Puntland oo wefti kanadiyaan ah keentay Badhan iyo Somaliland oo daawanaysa sheegashadooda

0
Monday May 06, 2013 - 07:32:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo wefti kanadiyaan ah keentay Badhan iyo Somaliland oo daawanaysa sheegashadooda

    Badhan(xogreebnew.com) Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal Maxamed Samatar oo dhawaan ka laabtay magaaladda Badhan oo uu muddo dhawr cisho ah joogay ayaa shalay dib ugu soo laabtay isagoo hor-kacaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhan(xogreebnew.com) Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal Maxamed Samatar oo dhawaan ka laabtay magaaladda Badhan oo uu muddo dhawr cisho ah joogay ayaa shalay dib ugu soo laabtay isagoo hor-kacaya Puntland oo wefti kanadiyaan ah keentay Badhan iyo Somaliland oo daawanaysa sheegashadooda
Badhan(xogreebnew.com) Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal Maxamed Samatar oo dhawaan ka laabtay magaaladda Badhan oo uu muddo dhawr cisho ah joogay ayaa shalay dib ugu soo laabtay isagoo hor-kacaya wafti Kanadiyaan ah oo magaaladaasi ka hirgalinaya Jaamacad.
Weftiga Kanadiyaanka ah ee ku sugan Badhan waxa gadh-wadeen u ah nin la yidhaahdo Cumar X Cali kaasoo degan dalka Kanada balse dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Sanaag Barri, waxaanu wadaa qorshe Weftiga Kanadiyaanka ah uu kaga dhaadhicinayo Badhan in ay tahay Puntland.

Maamulka Somaliland ee jooga Gobolkaasi ayaan lahayn wax awood ah oo ay wax kaga qabtaan faragelinta Maamulka Puntland ka wado deegaanka ay maamulaan, xukuumadda Dhexe ee Somaliland-na ilaa hada may qaadin talaabooyin ay kaga hortagayso.

Wasiiradda ka soo jeeda Gobolka SanaaG Barri ee Somaliland ayaan iyana haynin wax qorshe ay oo ay iskaga caabiyaan siyaasiyiinta dhigooda ah ee ka soo duulaya dhinaca Puntland marka laga reebo xafiisyada Hargeysa ee ay fadhiyaan.
Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland waxa xiligan looga fadhiyaa in ay sugto xuduudaha Dhuleed ee ay leedahay maadaama Siyaasaddo kale ku hirdamayaan Somaliya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured