Xukuumada Oo Weli La Rafanaysa Sidii Ay U Danbabasi Lahayd Weerarkii Lagu Qaaday Wargeyska Hubaal Ee La Sheegay Inay Ka Danbeysay Xukuumadu

0
Thursday May 02, 2013 - 20:27:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Weli La Rafanaysa Sidii Ay U Danbabasi Lahayd Weerarkii Lagu Qaaday Wargeyska Hubaal Ee La Sheegay Inay Ka Danbeysay Xukuumadu

    Weerarkii foosha xumay ee lagu qaaday waregyska hubaal kaasi oo ahaa mid aan noociisa oo kale dalka ka dhicin ilaa intii dalka lagu soo noqday oo aysan dhicin in xarun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkii foosha xumay ee lagu qaaday waregyska hubaal kaasi oo ahaa mid aan noociisa oo kale dalka ka dhicin ilaa intii dalka lagu soo noqday oo aysan dhicin in xarun

Weerarkii foosha xumay ee lagu qaaday waregyska hubaal kaasi oo ahaa mid aan noociisa oo kale dalka ka dhicin ilaa intii dalka lagu soo noqday oo aysan dhicin in xarun warbaahineed la weeraro, xitaa xiliyadii jabhaduhu jireen ayaysan dhicin dhacdo noocan oo kale ah oo lagu qaado xarun warbaahineed balse waxay noqotay dhacdo dadka reer somaliland ku noqotay an-fariir iyo u qaadan waa waayo xigan oo somaliladn ay marayso ama jirsatay 22 sanno oo ay xoriyadeedii la soo noqotay ayaa la filayn inay xukuumada hada talada haysaa ku kacdo wax ay xitaa ka xishootay xukuumadii Daahir Rayaale oo ahayd mid ay xisbiga hada talada haye ee KULMIYE ku dhaliili jireen cabudhin iyo cago jugleyn ay kula kici jirtay saxaafada madax banaan balse kiiska foosha xun ayaa dadka qaar waxay dusha ka saareen inay xukuumadu ka danbeysay weerarka lagu soo qaaday xarunta waregyska Hubaal iyada oo ay ujeeduna ahayd in wax lagu yeelo madaxda wargeyska hubaal isla markaana lagu cabsi geliyo saxaafada madaxa banaan.

Dadka u kuur gala arimaha amaanka ayaa weerarkaasi ku sifeeyey in uu ahaa mid aad looga soo shaqeeyey isla markaana qorshe cad laga lahaa sida loo fulinayo inkasta oo uu fashilmay, khuburadan ayaa waxay tilamamayaan cadeymaha uu wargeysku soo bandhigay marka la eego in ay iska cadahay cida ka danbeysay weerarkaasi, sidoo kale waxay tilmaameen isla maalintii uu soo baxay warka ah in weerar lagu qaaday xarunta wargeyska hubaal waxaa si deg deg ah u yidhi taliyaha booliska somaliland sarrey guuto C/lahi Fadal Iman xukuumadu kama danbeyso weerarkaasi, hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmay iyada oo haba yaraatee aan wax baadhis ah lagu sameyn dhacdadaasi foosha xumayd.

Waxa kale oo isla waqtigaasi ka hadlay af-hayeenka siilaanyo Dhuxul oo sheegay inaysan ka danbeyn balse xiligaasi uu shirka jaraa’id qabtay wuxuu diiday in la weydiiyo su’aalo ku saabsan cida ka danbeysay weerarkaasi iyada oo siyaasiyiin iyo dad kale oo aqoon yahano ah ay madaxtooyada ku eedeeyeen inay ka danbeysay weerarka waregyska hubaal, hadaba af-hayeenka oo ah nin inta badan lagu tilmaamo in la iska horeysiiyo oo isaga masuuliyiin kale oo madaxtooyadu ay ku shaqeystaan oo hadba cida ay doonaan ku amraan in uu u jawaabo isaga oo aan la title ahayn.

Hadaba akhristayaal waxaa muuqata in ilaa hada aan sharciga la hor keenin cidii ka danbeysay weerarkii lagu qaaday wargeyska madax banaan ee Hubaal iyada oo mudo laga joogo xwaqtigii weearka lagu qaaday wargeyskaasi, dad ka ag dhaw madaxtooyada ayaa tilaamay in madaxtooyadu faro gelin ku hayso hayadaha baadhista danbiyada iyada oo la sheegay in loogu hanjabay madaxda hayadaha baadhista kiiskan inay talaabo ka qaadi doonaan hadii ay u hogaasami waayaan amarka ay siinayaan wasiirka arimaha gudaha, wasiirka maaliyada,wasiirka madaxtooyada ragga la sheegay inay xilal cul culus oo aan muuqan ka haya madaxtooyada.iyada oo wasiirku xigeenka warfaafintu mr cukuuse iyo qarkale uu shir-qoolo uu maleego saxaafada

Dadka u dhuun daloola siyaasada iyo saxaafada ayaa tilmaamay in xukuumada siilaanyo shirar badan oo lagu curyaaminayo saxaafada madaxa banaan mudooyinkii ugu danbeeyey ay lahayd iyada oo ay xukuumadu neceb tahay in la sheego dhaliilaha iyo boobka had iyo jeer ay soo bandhigto ee hantida umadda ee ay boobayso xukuumada hada u hogaamiyo siilaanyo, iyada oo wararka ugu badan ee dhawaanahan soo baxayay sheegayeen in eex, qaraabo kiil xadkisii dhaafay ku talaabsatay xukuumada siilaanyo gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo madaxweyne siilaanyo oo iaydu isu aragto inay dalka xukumaan oo wixii ay doonaanba ay ka samyn karaan.

Gabagadii waxaa waajib ku ah saxaafada madaxa banaan inay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii loo soo bandhigi lahaa raadkii iyo cid kasta oo uu raadkaasi galo, sidoo kale waxaa iyana waajib ku ah madax dhaqmeedka reer somaliland, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo xisbiyada mucaaradka ah inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan dhacdadaasi foosha xun ee lagu weeraray wargeyska Hubaal.

Qalinka: C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured