Shakhsiga 1aad ee Looga Shakisan Yahay Shirqoolkii Hubaal Oo Shalay Si Aan Gabbasho Lahayn U Muujiyey Kalsoonida uu Ka Haysto Madaxweyne Siilaanyo & Xukuumaddiisa Daawo Sawirada
Hargeysa(Xogreebnews.com-Shakhsiga Kaalinta 1aad Kaga Jira Liiska dadka Lagu tuhunsan yahay Inay soo maleegeen Shirqoolkii Fashilmay ee 24kii April 2013-ka lagu soo weeraray Xarunta wargeyska Hubaal ayaa shalay markii ugu horeysay lagu arkay bulshada dhexdeeda
Hargeysa(Xogreebnews.com-Shakhsiga Kaalinta 1aad Kaga Jira Liiska dadka Lagu tuhunsan yahay Inay soo maleegeen Shirqoolkii Fashilmay ee 24kii April 2013-ka lagu soo weeraray Xarunta wargeyska Hubaal ayaa shalay markii ugu horeysay lagu arkay bulshada dhexdeeda isaga oo aan si aan gabbasho lahayn uga qeyb galay soo dhaweyntii Madaxweynaha iyo wafdigiisa, isla markaana Dirawel ka ahaa Baabuurkii Madaxweynaha lagaga soo qaaday Madaarka ee lagu keenay Xarunta Madaxtooyada.
Mr. Abshir Xasan Xaashi, waa Agaasimaha Gaadiidka ee Xarunta Madaxtooyada, waana Walaalka Mid ka mid ah labadii dhagarqabe ee Wejiga soo duubtay saqda dhexena damcay inay xarunta Hubaal dhiig ku daadiyaan, balse mid kamid ah gacanta lagu dhigay isaga iyo hubkiisiba. Agaasime Abshir oo Falkaas Kaalin Mug leh ka qaatay fulintiisa ayaa isaga oo aanay haba yaraatee ka qasnayn waxa uu saddexda baabuur ee Madaxweynaha u khaaska ah mid kamid ah ku soo qaaday Md. Siilaanyo isaga oo weliba si ay ka muuqato dhoola-tus (Show) xawaare deggen u marayay meelaha qaar jidadka faras magaalaha oo dadku hareero tubnaayeen, iyadoo ay u dejisan yihin murayaadaha daaqadaha gaadhigu oo Madaxweynuhu ka salaamayay bulshada.
Mr. Abshir oo sida sawirkan sare ka muuqata wadihii baabuurka madaxweynaha ahaa dadka badankiisu ku hambabareen muuqiisa oo inta taqaanay su’aalo iska weydiinaysay Sababta keentay xilligan inuu is muujiyo iyadoo muddadii ka dambaysay falkii weerarka ay isha aragtaa yarayd.
Arrintan ayaa dadka qaar ku macneeyeen isku hallayn iyo kalsooni dhinaca Qasriga ah haysto, taas oo sii xoojinaysa tuhunnadii awalba laga qabay doorkii masuuliyiinta xukuumadda qaarkood ku lahaayeen shirqoolkaas gardarrada ahaa. Haddaba , waxa ay Madaxda Wargeysku mar saddexaad iyo mar afraadba ka codsanayaan Xukuumadda , in marka kowaad ay soo qabtaan ninkii ka la qabtay ku weheliyey weerarkii markhaatiyada badan ee goob joogayaasha lahaa , mar labaadkana la qabto ninka kowaad ee falkan loo tuhunsan yahay falkii nooca argagixisada ahaa oo Abshir Xasan Xaashi oo ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada , kadibna loo saaro baadhista kiiskan oo ah mid argagixiso baadhis madaxbannaan , si loo soo taabto xaqiiqada ,loogana bogsado dhacdadii ugubka ku ahayd Somaliland oo haddii ay fuli lahayd ay ka dhallan lahaayeen ammaan darro iyo khalkhal soo wajaha xasiloonida iyo nabadgalyada Qaranka .
Dhinaca Kale Agaasimaha Gaadiidka ee Aqalka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Abshir Xasan Xaashi ayaa Af-xumo Gacan-ka-hadal gaadhay ku fara saaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta JSL Md. Abiib Diiriye Nuur, isaga oo xilligaas ku sugan xarunta Madaxtooyadda Isla Markaana Madaxweyne ku xigeenka JSL Warbixin ka siinayay Fadeexadda Xukuumaddu Barkan tahay iyo Ceebta ka raacday Weerarkii badheedhka ahaa ee Saraakiil Booliska ka tirsan, goor saq-dhexe ah ku qaadeen xarunta Wargeyska Madaxa Banaan ee Hubaal, ee magaaladda Hargeysa. Abshir Xasan Xaashi oo ay walaalo yihiin Dhagar-qabihii Gacanta lagu dhigay ee Soo Weeraray Hubaal, isla markaana la aaminsan yahay in (Abshir) Kaalin firfircoon ku lahaa fulinta hawl-galkaas fashilmay ayaa maalintii sabtidii ee dorraad Madaxtooyadda ku weeraray wasiirka Abiib Diiriye Nuur oo Madaxweyne Saylici u faahfaahinayay tabashada Warbaahinta Madaxa banaani ka qabto Xukuumadda iyo Weliba Shirqoolkaas la damacsanaa in lagu khaarijiyo Madaxda Wargeyska Hubaal oo dhinaca Madaxtooyada si weyn loogu tuhunsan yahay doorkay ku lahayd.
Agaasime Abshir oo ay caddeeyeen Wariyayaasha Wargeyska Hubaal markii ay walaalkii qabteen in uu telefoonkii ay ka qaadeen kala hadlayay ayaa la sheegay in uu fara saaray wasiirka kadib markii uu ka war helay sida uu Wasiir ahaan (Abiib) uga xun yahay dhacdadaasi isla markaana uu ku dhiirran yahay in Xukuumaddu si dhakhso ah wax uga qabato. Dad goob jog ka ahaa dhacdadaasi oo ay wada fadhiyeen Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiiradda, Guddida qaban qaabada Xuska 18 May ayaa xaqiijiyay in Agaasime Abshir iyo wasiir Abiib Diiriye Nuur gacanta isku qaadeen kadib markii uu Agaasimaha Gaadiidka oo goobta fadhiyay isku dayay in uu Wasiirka ka hor istaago ka hadalka dhacdadaasi, oo maalintii sabtidii saamaysay Xukuumadda iyo Warbaahinta isla markaana ay xukuumaddu ka hor istaagtay inay qabsadaan isku soo bax ay ku muujinayeen dareenka ay ka qabaan weerarkii Wargeyska Hubaal.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo xukuumadda mas’uul uga ah xidhiidhka Warbaahinta ayaa mar uu ka hadlayay Weerarkii lagu qaaday wargeyska Hubaal waxa uu yidhi “Arrintaasi ka wasaarad ahaan iyo Wasiir ahaanba waanu cambaareynayaa, arrin aad iyo aad u fool xun weeye, arrin aan dhaqan iyo caado inoo ahayn weeye Somaliland waxay saxaafaddu ahayd waxyaabaha aynu kaga wanaagsan nahay dhulka kale, iyadoo aan mu’aamarad iyo afduub aan loo geysan jirin saxaafadda.” Isagoo wasiir Abiib intaas raaciyey in kiiskaa ay gacanta ku hayaan Ha’yadaha nabad-gelyadu oo baadhistiisii wali socot. Hase yeeshee illaa hadda Xukuumadda Somaliland wax tallaabo ah oo ay ka qaaday ma jirto Askariga Danbigaasi loo hayo, sidoo kale ma jirto tallaaabo laga qaaday Agaasimaha Gaadiidka ee wasiirka warfaafinta kula dhex dagaalamay Madaxtooyadda iyada oo uu Madaxweyne ku-xigeenkii Dalku fadhiyo.
Madaxtooyadda Somaliland ayaa u muuqata meel aan go’aan ka qaadan Karin rabshadaha iyo gacan ka hadallada ay madaxdeedu isku qaaddo, dhawaanna waxa dhacdo la mid ah tan oo kale ka dhacday Guriga Madaxweyne ku-xigeenka iyada oo dagaal dhinaca Afka ahi ku dhex maray masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda. Taliyaha Booliska Somaliland ayaa Baarlamaanka hortiisa ka sheegay in ay Xeer ilaalinta iyo Garsoorkaba ka dalbadeen in la sugo inta ay Kiiska baadhayaan balse ma muuqato wakhti cad oo ay baadhistooda soo af-jarayaan iyadoo wakhtigu dheeraanayo durba. Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland waxa ay wali ka cago jiidaysaa in ay sharciga hor keento Askarigii weerarka ku qaaday Wargeyska Hubaal isla markaana ay soo qabato dadkii kale eek u jiray hawshaas oo uu ugu horeeyo ninkii kale eebaxsaday ee hawlgalkaas ku jiray.
Leave a comment |
|
Shakhsiga 1aad ee Looga Shakisan Yahay Shirqoolkii Hubaal Oo Shalay Si Aan Gabbasho Lahayn U Muujiyey Kalsoonida uu Ka Haysto Madaxweyne Siilaanyo & Xukuumaddiisa Daawo Sawirada
Hargeysa(Xogreebnews.com-Shakhsiga Kaalinta 1aad Kaga Jira Liiska dadka Lagu tuhunsan yahay Inay soo maleegeen Shirqoolkii Fashilmay ee 24kii April 2013-ka lagu soo weeraray Xarunta wargeyska Hubaal ayaa shalay markii ugu horeysay lagu arkay bulshad