Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Cabudhinta iyo Tacadiyada Xukumada Siillanyo ku hayso, iyo Weerarkii lagu qaaday Wargeyska Hubaal.

0
Saturday May 04, 2013 - 19:43:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Cabudhinta iyo Tacadiyada Xukumada Siillanyo ku hayso, iyo Weerarkii lagu qaaday Wargeyska Hubaal.

    wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timo-cad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timo-cad)

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Cabudhinta iyo Tacadiyada Xukumada Siillanyo ku hayso, iyo Weerarkii lagu qaaday Wargeyska Hubaal.

Hargeysa(xogreebnews.com Wasiirka wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timo-cad), ayaa cambaareeyay falkii dhawaan laba nin oo madaxa soo duubtay ay ku weerareen xarunta Wargeyska Hubaal.

Wasiirku waxa kale oo uu maanta ka hadlay cilad farsamo oo maalmihii la soo dhaafay soo waajahday idaacadii weynayd ee Radio Hargeysa iyo tacadiyo saxaafaddu ku eedaysay xukuumadda.

Wasiirka waxa uu qodobadaasi ka hadlay waraysi uu maanta siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, waxa ugu horayn la weydiiyay sida uu u arko tacadiyo ururada saxaafadu ku eedeeyaan xukuumadda, waxa uu yidhi “Kolay dee waa la kala cabanayaa oo khaladku wuu iman karaa ama xagooda (Saxaafadda) ayuu ka iman karaa, ama xagayaga (xukuumadda) ayuu ka iman karaa sababo badan awgood, way jirtaa in mar-mar Booliska ama ciidamada kale ee Nabad-gelyadu ay qabtaan saxaafadda, hadana kuma raagaan ee markaba waa la sii daayaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi “Saxaafadda Somaliland waa ta ugu xoriyad badan runtii dawladda iyo cid walibana way ilaalisaa waayo saxaafaddu waa lagama maarmaan, iyaga (Saxaafadda) lafteedana waxa looga baahan yahay inaanay siday doonaan u hadal ee ay ilaaliyaan anshaxii (ethics)-kii saxaafadda,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.

Wasiirka oo la weydiiyay sida uu u arko warbxin ka soo baxday ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA oo sheegayay in mudadii xukuumadda KULMIYE joogtay muddo sadex sanadood ku dhow la xidhay ama la garaacay in ka badan 90 suxufi, waxaanu ku jawaabay “Walaahay wax baa ka jira inkasta oo sida loo sheegayo aanay u jirin, dawladu saxaafadda way iska ilaalisaa waliba khaasatan madaxweynuhu waanu ka xumaadaa runtii marka la yidhaahdo Suxufi ayaa la xidhay, ama loo yeedhay ama wax la yeelay.Iyaga laftooduna maadaama oo dawladii sidaas u ilaalinayso saxaafadii oo saxaafadeenu aad u madax banaan tahay runtii oo waxaynu ku caano maalay ee aynu cid walba kaga wanaagsan nahay ay nahay, waana waxyaabaha aynu caalamka ka iibino madax-banaanida saxaafadu.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd sababta suxufiyiinta looga hor istaagay socod ay saaka ku mari lahaayeen jidka badhtamaha magaaladda si ay u xusaan maalinta saxaafadda adduunka oo ku beegnayd jimcihii shalay, waxaanu yidhi “Horta xaq bay u leeyihiin inay maraan, laakiin nidaam baa jira waxay ahayd inay soo sheegaan sadex maalmood ka hor oo ay wasaaradda daakhiliga oo ay arrintaasi shaqadeedii tahay u soo sheegaan. Waxa igu maqaalo ah waxay geeyeen maanta arrubtaasina waxay uga baahnayd tabaabulshe si booliska loogu nidaamiyo oo nabad-gelyadooda la sugo oo iyaga la ilaaliyo.”

Wasiirka warfaafintu waxa uu cambaareeyay falkii lagu weeraray Wargeyska madaxa banaan ee Hubaal, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintaasi ka wasaarad ahaan iyo Wasiir ahaanba waan cambaareynayaa, arrin aad iyo aad u fool xun weeye, arrin aan dhaqan iyo caado inoo ahayn weeye Somaliland waxay saxaafaddu ahayd waxyaabaha aynu kaga wanaagsan nahay dhulka kale, iyadoo aan mu’aamarad iyo afduub aan loo geysan jirin saxaafadda.kiiskaasna waxa gacanta ku haya Ha’yadaha nabad-gelyadda.”

Mudane Abiib Diiriye Nuur oo la weydiiyay waxa ku dhacay in dhawr maalmood ay idaacadii weynayd ee Radio Hargeysa hawada ka maqantay, waxa uu yidhi “Idaacaddu cilad farsamo ayay isku taagtay, farsamo yaqaanadii ayaana gacanta ku haya oo imika laba cishaba ku jiray.waana iska cilad farsamo oo waa iska caadi, wax kale oo dhibaato ah oo ay u aamustay ma jirto. Idaacadii kale ee FM-ta ahayd ayaa noo shaqaysa tanna waanu kicinaynaa Haddii ALLE yidhaahdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured