Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Oo Soo Dhaweeyay Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia

0
Tuesday April 23, 2013 - 07:51:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Oo Soo Dhaweeyay Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia

    Muqdisho (xogreebnews-Gudoomiyaha golaha odayaasha haqanka ee Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa soo dhaweeyey wada-hadaladii 13-kii bishan ku dhex maray dawladaha Somaliland iyo Somalia dalka Turkiga ee laga soo saaray Warmurtiyeedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews-Gudoomiyaha golaha odayaasha haqanka ee Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa soo dhaweeyey wada-hadaladii 13-kii bishan ku dhex maray dawladaha Somaliland iyo Somalia dalka Turkiga ee laga soo saaray Warmurtiyeedka
Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Oo Soo Dhaweeyay Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia

Muqdisho (xogreebnews-Gudoomiyaha golaha odayaasha haqanka ee Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa soo dhaweeyey wada-hadaladii 13-kii bishan ku dhex maray dawladaha Somaliland iyo Somalia dalka Turkiga ee laga soo saaray Warmurtiyeedka.

Maxamed Xasan Xaad, gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu khadka telefoonka uu kula yeeshay Wargeyska Haatuf, isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waxaanu yidhi “Hadaanu nahay golaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye waxaan soo dhawaynaynaa taageersanahayna wada-hadaladii dhexmaray dawlada fadaraalka Somalia iyo dawlada Somaliland madaxdooda iyo go’aanadii shirkaas ka soo baxay ee ka dhacay dalka Turkiga”.


Gudoomiyaha odayaasha beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaadayaaa intaasi ku daray inuu aaminsan yahay in wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay fursad qaaliya ay u tahay labada shacab ee Muqdisho iyo Hargeysa ku wada nool oo ah buu yidhi dad walaalo ah. Waxa kale oo Xaad uu tilmaamay in wada hadaladan haatan bilaabmay ay fursad u tahay inay wada-hadlaan labada gole dhaqan ee saladiinta iyo boqorada ee ku kala sugan labada dal, waxaanu sheegay in oday dhaqameedyadu ay tiir dhexaad u yihiin bulshada oo ay yihiin cida shacabka wax u sheegi karta ay tahay odayaasha dhaqanka, isla markaana ay filayaan inay wadahadaladani ay horseedo Somaliland iyo Somalia sidii odayaal dhaqameedyadeeduna ay u wada hadli lahaayeen.

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Haweiye, Maxamed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay inuu dhamaaday wakhtigii xayndaabka dadka la kala dhex dhigayey, isla markaana aanay khasab ahayn in xaga siyaasada laga midaysnaado oo dadka maanta labada dal xukumayaa ay u bislaadeen wixii danahoodu ku jiro inay ka wada hadlaan Muqdisho iyo Hargaysa dadka ku noolina ay yihiin dad walaalo ah oo aan loo kala turtumayn. “Waxaan aaminsanahay in uu dhamaaday wakhtigii labada shacab loo kala sheekayn jiray inuu wacyigii haatan isbedelay oo dadkii bisladeen maanta dadku ay yihiin shacab aan been lookala sheegi Karin ama aan is aqoon meesha way ka baxday wadahadalkaa maanta bilaabmayna waxa uu astaan u yahay dadku xaga siyaasada waxay doonaana hakala aaminsanaadaane, hadana dadku inay yihiin labada shacab oo dadkooduna walaalo ah oo xal ka gaadhi kara waxa bulshadu ay horumar ku gaadhi karto”. ayuu yidhi gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured