Maxa Ka Dhalan=kara Qabyaaladda Saleeban Gaal Uu Cadaaystay Iyo Bulshada Oo Uu Gacan Hadiinaysa Ciidi Golaha Hogaamin=Jiirtay.

0
Thursday March 14, 2013 - 19:58:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa Ka Dhalan=kara Qabyaaladda Saleeban Gaal Uu Cadaaystay Iyo Bulshada Oo Uu Gacan Hadiinaysa Ciidi Golaha Hogaamin=Jiirtay.

    Ugu horey nin la moodayay in uu yahay nin qaran xil uu haya ayaa la arkay asoogo xiidhan shadh qabiil.laakiin waxa cajiib ah in maalintu hadlaba dadku ay ka quustan oo hadalkaba eeda waa nin lagu tiiriyo ruug=cada siiyaasi ah laakiin maanta dad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horey nin la moodayay in uu yahay nin qaran xil uu haya ayaa la arkay asoogo xiidhan shadh qabiil.laakiin waxa cajiib ah in maalintu hadlaba dadku ay ka quustan oo hadalkaba eeda waa nin lagu tiiriyo ruug=cada siiyaasi ah laakiin maanta dad badan ayaa waxay uu sababeeyan in da’i hayso waxaa uu marar badan wakhtiigiisa ku qaatay dalalka dibeedda waxaanu ku noolaada in tuu doono.waxanay dad tiro badani aamiin san yiihin in aanay siyaasadi aabo lahay isla markana waxa kali ee ay leedahay ay tahay dan joogta ah iyo saaxiib isku aragtii an uu dhadhacno micnaha hadalkeena iyo uu jeedada

Maxa Ka Dhalan=kara Qabyaaladda Saleeban Gaal Uu Cadaaystay Iyo Bulshada Oo Uu Gacan Hadiinaysa Ciidi Golaha Hogaamin=Jiirtay.

Ugu horey nin la moodayay in uu yahay nin qaran xil uu haya ayaa la arkay asoogo xiidhan shadh qabiil.laakiin waxa cajiib ah in maalintu hadlaba dadku ay ka quustan oo hadalkaba eeda waa nin lagu tiiriyo ruug=cada siiyaasi ah laakiin maanta dad badan ayaa waxay uu sababeeyan in da’i hayso waxaa uu marar badan wakhtiigiisa ku qaatay dalalka dibeedda waxaanu ku noolaada in tuu doono.waxanay dad tiro badani aamiin san yiihin in aanay siyaasadi aabo lahay isla markana waxa kali ee ay leedahay ay tahay dan joogta ah iyo saaxiib isku aragtii an uu dhadhacno micnaha hadalkeena iyo uu jeedada

gudoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan in siyaasada hogaaminta dalka loo daba fadhiisto madaxweynaha, ayaa waxa uu yidhi “Horta Madaxweyne Siilaanyo maaha madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland, waxaa ka horeeyay saddex madaxweyne marxuun Cabdiraxmaan tuur, marxuun Cigaal iyo Daahir Rayaale oo nool, saddexdaa madaxweyne-ba Saleebaan Gaal waxa uu ku ahaa mucaarid xag jir ah, muxuu u odhan waayay madaxweynayaashaa horeba hogaaminta dalka ha loo daba fadhiisto, miyaanay iyaguba madaxweynayaal ahayn, arrinkaa Saleebaan Gaal waa qabyaalad qaawan oo fool xun, saddexda madaxweyne ee horena Saleebaan iyo Siilaanyo mucaarid bay ku ahaayeen”

Gudoomiye salaaban gaal ayaa waxa uu ku sifoobay in qabiilku madax badar oo hadii la soo hadal qaado madaxweyne siilaanyo waxaa uu ka kaxaa fadhiga isaga oo qaab qabiil u difaacaya siilaanyo oo hada aan la garanayn meesha uu dalka u wada isaga oo madaxweyne siilaanyo hore Daahir Rayaale ugu eedeyn jirey marka uu safar dibeda ah u baxo inay uu la kulmo ku xigeeno aan go’aan ahayn halka uu manta siilaanyo la kulmayo ku xigeeno aan lahayn wax awood ah taasi oo tilmaam u ah sida uu madaxweyne siilaanyo ugu fashilmay hogaaminta dalka iyada oo guud ahaan siyaasada arimaha dibeda iyo gudaha ee Somaliland ay haatan meel xun marayso ayaan haba yaraatee gudoomiye saleebaan gaal laga hayn wax hadal ah oo ku saabsan siyaasadan jahawareertay ee dalku hada ku sugan yahay, halka uu taasi bedelkeedii saleebaan gaal uu u ta faxaytay difaacida siilaanyo isaga oo dadka siyaasada indha indheeyaa tilamaamaan inay uu saleebaan gaal oofinayo cahdigii GAR ADAG ee lagu heshiisiiyey siilaanyo iyo saleebaan gaal.

Dadka reer Somaliland ayaa waxay si gaar ah u eegayaan gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo ku fashilmay xilkaasi weyn ee uu ku fadhiyo iyada oo la og yahay in manta labada xi lama kursi ee dalka ugu sareeya ay ku fadhiyaan laba nin oo isku beel ah taasi oo keentay in hogaamintii dalku gasho jahawareer oo manta aan la garanayn meesha ay Somaliland u socoto .

Kurisga golaha guurtida uu ahaa goalaha dhaqanka oo mar kasta oo uu dalku qas galo ahaa meesha ay dadku iyo dalkuba ku badbaadi jireen halka uu manta noqday gole siilaanyo jeebada ugu jire oo aan haba yaraatee wax ka odhan Karin xaalada adage e uu dalku marayo.

Hadaba waxaa muhiim ah iyada oo la og yahay in Somaliland ay ku dhisan tahay saami qaybsiga beelaha in gudoomiye saleebaan gaal laga qaado xilka si loogu dhiibo beesha Suubeer Awal oo hada ka badhan kuraasta ugu saraysa dalka, weliba ay ku haboon tahay in xilkaasi loo dhiibo sheekhal Beledka Hargeysa Sheekh Adan Siiro madaama ooh ore golaha guurtidu u hogaamin jirey sheikh Yuusuf Sheesh Ibraahim Sheekh Madar oo hogaankisii umada reer Somaliland ku badhaadhay Allaha u naxariistee. Waxa meesha taalin manta daolku uu bahan yahay badbado.gabo=gabadi waxaan door biiday in an eegno suugaantii alle naxariisti haka warabiiye abwaan gaariye,maansadi deelay eereyo ka mid ah .

Uf qabiilka anaa leh- wuxuun baa ku adeegta

Nin iskii kartidiisa- isagoon cid ku tiirsan
Isku taagi kareynin- una haysta ateero
Ayaantuu dambi geystana- laga hoos galo eeda.
Ayid waad is xigtaaniyo- idinkaa isku reer iyo
Aqligii lixdankii- maanta iib geli maayo.
Sidaan aaminsanahayna- abkuu doono ha sheegtee- wuxuunbaa ehel ii ah- dadka kaan af aqaano ee -si wax iila arkaaya ee- na midayso ujeedo.
Waxaan laysku ogeyn- ninkii hoos ka unkaama
Aftideyda ma haystoo- ansax maaha wixiisu
Arligeynu ku noolnahee- beryaha qaar u ekaa
irama daatal cimaadii- aayadaha lagu sheegay
Awaaraanka kacaayiyo- ninka maanta ortiisiyo
oohintiisa maqlaayey- ka adkeystay gob maaha
dibna loo igman mayo.
Arliyooyna hiqdaadiyo- orgigii la shireystay
ilmadaadu ka weyne- inagoo xaley baadle
u eegaynay hilaaca- waxa awrta xidhiidhsan
loola aadayo baasle- wax baa nooga iftiimay
Dibna loo igman maayo- nin ishaafalateysatay
oo isagoo inala jooga- arwaaxdiisu walaayiyo
Idaafeyto ku nooshahoo- ilina u daban tahayoo
Abidkiiba ka reeba- oo dhulka aan wax ka oolin
C/casiis Bashiir Nuur freelance journalist.
c.casiis98@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured