Xukuumadda Somaliland oo weerar Qorshaysan oo ay u adeegsatay Xildhibaan ku fulisay Xildhibaan Siciid Af-weyne oo naqdiya Heshiisyada ay la gasho Shirkaddaha Shiidaalka

0
Tuesday May 07, 2013 - 19:05:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo weerar Qorshaysan oo ay u adeegsatay Xildhibaan ku fulisay Xildhibaan Siciid Af-weyne oo naqdiya Heshiisyada ay la gasho Shirkaddaha Shiidaalka

    Hargeysa(xogreebnews.com) Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo ay isku beel yihiin Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ayaa maanta weerar qorshaysna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo ay isku beel yihiin Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ayaa maanta weerar qorshaysna Xukuumadda Somaliland oo weerar Qorshaysan oo ay u adeegsatay Xildhibaan ku fulisay Xildhibaan Siciid Af-weyne oo naqdiya Heshiisyada ay la gasho Shirkaddaha Shiidaalka
Hargeysa(xogreebnews.com) Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo ay isku beel yihiin Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ayaa maanta weerar qorshaysna ain muddo ah oo uu ku taamayay ku fuliyay Xildhibaan Siciid Cilmi (Siciid Af-weyne) oo ah guddoomiyaha Guddida khayraadka Dabiiciga ah kaasoo inta badan dhaliila Heshiisyada Shiidaalka iyo Macdanta ee uu Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu la galo shirkaddaha waaweyn.

Xildhibaan Xariir ayaa maanta Xidhibaan Siciid ku bilaabay Feedh inta uu xaga danbe kaga yimi waxaanu dhaawac culus ka gaadhsiiyay Qoorta iyo Madaxa isagoo wajigana xariijimo xagtin ah kaga jeexay, waxaana Xildhibaanka loola cararay dhinaca Cisbitaalka halkaas oo imika baadhis lagaga samaynayo dhinaca Madaxa oo uu ka cabanayo.

Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale waxa uu hore warbaahinta ugu weeraray Xildhibaan Siciid isagoo si toos ah ula saftay wakhtigaasi Wasiirka Macdanta oo ay isku beel yihiin “Waxaan ka hadlayaa Mudane Maalin Walbana Weerara Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo wax Aanu Xaq ugu lahayn Weydiiya, Annaguna Xaq Uguma lihin Wasaaraddaha Inaanu weydiino Heshiisyada Caalamiga ah oo aannu nidhaahno maxaad Golaha u soo marin waydeen, waayo waxa ay heshiisyadaas Geeyaan Golaha Xukuumadda iyo Madaxweynaha, anaguna Gole ahaan waxaanu Xaq ugu leenahay Madaxweynaha inuu noo soo Gudbiyo Heshiisyadaas” ayuu maalintaas yidhi
Isagoo sii wata weerarka uu maalintaas ku qaaday Xildhibaanka ee uu saxaafada u sii mariyay waxa uu yidhi isagoo ku eedaynaya inuu basaas u yahay Puntland “Siciid Cilmi Afweyne waxaan u arkaa waxa uu ninkaasi wado fariin uu dad kale u Gudbinayo oo Sir ah ayaan u arkaa, halkii ay Puntland Shidaalka ka Weydey Isaga ayaa War bixinta siin jirey, taasna waxa uu ugu gudbin jiray Shirarkaas Jaraa’id ee uu qabanayo oo uu si hoose fariinta ugu gudbin jiray, dhawr jeerna Waxaanu ku Nidhi fariintaas Aad Hay’addahaas Shidaalka ka baadhaya Puntland u gudbinayso waanu kugu fahmaynaaye jooji, taasna wuu Maqli waayey waanu wadaa Weli, waxaan leeyahay Warbixintaas uu Maalin Walba bixinayo ha joojiyo Xildhibaan Siciid Cilmi Afaweyne, haddii uu joojin waayana waxaanu ku soo Oogi doonaa wax Wajibkiisa ah” ayuu raaciyay hadalkiisa hore
Maantana markii uu Weerarka gacanta ah u qaaday Xildhibaan Siciid Af-weyne waxa uu ku dhawaaqayay “ muxuu Wasiirku kaa haystaa ee aad maalin walba uga daba qaylyaysaa.. dabadeedna waxa uu ku bilaabay Feedh isagoon sooba jeedsan” sidaas waxa Waaheen u xaqiijiyay Xildhibaan Siciid Cilmi oo markaas ku sugnaa barxada hore ee Golaha Wakiiladda.
Weerarada qorshaysan ee ay masuuliyiinta Xukuumaddu ku qaadayaan Dadka iyo masuuliyiinta dhaliila nidaamkooda maamul ayaa soo xoogaysanaya, waxaanay dhacdadani noqonaysaa tii labaad ee muddo isku dhaw lagu qaado dadkaasi, iyadoo dhawaan wargeyska Hubaal loo adeegsaday Askaraia ka tirsan Booliiska Somaliland, kaasoo aanay ilaa hada Xukuumaddu wax talaabo ah oo lagu abaal marinayo ka qaadin.
Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ka saaray fadhigii Golaha Wakiiladda Xildhibaan Xariir iyagoo Dacwad ka dhan ahna u gudbiyay Guddida joogtada ah oo leh Anshax marinta Xildhibaanada Golaha Wakiiladda, balse waxa la filayaa Xildhibaanka la dhaawacay in Dacwad dheeraad ah ka furto Garsoorka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured