Wefti Baydhabo Ka Socda Oo Xukuumadda Somaliland Marti-qaaday Oo Socdaal Ku Yimi Hargeysa

0
Saturday June 28, 2014 - 07:39:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Baydhabo Ka Socda Oo Xukuumadda Somaliland Marti-qaaday Oo Socdaal Ku Yimi Hargeysa

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wefti ka socda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe ka soo degay Madaarka Magaalada Hargeysa, kadib markii sida ay sheegeen ay marti qaad rasmi ah ka heleen xukuumadda Somaliland. Weftigan o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wefti ka socda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe ka soo degay Madaarka Magaalada Hargeysa, kadib markii sida ay sheegeen ay marti qaad rasmi ah ka heleen xukuumadda Somaliland. Weftigan oo la dejiyay Huteelka ADAMS IN oo deris la ah Huteelka Ambassador Hargeysa(xogreebnews.com-Wefti ka socda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe ka soo degay Madaarka Magaalada Hargeysa, kadib markii sida ay sheegeen ay marti qaad rasmi ah ka heleen xukuumadda Somaliland. Weftigan oo la dejiyay Huteelka ADAMS IN oo deris la ah Huteelka Ambassador, waxay ka kooban yihiin shan xubnood, waxaana hogaaminaya nin lagu magacaabo Ugaas Aweys Sheekh Xuseen oo sheegay inuu yahay Wasiirka arrimaha bini’aadanimada iyo xuquuqal Iinsaanka. “Waxaanu ka nimid dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii aanu helnay Casuumad rasmi ah, oo nooga timid dawlada Somaliland, waxaanay Casuumadani ku saabsan tahay 26 June oo ah maalin qiima weyn ku leh geyiga Soomaaliya, oo ah maalintii calan Soomaaliyi leedahay laga taago Somaliland. waxaana laga jooga 54-sannadood, oo aanu ka qayb galeyno xuska 26 June oo ah markii Somaliland xorriyada ka qaadatay Mustacmaradii Ingiriiska, waanan uga mahad-celinaynaa sida ay walaalahayo reer Somaliland noogu soo macsuumeen”. Sidaa waxa yidhi Ugaas Aweys Sheekh oo u waramayey warbaahinta.Sawir-Gacmeed

Ugaas Aweys Sheekh waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Somaliland waa dal nabad ah oo horumar sameeyay,inaan annaguna wax ka barano horumarkaa ay sameeyeen ayaanu doonaynaa, si aan ugu dabaqno dawladayada.Waxaanu jecel nahay inaanu hor-dhac u noqono Xidhiidh buuxa, wada-shaqayn, walaaltinimo, tolnimo oo aanu u bud dhigno ayaanu u nimi. Somaliland waa dhulka kaliya ee Soomaalinimada iyo sharafta iyo dadnimadu ay ku danbayso oo samaystay hay’adihii dawladnimo ee loo baahnaa,markaa waa inay dawlado baddani inay ku daydaan. Markaa waxaanu doonaynaa inaanu Somaliland cashar fiican ka barano waxa ay qabsadeen, oo aanu casharkaasna aanu u gudbino dawlada Koonfur Galbeed Soomaaliya”. Ugaas Aweys wuxu inta raaciyay oo yidhi“Waxaanu dhambaal ka sidnaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed,kaasoo aanu gaadhsiin doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)”.
Saalax Sheekh Cusmaan oo sheegay inuu yahay Wasiirka Caafimaadka Dawlad Gobolkeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa isna u mahad-celiyey masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Salaadiin ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, “Waxaanu nahay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay xarunteedu tahay Magaalada Baydhabo, waxaanu isugu jirnaa Wefti Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo masuuliyiin kale ah, waxaanu maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, walaalahayaga oo aanu ka helnay Casuumad si aanu uga qeybgalno xuska 26 June oo ah bil taariikh weyn leh. Sidaa daradeed waxaan marka kowaad u mahad-celinaynaa oo aan ku hambalyaynaynaa umadda reer Somaliland meelkasta oo ay joogto, gaar ahaan intii isku hawshay inuu xidhiidhkayagu wanaagsanaado ee nagu macsuuntay Caasimada Somaliland ee Hargeysa”.Ayuu yidhi Saalax. Dhinaca kale, Cali Maxamed Yuusuf oo sheegay inuu yahay Xoghayaha Guud ee Odayaasha dawlad Gobolkeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isna kahadlay safarkooda Somaliland. “ Xuska 26 June waa maalintii ay Somaliland Xorriyada ka qaadatay Ingiriiska, oo imika laga joogo 54-sanadood.Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa lagu soo dhisay heer hoose, oo ay soo dhiseen Golaha odayaasha dhaqanka, nidaamka lagu soo dhisayna waxa uu ka mid yahay nidaamkii ay wax ku dhisteen walaalahayaga Somaliland oo ah nidaamka labada gole ee Guurtida Iyo Wakiillada iyo Xukuumadda. Sidaa daradeed Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya aad iyo aad ayay ugu faraxsan yihiin, inay wax ka bartaan nidaamka dawladnimo ee walaalahayaga Somaliland ay raaceen, ee horumarka iyo nabada ay ku gaadheen.Waxaanu rajaynaynaa tubtaa ay qaadeen oo kale inaan annaguna marno. Weftigani waxa uu hor-dhac u yahay xidhiidh wanaagsan oo wax wada-qabsi iyo mid walaaltinimo iyo mid ganacsi.Waxa maalmaha soo socda Somaliland imanaya Madxweynaha dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed”.Ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf. Inkasta oo ay Weftigani sheegeen inay marti-qaad ka heleen Xukuumadda Somaliland, hadana, dhinaca xukuumada wax war ah oo socdaalka Weftiga la xidhiidhaa kama soo bixin.Isla markaana Maamul Goboleedka ay xubnahani ka socdaan ayaa ah mid aan aqoonsi ka haysan maamulka Magaalada Muqdisho, kaas oo ka garab dhisay maamul goboleed kale oo xaruntiisu tahay isla magaalada Baydhabo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured