Baarlamaanka Somaliya oo la hor geeyay Mooshin ka dhan ah Heshiiskii MadaxweyneSiilaanyo iyo Xasan Sheekh Ankara Dareenada Ka Dhashay?

0
Tuesday April 23, 2013 - 19:48:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Somaliya oo la hor geeyay Mooshin ka dhan ah Heshiiskii MadaxweyneSiilaanyo iyo Xasan Sheekh Ankara Dareenada Ka Dhashay?

    Muqdisho(xogreebnews) Baarlamaanka Somaliya ayaa loo gudbiyay Mooshin ku lidi ah Heshiiskii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews) Baarlamaanka Somaliya ayaa loo gudbiyay Mooshin ku lidi ah Heshiiskii Baarlamaanka Somaliya oo la hor geeyay Mooshin ka dhan ah Heshiiskii MadaxweyneSiilaanyo iyo Xasan Sheekh Ankara Dareenada Ka Dhashay?
Muqdisho(xogreebnews) Baarlamaanka Somaliya ayaa loo gudbiyay Mooshin ku lidi ah Heshiiskii toddobada qoddob ahaa ee Somaliya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen magaaladda Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga, kaasoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynayaasha labada Dal.Fadhiga Golaha Baarlamaanka oo manta loo balansanaa in la hor dhigo mudanayaasha si ay uga doodaan ayaa dib loo dhigay, waxaanu Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo la hadlay saxaafaddu sheegay in dib loogu dhigay kulan ay u balansan yihiin Xildhibaanadii ka qayb galay shirkii Ankara iyo kuwa Mooshinka wata.Xildhibaanada Mooshinka wata ayaa u badan Mudanayaal Isir ahaan ka soo jeeda Goboladda Somaliland qaarkood gaar ahaana Sool, Sanaag iyo Awdal, kuwaas oo uu hogaaminayo Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh, kaasoo ku doodaya Heshiiskii Ankara inuu Somaliland u aqoonsanayo Dal Madax banaan.Guddoomiyaha Baarlamaanka Soamliya Mr Jawaari ayaa sheegay in labada bisha May Madaxweynaha Somaliya hor iman doono Baarlamaanka Soomaaliya si wax looga weydiiyo dhacdooyinkii u danbeeyay oo uu ka mid yahay Mooshinka lagaga soo horjeedoo Heshiiskii Ankara.Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ayaa u muuqda kuwo ku kala aragti duwan qorshayaasha Xukuumaddu ku shaqaynayso, waxaana hor yaala Mooshino kala duwan, iyadoo culaysyo kala duwani ka haystaan Maamulka laga dhisayo Jubba-land iyo Heshiiska Ankara, waxaana ka taagan ololayaal iska soo hor jeeda oo ka dhexabuuri kara khilaaf wiiqa fadhiyadooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured