Wasiirka Kallumaysiga Iyo Khayradka Badda Oo Ka Hadlay Dagaal Toddobaakii Hore Dhexmaray Ciidamada Badda Iyo Kallumaysato Iraniyiin Ah
Hargeysa(xogreebnews.com
)May 04, 2013- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa digniin u diray doonyaha iyo marakiibta sida sharci darada ah uga kalluumaysta xeebaha somalilnad.
Wasiirka Kallumaysiga Iyo Khayradka Badda Oo Ka Hadlay Dagaal Toddobaakii Hore Dhexmaray Ciidamada Badda Iyo Kallumaysato Iraniyiin Ah
Hargeysa(xogreebnews.com )May 04, 2013- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa digniin u diray doonyaha iyo marakiibta sida sharci darada ah uga kalluumaysta xeebaha somalilnad. Wasiirka oo u waramayey warbaahinta, ayaa hadalkiisani waxa uu daba joogaa dagaal toddobaadkii hore xeebaha gobolka Sanaag ku dhexmaray ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo kallumaysato Iraaniyiin ah oo hubaysana, Wasiirku waxa uu tilmaamay in baddaha Somaliland ay yihiin bado nabdoon, isla markaana ay uga digayaan doonyaha shisheeye ee ku soo xadgudba in ay la kulmi doonaan jawaab kulul isla markaan ay dajin doonan, Wasiirku oo doonyahaas ka hadlayey waxa uu yidhi “waxay ahaayeen afar doonyood oo ciidamada Puntland xeebahooda ka soo sareen xageena ayay u soo dhaqaaqeen, markii ciidamadeena ku dhawaadeen rasaas ayay kaga soo rideen doonyihii, dabadeed ciidankeenu rasaas ayay ugu jawaabeen ilaa ay ka baxeen baddeena, arrintaasi waa arrin aad iyo aad u culus oo xun markaa ugu horaysa badeena xuduudaheeda waynu ilaalinaa aad iyo aad itaalkeena, laakiin waa markii u horeeyay ee dad tuugo ahi kalluunkeena inay kaluumaystaan, ee marka aan u dhawaano rasaas inagu soo ridaan waa wax cusub”. Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaan u sheegaynaa cabasho ayaan gudbin doonaa waxa kale oo uga digaynaa iyaga iyo qayrkoodba haddii mar danbe rasaasi kaga soo dhacdo ciidankeena in aanu dajin doono doonyahaas, ama cid alaale cidii rasaas soo ridaa dagaal weeye, waxaanu doonaynaa in badeenu ku caanbaxday bad nabadeed, ayuu yidhi wasiirku. Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay cabashooyin ka soo yeedhay kalluumaysatada Maydh oo ka cabanaya qalab la’aan, waxa uu yidhi “waa waxa ina haysta waa qalab la’aan, haday yihiin ka lagu soo qabanayo, haduu yahay ka lagu qaboojinayo, hadduu yahay ka lagu qalayo intuuba way u dhiman yihiin waa waxa ay u samaysan tahay Wasaaradani, waxa aanu ka qabanay way jiraan ayuu yidhi Wasiirku. Leave a comment |
|
Wasiirka Kallumaysiga Iyo Khayradka Badda Oo Ka Hadlay Dagaal Toddobaakii Hore Dhexmaray Ciidamada Badda Iyo Kallumaysato Iraniyiin Ah
Hargeysa(xogreebnews.com )May 04, 2013- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa digniin u diray doonyaha iyo marakiibta sida sharci darada ah uga kalluumaysta xeebaha somalilnad.