayo oo uu geed weyn ka noqonayo. Sidoo kale Soomaaliya waa geedkaas oo kale oo u baahan in si joogta ah looga warqabo inta uu ka xidideysanayo oo marka uu baxana ay dad badan ku raaxeysan doonaan, Soomaaliyana waa sidaas si la mid ah.”


Madaxweynaha ayaa caalamka u sheegay in dowladda uu hoggaaminayo ay tahay mid caalamku uu kalsooni ku qabi karo qorshaheeda dhinaca amniga, garsoorka iyo dib-u-habeynta maaliyadda ay keeni karaan inay shacabka Soomaaliyeed ka saaraan dhibkii soo socday muddo 22-kii sano ee lasoo dhaafay shacabkuna ay heli doonaan horumar iyo barwaaqo.


Raysal wasaaraha Ingiriiska, David Cameron ayaa ku ammaanay madaxweyne Soomaaliya iyo dowladda federaalka Soomaaliya horumarka baaxadda leh ee ay ka gaartay dhinacyo badan isagoo sheegay inay weli jiraan caqabado fara badan oo u baahan in caalamku uu ka saacido Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa shirka ka hadlay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalign oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in laga caawiyo sidii ay dalkeeda uga saari lahayd dhibaatada soo jiitamaysay muddada 22-ka sano ka badan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured