Loolankii Samaale iyo Muuse oo u wareegay Qurbaha iyo Jaaliyadaha oo ay xamaasadi ka dhex bilaabantay

0
Monday May 06, 2013 - 07:35:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loolankii Samaale iyo Muuse oo u wareegay Qurbaha iyo Jaaliyadaha oo ay xamaasadi ka dhex bilaabantay

    Hargeysa(xogreebnews.com) Loolankii Xisbiga Kulmiye ee u dhaxeeyay Wasiir samaale iyo Guddoomiye Muuse ayaa u wareegay Qurbaha, waxaana laga dareemayaa Ingiriiska iyo Maraykanka dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhex curtay Jaaliyadaha reer Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Loolankii Xisbiga Kulmiye ee u dhaxeeyay Wasiir samaale iyo Guddoomiye Muuse ayaa u wareegay Qurbaha, waxaana laga dareemayaa Ingiriiska iyo Maraykanka dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhex curtay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Dalalkaasi. Loolankii Samaale iyo Muuse oo u wareegay Qurbaha iyo Jaaliyadaha oo ay xamaasadi ka dhex bilaabantay
Hargeysa(xogreebnews.com) Loolankii Xisbiga Kulmiye ee u dhaxeeyay Wasiir samaale iyo Guddoomiye Muuse ayaa u wareegay Qurbaha, waxaana laga dareemayaa Ingiriiska iyo Maraykanka dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhex curtay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Dalalkaasi.
Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu galin hore caga dhigtay dalka Maraykanka oo uu lugtiisa ugu horeysa ee Ololihiisa taageero raadiska ah ka bilaabay, halka koox kale oo ka mid ah hormoodka Ololihiisu ay dhaqdhaqaaq gogol xaadh ah ka bilaabeen Dalka Ingiriiska gaar ahaan magaaladda Bristol.

C/casiis Samaale ayaa isna Olole ku lidi ah kaas ugu kicitimaya toddobaadkan Dalka Ingiriiska halakaas oo ay taageerayaashiisu uga gacan haadinayeen beryahanba, waxaana la filayaa in uu lugta Ololihiisa ka bilaabo isagoo dalal kale mari doona.

Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaq dhaqaaqyada Siyaaasadeed ee labadan Siyaasi ayaa sheegaya Taageerayaashoodu inay bilaabeen kulamo ay ugu gogol xaadhayaan, waxaana ka socda magaalooyinka Ingiriiska kulamo hoose oo diyaar garaw ah.

Wallow wararka Hordhaca ah ee soo gaadhaya Waaheen ay sheegayaan durtaba in ay bilaabmeen weeraro siyaasadeed oo ay taageerayaashu ku kala hororsanayaan sidii koox kastaa ugu awood sarayn lahayd soo dhaweynta Siyaasiga ay taageersan tahay.
Arrintan ayaa Jaaliyadda durtaba ka dhex abuurtay in la kala xamaan urursado isla markaana fadhi ku diriryadii mafaariishta ayaa noqdaan kuwo bacda la isku cuno, iyadoo koox kastaa doonayso galin horaba wixii calaf iyo Cuud ah in ay u sioi xasayso siyaasiga ay la socoto.
Waxa meelaha qaarkood ka aloosmay in la isku cadaysto loolan ka adag kii Hargeysa ku dhex maray taageerayaaasha labada Siyaasi, kaasoo qiiqiisii wali ku sii dhex jiro hawada Somaliland, balse imika u muuqda in uu u wareegay Qurbaha iyo fadhi ku diriryada laga soo waarido siyaasadda Gudaha Dalka.
Si kasta ha ahaatee waxa shaashadaha Telefishanada iyo Baraha Mareegaha lagala soco doonaa Loolankaasi halka uu sal dhigto, isagoo ku soo hagaagaya Xafladaha waaweyn ee qurbaha loogu qabanayo 18-ka May


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured