wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Ahmet Davutoglu Ayaa Si Weyn U Qaabilay M/weynaha Somaliland Siilaanyo Iyo Safarkii Madaxweynaha Oo Soo Dhamaaday

0
Thursday March 14, 2013 - 19:51:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Ahmet Davutoglu Ayaa Si Weyn U Qaabilay M/weynaha Somaliland Siilaanyo Iyo Safarkii Madaxweynaha Oo Soo Dhamaaday

    Ankara (xogreebnews)-12/03/2013- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa shallay Arbaca wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara (xogreebnews)-12/03/2013- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa shallay Arbaca wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan

wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Ahmet Davutoglu Ayaa Si Weyn U Qaabilay M/weynaha Somaliland Siilaanyo Iyo Safarkii Madaxweynaha Oo Soo Dhamaaday



Ankara (xogreebnews)-12/03/2013- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa shallay Arbaca wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdigii la socday.silanyo dul

qoraal warbaahinta loogu tallo-gallay oo uu ku saxeexna wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa wuxuu u dhigna sidani:

“wasiirka Arrimaha dibada Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa shalay xafiiskiisa qado-sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu Hoggaaminayo ee socdaalka ku jooga dalkaasi maalmihii la soo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha dibada Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa qado-sharaftaasi ka dib, waxa uu sheegay in dawladiisu ay si niyadsami ah u soo dhawaynayso socdaalka weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu tilmaamay inay ahmiyad weyn siinayaan inay iskaashi adag la yeeshaan Somaliland.

Ahmet Davutoglu, waxa uu kulankaasi kaga dhawaaqay in dawladda Turkigu ay kordhisay mucaawimadda ay Siiso Somaliland, isla markaana ay ka fulin doonto Mashaariic waaweyn oo saacidaya horumarka Waxbarashadda, Caafimaadka, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiirku waxa uu sheegay in dalkiisu xafiis ka furan doono dhawaan Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo door weyn ka qaadan doona horumarinta cilaaqaadka labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dawladda Turkiga uga mahad celiyayay siday ugu soo dhaweeyeen dalkaasi,. Waxaanu uga mahad celiyay mucaawimadda ay kordhiyeen ee ay siinayaan Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu wasiirka Khaarajiga Turkiga tafaasiil ka siiyay fursadaha maal-gashi ee ka jira Somaliland, waxaanu ku booriyay inay Turkigu sii xoojiyaan iskaashiga iyo wax wada qabsiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada ummadood.

Kulankan waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka kala socday Hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta iyo mucaawimadda dibada ee (TIKA) Turkish International Cooperation and Development Agency iyo hay’addo kale oo ka mid ah kuwa aan dawliga ahayn ee dalka Turkiga”

Dhinaca kalana safarka wefdiga madaxweynaha ayaa soo afjarmay sida uu wasiirka arrimaha dibaddu sheegay wuxuuna sheegay in ay u suurtagal noqon wayday inay la kulmaan ra’isal wasaaraha dalka Turkiga Erdokan oo dhakhaatiirtiisu kula taliyeen inuu nasto, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu sheegay in la siiyey fursad ah inay sugaan intuu ra’isal wasaare Erdokan shaqada ku soo noqonayo balse uu madaxweyne Siilaanyo go’aansaday inuu soo afjaro safarkiisa.

Waxaa sidoo kale magaalada Ankara ku sugna madaxweynaha dalka Benin Thomas Yaxyi Bonini oo isaga laftigiisu maanta ahaan uu qorshahu ahaa inuu la kulmo Ra’isal wasaaraha dalka Turkiga oo kulankaasi uu dib u dhacay

Xogreebnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured