Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibeda Maraykanka Waxa Casho sharaf u sameeyay Ganacsato waaweyn oo Maraykan ah oo Somaliland danaynayay

0
Saturday April 27, 2013 - 10:53:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibeda Maraykanka Waxa Casho sharaf u sameeyay Ganacsato waaweyn oo Maraykan ah oo Somaliland danaynayay

    Washigton(xogreebnews.com) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa la Kulmay Madax sar-sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washigton(xogreebnews.com) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa la Kulmay Madax sar-sare Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibeda MaraykankaWaxa Casho sharaf u sameeyay Ganacsato waaweyn oo Maraykan ah oo Somaliland danaynayay
Washigton(xogreebnews.com) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa la Kulmay Madax sar-sare oo State Department-ka ah oo ay ka mid ahayd. Wendy Sherwin oo ah Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry.kulankaasi uu Madaxwaynaha iyo weftigiisu la yeesheen Madaxda sar-sare ee State Department-ka ayaa madaxweynuhu ugu horayn Waxa uu kala hadlay dawlada Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan, khaasatan dhinaca nabad-gelyada waxaanu waydiiyay mar hadii dawlada Maraykanku ay aqoonsatay Soomaaliya, inay arrintaasi wax saamayn ah Ku leedahay xidhiidhka labada waddan ee Somaliland Iyo USA.Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyay in dawlada Maraykanku ay Somaliland ka caawiso sidii Somaliland uga heli lahayd xubin sharafeed ururada IGAD, AU, UN Iyo Kuwa kaleba.Dawlada Maraykanka oo ay u hadlayeen Marwo Shermin Iyo Mudane Don Yamamto oo ah madaxa qaybta Africa, waxay weftiga madaxwaynaha u xajiiyeen in xidhiidhka Somaliland iyo USA aan wax isbedel ah aanay ku keeni doonin aqoonsiga ay USA aqoonsatay Somalia.Waxa kale oo waftiga ay u sheegeen inay diyaar la yihiin heshiis dhinaca nabad-gelyada ah oo cusub, kaas oo ay Somaliland diyaar ula yihiin maraykanku . Kaas oo mustaqbalka dhow la suurto gelin-doono.Waxa kale oo Marwo Shermin ay u sheegtay weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo in Maraykanku ka caawin doono Somaliland doorashada soo socota Iyo waliba caawimadii sannadlaha ahayd ee ay hore u bixin jireen oo ay Kor u Qaadi doonaan hada. Waxay kale oo ay Markii shirku dhamaaday Madaxwaynaha Iyo waftigiisa waxa loogu sameeyay Wasaarada Arrimaha Dibada qado sharafeed ay ka soo qayb galeen shaqaale sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada qaybteeda Africa waxaanay sheegtay in ay ka qayb qaadan doonaan sanduuqa Somaliland.Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigiisa uu hogaaminaayo waxa habeen hore waxa casho Sharaf ku qaabiley Ganacsato waa weyn oo danaynaaya in ay Somaliland maalgashi ku sameeyaan.kulankaasi oo ay hogaaminayeen gudiga ganacsiga heshiiyada caalamiga ah ee ( Business Council For International Understanding ) loona soo gaabiyo (BCIU), oo casho sharaftaasi madaxweynaha iyo weftigiisa ugu sameyey Hotelka weyn ee Willard Hotel oo madaxweynaha u soo bandhigay sida ay u danaynayaan in ay Somaliland ku yeeshaan gacan weyn oo wax ku ool ah lana xidhiidha maalgashi ay ku sameeyaan khayraadka dihin ee Somaliland hodanka ku tahay, ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey Willard Hotel .Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo dhaweeyeen fikirka ay soo bandhigeen ee ah in ay Somaliland la sameeyaan xidhiidh ganacsi iyo mid maalgashiba.Madaxwynuhuna waxa uu uga mahadnaqay sida ay kulankan balaadhan ugu sameeyeen ee ay u danaynayaan in ay iskaashi ganacsi iyo mid maalgashiba ay la yeeshaan Somaliland, taasi oo madaxweynuhuna uu u sheegay in ay Somaliland tahay dal nabad iyo dimu-quraadiyad taami ka jirto una baahan in la maalgashado oo dadka Somaliland iyo caalamkuba ay ka faa’iidaystaan khayraadka Alle ku manaystay Somaliland.Dhinaca kalena, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisa ku sugan dalka Maraykanku waxay magaalada Waashington kulan kula yeesheen Madaxda hay’ada qaabilsan Kaalmada Maraykanka ee USAID.Kulankaas ayaa weftiga Madaxweynaha iyo saraakiisha sare ee hay’ada USAID waxay kaga wada hadleen, kaalmada dalka Maraykanka ee Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.Madaxda Hay’adda USAID ayaa waxay kulankaas ka sheegeen, in kaalmada sanadkan ay u qorsheeyeen Somaliland ay ka badnaan-doonto tii sanadkii hore, isla markaana aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin wada shaqayntoodu aqoonsiga Maraykanku siiyey dawlada Somaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured