Wasiirka Dibu-dajinta Somaliland Saleebaan Xagla Toosiye oo Jabuuti u duulay saaka

0
Friday May 03, 2013 - 19:19:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Dibu-dajinta Somaliland Saleebaan Xagla Toosiye oo Jabuuti u duulay saaka

    Hargeysa(xogreebnews.com) Wasiirka Wasaaradda Dibu-dajinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye ayaa safar aan ujeedadiisa la garanayn ku tagay Dalka Jabuuti. Wasiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Wasiirka Wasaaradda Dibu-dajinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye ayaa safar aan ujeedadiisa la garanayn ku tagay Dalka Jabuuti. Wasiir Wasiirka Dibu-dajinta Somaliland Saleebaan Xagla Toosiye oo Jabuuti u duulay saaka
Hargeysa(xogreebnews.com) Wasiirka Wasaaradda Dibu-dajinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye ayaa safar aan ujeedadiisa la garanayn ku tagay Dalka Jabuuti.Wasiir Saleebaan safarkiisa xog badan lagama hayo hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu Dalka Jabuuti u tagay wadahadal dhinaca dadka barakacayaasha ah la xidhiidha oo uu kala yeelanayo Dalkaasi dad ku sugan Gudaha Dalkooda.Somaliland iyo Jabuuti ayaa laga yaaba wadahadalkan in ay ku lafa guri doonaan sidii dadka Reer Somaliland ee Dalkaas jooga Dalkooda dib loogu soo celin lahaa, isla markaana ayu iskaga kaashan lahaayeen sidii loogu fududayn lahaa soo celintooda.Hore hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga ee UNHCR ayaa hore u soo celisay Dad barakayaal ah oo dalkaasi deganaa, balse dadkaas intooda badani waxay dib ugu noqdeen Jabuuti halkaas oo ay wali barakacayaal ku yihiin.Wasiir Xagla Toosiye ayaa dhawaan ka soo laabtay Socdaal uu ku tagay Dalka Finland kaasoo Somaliland iyo Dawladda Finland kaga wadahadleen arrimaha Socdaalka maadaama Dalka Finland ay ku nool yihiin Qaxoonti Reer Somaliland ah.Dhinaca kale Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya Socdaalka xagla Toosiye inuu la xidhiidho cabasho la xidhiidha Heshiiskii ay Somaliland iyo Isagu ku wada galeen Dalka Jabuuti, taasoo bilowgii imaanshihiisa Hargeysa ay Somaliland iyo isagu wadahadal ku yeesheen dalkaas oo masuuliyiin ka tirsani dhex dhexaadintooda ka qayb qaadatay.Cabashada Wasiir Xagla Toosiye ka qabo Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Somaliland ayaa la xidhiidha inaan in badan laga fulin hawlihii ay ku heshiiyeen iyadoo waliba caqabado dhinaca Maamulka ahi ka hor yimaadeen wasaaraddii loo magacaabay kuwaas oo ka dhashay laba Hay’adood oo madax banaanaa oo la hoos geeyay balse ka amar qaadan waayay Madaxtooyadda.Si kasta ha ahaatee labada arrimood ka Socdaalkiisu ku qotomo waxa looga fadhiyaa Xukuumadda Somaliland oo aan wali sidoo kale ka hadal Wasiiru dawlihii Nabadaynta Arrimaha Bariga Keyse Cabdi Yuusuf oo cadho ku maqan isla markaana aan looga jawaabi iscasilaad uu u qortay Madaxweynaha Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured