Madaxtooyadda oo Si Indho La"aan ah Uga Jawaabtay Weerarki Lagu QAADAY Hubaal,

0
Saturday April 27, 2013 - 11:08:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyadda oo Si Indho La"aan ah Uga Jawaabtay Weerarki Lagu QAADAY Hubaal,

    Hargaysa (xogreebnews): Madaxtooyada Somaliland ayaa canbaaraysay weerarkii ay kooxda shuftada ahi habeenimadii Khamiistii ku weerareen xarunta wargeyska madaxbanaan ee Hubaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (xogreebnews): Madaxtooyada Somaliland ayaa canbaaraysay weerarkii ay kooxda shuftada ahi habeenimadii Khamiistii ku weerareen xarunta wargeyska madaxbanaan ee Hubaal Madaxtooyadda oo Si Indhop La"aan ah Uga Jawaabtay Weerarki Lagu QAADAY Hubaal,Hargaysa (xogreebnews): Madaxtooyada Somaliland ayaa canbaaraysay weerarkii ay kooxda shuftada ahi habeenimadii Khamiistii ku weerareen xarunta wargeyska madaxbanaan ee HubaalAfhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, oo shalay u waramay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa ku tilmaamay falkaasi mid aad u xun oo aanu noociisu hore uga dhicin Somaliland waxaanu afhayeenku sheegay in ay xukuumad ahaan canbaaraynayaan weerarkaasi lagu beegsaday wargeyska Hubaal xaruntiisa magaalada Hargeysa,isla markaaana dadkii ka danbeeyay falkaasi sharciga la horkeeni doono.Waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo dhacdadii habeenkii dhawayd lagu weeraray wargeyska Hubaal, marka hore waanu canbaaraynaynaa aadna uga xumahay fal noocaas ah ama sansaantaasi leh inuu meel dalkeena ka mid ah ka dhaco, xukuumadu arrintaa way ka xun tahay.dalkeena waxa lagu yaqaan nabad, nabad iyo dawladnimo ayaa ka jirta, falal noocaas ahi kuwii la inoo nisbayn lahaa ama dalkeean ka dhici lahaa ma aha, waana arrimaha aynu ilawnay dhicitaankoodaba iyo inay suurtogal ka noqon karaan dalkeena aynaan kaba fikiri karin”. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa kale oo uu sheegay in xukuumada ay masuuliyadi ka saaran tahay soo qabashada cidii falkaasika danbaysay waxaanu carabka ku dhuftay in nimankii falkaasi ka danbeeyay midka mid ahaa la hayo isla markaana ay hay’adaha amaanku baadhistii ku jiraan sharciga la marsiin doono oo aan laga hadhi doonin kuwii falkaasi ka danbeeyay.“xukuumada ayaana amaanka ka masuul ah, wax kasta oo amaan darro keeni kara ama falal noocaas ah sababi kara waa masuuliyada xukuumada.Waajibka xukuumadu waxa weeyi in cidii falkaasi loo qabtay iyo siduu u dhacayba hay’adaha danbi baadhistu ayaa gacanta ku haya, si fiicana waa loo baadhi doono cidii ka danbaysay,cidii gashay iyo waxa uu ku lug lahaa intaba in sifo sharci ah ayaa loo baadhi doono. Falkaasi ka dhacay wargeyska Hubaal cidii gaysatay nin ka mid ah ayaa la qabtay waana la hayaa, waana la baadhayaa, kana hadhi mayno, lana saamixi maayo cidii falkaa gaysatay” ayuu yidhi Md. Dhuxul.Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu sheegay in aan falkaasi lagula kacay wargeyska madax banaan ee Hubaal aan madaxtooyada iyo xukuumada midna loo nisbayn karin, isaga oo xusay in aanay madaxtooyadu ahayn meel cid laga weeraro bal se ay tahay meel nabada, wanaaga iyo dawladnimada laga maamul. waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan ka hadlo masuuliyiinta wargeyska Hubaal oo ka dib markii uu falkaasi dhacay warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in falkaasi ay madaxtooyadu ka danbaysay, madaxtooyadii inoogu saraysay falal noocan oo kale ah in uu maanta qof muwaadin ah oo dalka ku nooli uu madaxtooyada u nisbeeyo isagana uma fiicna qaran ahaana inooma fiicna, madaxtooyadu ma aha meel cid lagaga duulo, waa meel lagaga shaqeeyo nabada, maslaxada iyo qaranimada, guddoomiyaha wargeyska Hubaal waxa gaadhay ee nabaradaa gacanta ka gaadhay ah waanu ka xun ahay, isaga laftiisa waxa looga baahan yahay wixii baadhis ayay ku jiraane, qof kasta oo falkani galay meesha uu doono ha tagee waa wax sharciga iyo maxkamada la horkeeni doonee in fal aan la baadhin, aan la ogayn sida uu u dhacay, fal aynu ka xunahay inuu ku dhaco, inuu u nisbeeyo madaxtooyada, falkaasi xukuumadu waajibkeeda ayay ka qaadanasaa, inaga iyo qaran ahaanba waxa inoo wanaagsan ma aha, madaxtooyadu waa astaanta dawladnimadeena”.Af-hayeenka madaxtooyada waxa kale oo uu intaasi raaciyay in aan loo nisbayn karin xukuumada ninka falkaasi loo hayo oo la sheegay in uu ka tirsan yahay ciidamada booliska isla markaana aanay dawlada ama madaxtooyada marnaba suurta gal ahayn in ay hawlo noocaas ah soo abaabusho. “Lama odhan karo, marna waa mar laga hadlayo ujeedo ay dawladu leedahay oo ay wax ku weerarayso oo ay damacsan tahay, marna waa arrin shaqsi ah, qofku madaxooyada ayuu ka shaqayn kara, ciidanka booliska ayuu shaqayn karaa, fal qof noocaas ahi uu sameeyay, lama odhan karo dawlad ayaa shaqo ku leh, ama madaxtooyada ayuu ka tirsan yahay, dawladu nabada ayay ka shaqaysaaye nabada ma dhaawacdo, dawladu nabada ayay ilaalisaaye nabada ma weerarto, imikana kuwa baadhaya ee haya waa boolis, cidii uu noqdana shaqsi ayaa sameeyay nabada ay ka masuulka yahayna iyadu dhaawici mayso”.Waxa kale oo uu sheegay Axmed Saleebaan Dhuxul in aan hada cidna lagu sheegi karin in ay falkaais ka danbaysay ilaa inta ay baadhistu dhamaanayso. “Taasi waa wax baadhista ku xidhan hawl kasta oo dhacda cid baynu u samaynay, inay baadho, oo wixii ka danbeeyay keenta, markaa cidii ku shaqada lahayd ayaa baadhaysa.” Ayuu yidhi af-hayeenku


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured