Madaxweyaha Somaliya Oo U Duulay Mombassa Lana Kulmi Doona Sh. Axmed Madoobe.

0
Saturday April 27, 2013 - 10:57:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyaha Somaliya Oo U Duulay Mombassa Lana Kulmi Doona Sh. Axmed Madoobe.

    Muqdisho (xogreebnews- Apr.27, 2013 -Warar laga helaayo magaalada Muqdhisho ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu goor dhaweyd ka duulay Garoonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews- Apr.27, 2013 -Warar laga helaayo magaalada Muqdhisho ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu goor dhaweyd ka duulay Garoonka
Madaxweyaha Somaliya Oo U Duulay Mombassa Lana Kulmi Doona Sh. Axmed Madoobe.
Muqdisho (xogreebnews- Apr.27, 2013 -Warar laga helaayo magaalada Muqdhisho ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu goor dhaweyd ka duulay Garoonka Aadan Cadde International Airport. Madaxweynaha ayaa ku sii jeeda xagaas iyo magaalo xeebeedka dalka Kenya ee Mombassa.

Sida la soo weriyey Madaxweynaha ayaa u tagay magaalada Mombassa kulan uu la qaadan doono Hogaanka sare ee kooxda Raaskaanbooni mudane Axmed Madoobe iyo wafti uu hogaaminaayo oo ku sugan magaalada Nairobi. Kulankan ayaa waxa soo qabanqaabiyey Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, waxay labada madaxweyne ka wada hadli doonaan arimo khuseeya labada dawladood iyo waliba aritna maamul sameynta ee Kismaanyo.
Arinta ugu weyn ee ay labada wafti lafa guri doonaan ayaa ah shirka Kismaanyo oo ay dawladdu rabto in gacanta loo soo geliyo maamulkiisa, waxaana la filayaa in ay arintaas isku af gartaan labad dhinac.
Axmed Madoobe oo awalba la’aa qaab uu wax u socodsiiyo ayaa waxaa ladul dhigay ciidamo fara badan oo dowlada Soomaaliya leedahay kuwaas oo magaalada Kismaayo buux dhaafiyay maalmahaan, arintaas oo ku qasabtay in uu Kenya ka codsado in dowlada Soomaaliya ay la heshsiiso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured