“Waa Ayaan darro sideetan jir siyaasi ah inuu kala garan waayo shir Talo qaran ah iyo Shir beeleed, Mudane Saleebaan waxa aanu u sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii Gar-adag oo kale” Xisbiga UCID

0
Monday May 06, 2013 - 07:29:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waa Ayaan darro sideetan jir siyaasi ah inuu kala garan waayo shir Talo qaran ah iyo Shir beeleed, Mudane Saleebaan waxa aanu u sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii Gar-adag oo kale” Xisbiga UCID

    Hargeysa(xogreebnews.com) Guddida fulinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamud Aadan uga digay inuu ka waantoobo in uu talada Dalka yidhaahdo taayada ayay ku go’daa, waxaany u soo jeediyeen in ay ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Guddida fulinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamud Aadan uga digay inuu ka waantoobo in uu talada Dalka yidhaahdo taayada ayay ku go’daa, waxaany u soo jeediyeen in ay ayaan daro tahay isagoo Siyaasi Sideetan jir ah in uu kalagaran waayo Talo qaran iyo Shir beeleed. “Waa Ayaan darro sideetan jir siyaasi ah inuu kala garan waayo shir Talo qaran ah iyo Shir beeleed, Mudane Saleebaan waxa aanu u sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii Gar-adag oo kale” Xisbiga UCID
Hargeysa(xogreebnews.com) Guddida fulinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamud Aadan uga digay inuu ka waantoobo in uu talada Dalka yidhaahdo taayada ayay ku go’daa, waxaany u soo jeediyeen in ay ayaan daro tahay isagoo Siyaasi Sideetan jir ah in uu kalagaran waayo Talo qaran iyo Shir beeleed.


War-saxaafadeed jawaabn u ah hadalkii Guddoomiye Saleebaan ku weeraray Feysal Cali Waraabe oo ay maanta soo saareen guddida fulintu waxa uu u dhignaa sidan:-

Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka waxa uu taaganyahay ilaalinta madaxbanaanida JSL.
Annagoo tixraacayna hadalka ka soo yeedhay Gudoomiyaha Guurtida 4tii bishan Mudane Sulaabaan M. Aadan oo uu kaga horjeeday shirkii Qaran ee aanu baaqnay oo aan ahayn Shir beeleed.
Gudoomiyaha waxa uu caddeeyay inuu bad-baadinayo dan beeleed balse Xisbiga UCID waxa uu u taagan yahay ilaalinta jiritaanka Qaranimada JSL, dal iyo dad iyo dad wada jira, Mudane Saleebaan waxa aanu u sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii Gar-adag oo kale.
Waa ayaan darro inuu 80 jir siyaasiyi kala garan waayo Shir Qaran oo wada tashi ah iyo shir beeleed. Markaa maaha inuu Saleebaan xajiimeeyo Xisbiga UCID, ayadoo Guurtidu gabtay hawlahay u xil saarantahay ee ka mid tahay arrinka Saylac, Sool iyo Sanaag.

Dastoorka Qaranka waxa ku cad Kursiga uu ku fadhiyo Saleebaan inuu yahay ninka Saddexaad ee JSL ee salaanta Qaran la siin karo. Marka uu saleebaan leeyahay annagu maxaanu qabanaynaa shacabka ha u caddeeyo ula jeedada uu ka leeyahay.
Sidaa darteed waxa aanu leenahay inuu Saleebaan Ka waantoobo tallada Dalku waa Taayada.”

Guddida Fullinta ee Xisbiga Caddaalada & Daryeelka UCID


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured