HUTEEL MAANSOOR SANAD GUURADII 11AAD EE GEERIDII MADAX WEYNIHII LABAAD EE SOMALILAND MAXAMED X.IBRAAHIN CIGAAL OO HARGEYSA LAGA XUSAY

0
Saturday May 04, 2013 - 13:26:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HUTEEL MAANSOOR SANAD GUURADII 11AAD EE GEERIDII MADAX WEYNIHII LABAAD EE SOMALILAND MAXAMED X.IBRAAHIN CIGAAL OO HARGEYSA LAGA XUSAY

    (xogreebnews.com-Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo ahaa Madaxweynhii Labaad Ee Somaliland Ayaa Sanad walba laga Xusaa Somaliland 03-da Bisha May oo ku began Maalintii uu Geeriyooday sanadkii 2002

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.com-Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo ahaa Madaxweynhii Labaad Ee Somaliland Ayaa Sanad walba laga Xusaa Somaliland 03-da Bisha May oo ku began Maalintii uu Geeriyooday sanadkii 2002

HUTEEL MAANSOOR SANAD GUURADII 11AAD EE GEERIDII MADAX WEYNIHII LABAAD EE SOMALILAND MAXAMED X.IBRAAHIN CIGAAL OO HARGEYSA LAGA XUSAY

05

Hargeysa (Rmedia):-Munaasibad lagu xusayey sanadguuradii 11aad ka soo wareegtay geeridii ALLE ha u naxariisktee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii laabaad ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa lagu qabtay Hoteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, munaasibadan oo ahayd mid siwayn loo soo Agaasimaya ayaa Waxaa ka soo qaybgalay Madaxda Xisbiyada Qaranka, Golalaha Wasiirada, Aqoon yahano, Hal Abuuro Iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan oo uu ka mid yahay wakiilka Ethiopia u fadhiya somaliland .

Sh.Aaden Xaaji Maxamuud Siiro Oo ka mida Culimada Waaweyn ee Dalka ka mid ahaa Masuuliyiinta Munaasibaadaasi ka soo qaybgalay ayaa si kooban u timaamay Qiimaha ay leedahay Xuska Marxuum Cigaal isagoo intaasi ku daray inay mudan tahay halka uu soo qaadhsiiyey Qaran in laga sii wado waxaanu yidhi “Maxuum X. Maxamed Ibraahin Cigaal oo Inta kaliya ee ay nu ku xasuunaynaa na ay tahay jamhuuriyadan uu dhisay oo ay tahay inaynu ilaalino” ayuu yidhi Aaden siiro

Boobe Yousuf Ducaale oo ahaa Gudiga qaban qaabada Xuskaasi oo Munaasibadaasi Hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa uga mahad celiyey Cidkasta oo gacan ka gaysatay qabsoomida munaasibadaasi oo ay ka mid miyihiin Maansoor Hotel, Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom, Dahabshiil iyo Hay’ado kale oo tiro badan, Waxa kale oo uu halkaasi ka akhriyey Qaarka mida Khudbadihii Ugu muhiim sanaa ee lagu xasuusan karo oo uu kaga hadlayey halka ay gaadhsiisan tahay Qaranimada Somaliland oo ay ka mid mihiin khudbado uu kula hadlayey Hay’adaha Qaramada midoobay iyo kuwo uu kula hadlayey shacabka reer Somaliland.06

Waxaa Kale Oo Halkaa Ka Hadlay Xaaji Cabid Kariin Xuseen(X. Cabdi-Waraabe) oo ku hadlayey Afka Golaha Guurtida Somaliland waxaanu halkaasi ka cadeeyey inuu Xaajigu ahaa ninkii dhidiba u taagan Dawalan Somaliland Uu tacab badan galiyey sidii ay halkan u soo gaadhi lahay isagoo ku dheeraaday waxqabadkiisii Mudadii lagu jiray Halganka Dibu ula soo noqoshada Madaxbanaanida ilaa maalintii uu Noqday Madaxweynaha Somaliland waxaanu xusay inuu ahaa nin wax badan ka yaqaana habka Dawlada nimada oo uu ku dayasho mudan yahay isagoo Ugu dambayntiina halkaasi uga duceeyey.08

Wasiirka Wasaarada Maaliyada CabdiCasiis Maxamed Samaale oo Munaasibada Xuska hado kooban ka so jeedyey ayaa sheeegay inuu Marxuumku ahaa Halyey ay tusaalooyin badan ku gadaaman yihiin, waxyaabihii laga dhaxlay, isagoo sheegay inay markuu Seeska u dhigay Jamhuuriyada Somaliland noqotay Qaran dhismay, waxaanu itaa ku daray “ waxaynu Ugu abaal gudi karnaa Marxuum Cigaal inagoo Uducayna Qarankan uu dhidibada U taagayna Ilaashana” ayuu ydhi Wasiir Samaale12

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid En.Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey musaabadan loogu talo galay Xuska sanad guuradii 11aad ee ka soo wareegtay Geeridii Marxuum Cigaal ayaa ku dheeraday taariikh nololeedkii Marxuunka isagoo si gaara u tilmaamay Waqtigii ay jirtay Dawladii Dhexe ee Somaliya oo ay dhibaatooyin badan ka soomareen waxaanu ka waramay doorka uu ku lahaa Qarankan waxaanu yidhi “Marxuumku waxuu ahaa nin aragti fogle manta inaa ay haysano ee aynaan kordhina isaa ayaa inoo keenay nin firfircoon ayuu ahaa oo yaraan ku bilaabay siyaasada dhamaanteena ilaahay haynaga siiyo samir iyo iimay” ayuu yidhi Faysal Cali waraabe03

Cabdi rashiid Maxamuud oo ku hadlayey Afka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa ayaa dhinaciisa ka waramay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu xasuunan karo Madaxweynihii Labaad Ee Somaliland Marxuum X. Maxamed Ibraahin Cigaal Isagoo si gaara u Xusa baaqyadii uu bulshada u tiri jiray oo ay ka mid yihiin “hadii aad Icraaf Doonayasaan Waa In lagu talo gala ilaa soddon sano”.

11

Axmed Xuseen Oomane oo ka mida Wasiiradii sida tooska ah ula soo shaqeeyey ayaa ka sikooban u sharaxay waqtigii ay soo wada shaqeeyeen waxyaabaha uu ka xasuusto waxaanu yidhi “Cigaal waxaan la soo shaqeeyey sagaal sano oo ah waxay ahaayeen sagaal sano oo adag oo nin adag moooyaane nin kale aanu ka bixi karayn oo aanay jirin haykal Dawladnimo, waxaanu suurto galiyey inaynu soo gaadhno halkaa aynu maanta joogno macalinbaanu anaga noo ahaa waanu naga aragti horeeyey”, ayuu yidhi Axmed Xuseen Oomane04

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga talada haya Ee kulmiye Muj.Maxamed Kaahin waxaanu sheegay inay taariikhdu leedahay muhiiman baladhaalan oo mudan in aad loo ilaaliyo

“Umada xili aad u adag oo dunidu inaga soo horjeedo ayuu Wadankan soo hogaamiyey wuxuu ka mid ahaa ragii dhaliyay xoriyadii ay Somaliland ka qaadatay Ingiriiska , wuxuu ahaa nin aragti dheer , Dalkana waxbanad buu ka soo taray Mudadii uu Xilka hayey, Waxaynu ku xusi karnaa Inaanu sandaqad ka Dhisan, aduunyada nin Guryo ka dhistaa Taariikh kuma yeesho, waxaynu tari karnaana waxa weeyi inaynu taariikhda ilaalino,Ilaahay janadiisa haka waraabiyo” ayuu yidhi Muj.Maxamed Kaahin.09

Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Marwadii Marxuumka oo munaasibadan qaban qaabadeeda lahayd ayaa ka war bixisay Xuska Marxuuka “Waxaynu ka joognaa geeridiisii 11 sano kaligay ayaa la soo jiitamayey way yartahay cid iga gacan siisyey, maanta waxaanu samaynay gudi ka kooban beelaha Somaliland”Kaltuun waxay intaasi ku dartay iyo yadoo hadalkeeda sii wadatay, waxaynu ku baaqday Madaxweynihii 1aad ee Somaliland Cabdiraxmaan Tuur Maayirka caasimada Hargaysa ayaa isaguna ugu dambayntii halkaasi uga duceeyey Marxuum Cigaal.2




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured