Itoobiya oo caddeysay xiisahooda iskaashi buuxa oo Somaliland ay wadaagaan
Addis Ababa(xogreebnews.com) Xukuumada Itoobiya ayaa ka hadashay kulan dhowaan ay
Itoobiya oo caddeysay xiisahooda iskaashi buuxa oo Somaliland ay wadaagaan
Addis Ababa(xogreebnews.com) Xukuumada Itoobiya ayaa ka hadashay kulan dhowaan ay yeesheen raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland oo caasimada Addis ka dhacay.
Qoraal maanta lagu baahiyey mareegta wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya diyaar u yihiin horumarinta xidhiidhkooda dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, dhismaha kaabayaasha iyo amaanka.
Qoraalka wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay, “Raysal-wasaare Hailemariam Desalegn waxuu kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Axmed M. Siilanyo caasimadda Addis Ababa May 4. Kulankaa, Raysal-wasaarahu waxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay Itoobiya u leedahay horumarinta xidhiidhkooda Somaliland, oo labada dhinacba faa’iido u leh. Waxuu sheegay, “Itoobiya waxay diyaar u tahay sii balaadhinta xidhiidhka ay la leedahay Somaliland, dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, dhismaha kaabayaasha iyo hawlaha dekedda.” Waxuu sidoo kale bayaamiyey in Itoobiya taageero ka siin doonto Somalilandtion, si loo xaqiijiyo inaan hadhaaga Shabaab ee ka soo cararaya qeybaha kale Soomaaliya, halis ku keenin Somaliland.
Madaxweyne Siilanyo, ayaa ballanqaaday in dalkiisu ka shaqeyn doono gaadhitaanka sidii iskaashi miro-dhal ah u yeelan lahaayeen Itoobiya.
”
Leave a comment |
|
Itoobiya oo caddeysay xiisahooda iskaashi buuxa oo Somaliland ay wadaagaan
Addis Ababa(xogreebnews.com) Xukuumada Itoobiya ayaa ka hadashay kulan dhowaan ay