Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda oo Qasriga Madaxtooyadda ku dhex weeraray Wasiirka Warfaafinta oo Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siinayay wax ka qabashada weerarkii Agaasimaha Walaalkii u geystay Wargeyska Hubaaal
Abiib-Tima-cad1Hargeysa(xogreebnews.com) Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda Somaliland Abshir Xasan Xaashi oo ay walaalo yihiin Askarigii weeraray Wargeyska Hubaal ayaa shalay Madaxtooyadda ku weeraray wasirrka wasaaradda Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda oo Qasriga Madaxtooyadda ku dhex weeraray Wasiirka Warfaafinta oo Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siinayay wax ka qabashada weerarkii Agaasimaha Walaalkii u geystay Wargeyska Hubaaal
Abiib-Tima-cad1Hargeysa() Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda Somaliland Abshir Xasan Xaashi oo ay walaalo yihiin Askarigii weeraray Wargeyska Hubaal ayaa shalay Madaxtooyadda ku weeraray wasirrka wasaaradda Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur oo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici waxrbixin ka siinayay tabashada Warbaahinta ee weerarkii Wargeyska Hubaal. Agaasime Abshir oo ay cadeeyeen Wariyayaasha Wargeyska Hubaal markii ay walaalkii qabteen in uu telefoonkii ay ka qaadeen kala hadlayay ayaa la sheegay in uu u gacan qaaday Wasiir Abiib kadib markii uu maqlay in Abiib ka xun yahay dhacdadaasi isla markaana uu ku dhiiran yahay in Xukuumaddu si dhakhso ah wax uga qabato. Dad goob jog ka ahaa dhacdadaasi oo ay wada fadhiyeen Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiiradda, Guddida qaban qaabada Xuska 18 May ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Agaasime Abshir iyo wasiir Abiib Diiriye Nuur gacanta isku qaadeen kadib markii uu Agaasimaha Gaadiidka oo goobta fadhiyay isku dayay in uu Wasiirka ka hor istaago ka hadalka dhacdadaasi, oo shalay saamaysay Xukuumadda iyo Warbaahinta isla markaana ay xukuumaddu ka hor istaagtay inay qabsadaan isku soo bax ay ku muujinayeen dareenka ay ka qabaan weerarkii Wargeyska Hubaal. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ah masuulka Xukuumadda u qaabislan Xidhiidhka Warbaahinta ayaa shalay mar uu ka hadlayay Weerarkii lagu qaaday wargeyska Hubaal waxa uu yidhi “Arrintaasi ka wasaarad ahaan iyo Wasiir ahaanba waanu cambaareynayaa, arrin aad iyo aad u fool xun weeye, arrin aan dhaqan iyo caado inoo ahayn weeye Somaliland waxay saxaafaddu ahayd waxyaabaha aynu kaga wanaagsan nahay dhulka kale, iyadoo aan mu’aamarad iyo afduub aan loo geysan jirin saxaafadda.” ayuu yidhi wuxuuna intaas raaciyey in kiiskaa ay gacanta ku hayaan Ha’yadaha nabad-gelyadda.” Hase yeeshee illaa hada Xukuumadda Somaliland wax talaabo ah oo ay ka qaaday ma jirto Askariga Danbigaasi loo hayo, sidoo kale ma jirto tlaaabo laga qaaday Agaasimaha Gaadiidka ee wasiirka warfaafinta kula dhex dagaalamay Madaxtooyadda iyada oo uu Madaxweyne ku-xigeenkii Dalku fadhiyo. Madaxtooyadda Somaliland ayaa u muuqata meel aan go’aan ka qaadan Karin rabshadaha iyo weerarada ay madaxdeedu isku kacdo, dhawaana waxa dhacdo la mid ah tan oo kale ka dhacday Guriga Madaxweyne ku-xigeenka iyada oo ay fadhiyaan masuuliyiin badan taasoo dhex dhinaca Afka ku dhex martay masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda. Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa Baarlamaanka hortiisa ka sheegay in ay Xeer ilaalinta iyo Garsoorkaba ka dalbadeen in la sugo inta ay Kiiska baadhayaan balse ma muuqato wakhti cad oo ay baadhistooda soo af-jarayaan iyadoo wakhtigu dheeraanayo durba. Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland waxa ay wali ka cago jiidaysaa in ay sharciga hor keento Askarigii weerarka ku qaaday Wargeyska Hubaal isla markaana ay soo qabato dadkii kale eek u jiray hawshaas oo uu ugu horeeyo ninkii kale ee baxsaday ee hawlgalkaas ku jiray. Leave a comment |
|
Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda oo Qasriga Madaxtooyadda ku dhex weeraray Wasiirka Warfaafinta oo Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siinayay wax ka qabashada weerarkii Agaasimaha Walaalkii u geystay Wargeyska Hubaaal
Abiib-Tima-cad1Hargeysa(xogreebnews.com) Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda Somaliland Abshir Xasan Xaashi oo ay walaalo yihiin Askarigii weeraray Wargeyska Hubaal ayaa shalay Madaxtooyadda ku weeraray wasirrka wasaaradda