kulmiye Waxa Uu Ahaa Kii Idaacad Sharci Daro Ah Oo Meel Ay Ka sharciyaysantahay Jirin ay Hargeysa iyo Meel Walba Uga Hadli Jirtay Dalka Keentay, Anaguna Maanta Ka Yeelimayno Cabudhin,,Xasan Maxamed Yusuf

0
Saturday May 04, 2013 - 19:34:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    kulmiye Waxa Uu Ahaa Kii Idaacad Sharci Daro Ah Oo Meel Ay Ka sharciyaysantahay Jirin ay Hargeysa iyo Meel Walba Uga Hadli Jirtay Dalka Keentay, Anaguna Maanta Ka Yeelimayno Cabudhin,,Xasan Maxamed Yusuf

    Hargeysa(xogreebnews.com) May 04, 2013-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee saxafaada aduunka ayaa siwayn looga xusay maanta mgaaalada Hargeysa ,maalintan loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) May 04, 2013-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee saxafaada aduunka ayaa siwayn looga xusay maanta mgaaalada Hargeysa ,maalintan loo
“kulmiye Waxa Uu Ahaa Kii Idaacad Sharci Daro Ah Oo Meel Ay Ka sharciyaysantahay Jirin ay Hargeysa iyo Meel Walba Uga Hadli Jirtay Dalka Keentay, Anaguna Maanta Ka Yeelimayno Cabudhin,,Xasan Maxamed Yusuf


Hargeysa(xogreebnews.com) May 04, 2013-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee saxafaada aduunka ayaa siwayn looga xusay maanta mgaaalada Hargeysa ,maalintan loo aqoonsaday maalinta saxafada aduunka ee saddexda bisha may, oo ku beegnayd shalay oo jimce ahayd,sidaa awgeedna maanta oo sabti ah la xusay.
397834_483778061691073_85185493_n
Xafladan oo lagu qabtay Hotel Guuleed ee mgaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay dhamaan bahda suxufiyiinta Somaliland gaar ahaan kuwa ku sugan Hargeysa,ayadoo si kulul loo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xarunta wargayska Hubaal isla markana dhawaca lagu gaadhsiiyay maareeyaha wargayska Maxamed Jaamac (Caloolay).


Ayadoo maanta ay xukuumdu ka hor joogsatay in ay sameeyaan socod gaaban oo ay ku muujinayaan maalintan saxafada aduunka , kuna muujinaya dhibaatada iyo hagaar daamada ay xukuumaddu ku hayso saxafada dalka.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yusuf oo ka hadlay goobtaa ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday dhibaatooyinka iyo cabudhinta ay xukuumadu ku hayso saxafada Somaliland isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi”waxa aan laba cisho ka hor waydiisanay wasaradda arrimaha Gudaha in ay noo fasaxo waxa aan saaka ku war helnay ciidamadda RRU-da oo meel walba lagu dadiyay, gurigayaga naloo soo hor dhoobay sidaan qarxayno,xataa waxa naloo diiday madbacadii aan wax ku daabacanaynay oo ciidan naloo hordhigay looguna hanjabay in anay noo dabicin wax, oo waxa la jeexjeexay boodhadhkii aan meelaha ku xidhnay,waxaan u sheegayaa xukuumdda aan samir ka taaganahay dilkii Wariye Axmed Saki oo anan iminkana uga fadhiyin in ay soo qabato qofkii kale ee la sameeyay labadii nin ee weeraray wargayska Hubaal,isagoo Taliha ciidamada Boolisku afkiisa ka sheegay in ay labada ninba ay ka tirsanaayen ciidamada boliska somalilnad,,

Isgoo Guddomiyuhu hadal kiisa sii wata waxa uu in taas raaciyay oo uu sheegay in “kulmiye waxa uu ahaa kii Idaacad Sharci daro ah oo meel ay ka sharciyaysantahay anay Jirin ay Hargaysa iyo meel walba uga hadli jirtay Dalka Keenay, markaa waxa ay ka cabanayeen in ay xukuumadu ku haysay cabudhin maantana ka yeelimayno cabudhina,,

Si kastaba ha ahaatee waxa uu ku soo beegmayaa xuskani xilli ay aad u sii kordhayso tacadiyada iyo dhubaatooyink ay xukuumaddu ku hayso suxufiyiinta dalka ee ku hawlan hawlahooda shaqo ee ay qaranka u hayaan ayadoo ay taa u sii dheertahay dhibaatooyinka dhinaca dhaqaale darada ee haysata suxufiyiinta iyo warbaahintaa iyo walib xadhiga joogtada ah ee loo gaysto suxufi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured