War-laliyihii Radio Hargeysa oo Qalab Halbowle Idaacaddu ka Gubtey iyo Mishiino Cahdigii Rayaale La soo iibiyey Maamulka Warfaafintu Dib u Fasaxday

0
Friday May 03, 2013 - 08:27:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-laliyihii Radio Hargeysa oo Qalab Halbowle Idaacaddu ka Gubtey iyo Mishiino Cahdigii Rayaale La soo iibiyey Maamulka Warfaafintu Dib u Fasaxday

    Warku Waxa uu Intaa Ku darayaa In Farsamayaqaanadii Gacanta ku Hayay Idaacadan Cusubi Damceen Inay Din u Hagaajinayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warku Waxa uu Intaa Ku darayaa In Farsamayaqaanadii Gacanta ku Hayay Idaacadan Cusubi Damceen Inay Din u Hagaajinayaan

Hargeysa (xogreebnews.com)Idaacadii Weyneyd Ee Radio Hargeysa Ayaa Gebi ahaanba La sheegey Inay Gubatey Ka Dib Markii Daraad Ciladi Ku Timi War Laliyaha Cusub ee Idaacada oo Sababay Inay Idaacadu Hawada Ka Baxxdo Warlaliyahan Cusub ee Radio Hargeysaee Dheererkiisu Yahay 7120 Mhz oo Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa Laga Dhageysto Ayaa Doraad 2:45 Daqiiqo ee Saacada Hargeysa Hawadda Ka Baxay Tasoo La Sheegey Inuu Sababay Cilad Dhinaca Dabka ah oo uu Qaadan waayay War liliayuhuu.

images (2)

Warku Waxa uu Intaa Ku darayaa In Farsamayaqaanadii Gacanta ku Hayay Idaacadan Cusubi Damceen Inay Din u Hagaajinayaan Hase yeeshee Ay Ilaa Hada Hagaajinayaan Ilaa Hadana Aaanay u Suura Waydo Inay Hagaajinayaan, Warar Aanu Ka Helnay Wasarada Warfaafinta ayaa Tibaxayaa In War La Liyuhu 41k MP Ay Cilowdowday Qaybtiisii Power Supplyga, Sidaasi Daradedna uu Qaadan Waayay Dabkii Mishiinada oo Mid Mid loogu Tijaabiyey, Warku Waxa uu Intaa Ku darayaa in Hawl Wadeenada Farsamada oo aan Aqoon Durugsan u Lahayn Cilad Bixinta Ayaa Ilaa Shalay Ku Hawlanayeen War Laliyaha, Kuwaas oo Markii Danbe Sabab u Noqday Inay Gubtaan Laambadaha Loo Yaqaan Valveska Oo Dibada Kaga Yaala Trasnmiitterka Kuwaas oo Qaadan Waayay Dabka Ka Imanaaya Miishiinada.

download

Laambadahan oo ah Kuwa Ugu Mihiimsan War laliyaha ayaa la sheegey inuu fadhiistey transmiterku kuwaas oo cilad bixintoodu aanay jirin farsamo yaqaano aqoon u leh oo wasaarada ku sugan,

dhinaca kale laba ka mid ah mishiinada dabka dhaliya ee wasaarada warfaafinta kuwaas oo duug ahaa mishiinada oo ahaa kuwii ay xukumada kulmiye ugu timid wasaarada markii ay talada la wareegtey sadex sano ka hor ayaa laga iibiyay nin ganacsade ah iyadda oo aanay haba yaraatee jirin baahi sababaysa iibkooda.

images (1)

mishiinadaa duuga ah aaa warku sheegayaa in ay ku lamaan yihiin qaar ka mid ah deynabooyin keyd ahaa oo wasaarada yaalay kuwaas oo iyadana la fasaxay , ma jiro warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka wasaarada warfaafinta oo faahfaahinaysa cilada la sheegay inay gubteen laambadihii hal bolaha u ahaa idaacada iyo mishiinada la iibiyey labada,

images

dhinaca kale wararka aanu ka helayno dhinaca raadio hargeysa ayaa la sheegay stuudiyayaasha idaacada ay qaarka u saaran yihiin inay hawl gabaan oo ay fadhiid noqdaanka dib markii wax dayactir ah lagu samayn waayey,kuwaas oo haatana isku dhex daadsan isla markaana aanay jirin wax hawl ah oo laga qabto iyadoo shaqaluhu ay ku shaqeystaan laptop yo ay leeyihiin iyagu, taasoo intii maamulkan haatan ee wasaarada warfaafinta xafiiska joogay aanau hoosba u eegin daryeelkii qalabka iyo shaqaalaha ma guuraanka ah kaga mashquula caga jugleyn iyo hantigaada shaqalaha wasaarada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured