Amniga Muqdisho ma la sugi karaa inta Madaxda Dawladda, Wasiirada, Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Madaxda Gobolka, Degmooyinka ay wada haystaan Ciidamo…

0
Tuesday April 23, 2013 - 07:40:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amniga Muqdisho ma la sugi karaa inta Madaxda Dawladda, Wasiirada, Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Madaxda Gobolka, Degmooyinka ay wada haystaan Ciidamo…

    Muqdisho(xogreebnews-Soomaaliyeed ayaa inta badan is weydiiya waxa Magaalada Muqdisho u diidey inay noqoto magaalo amaan ah, xili ay ku sugan yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews-Soomaaliyeed ayaa inta badan is weydiiya waxa Magaalada Muqdisho u diidey inay noqoto magaalo amaan ah, xili ay ku sugan yihiin Amniga Muqdisho ma la sugi karaa inta Madaxda Dawladda, Wasiirada, Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Madaxda Gobolka, Degmooyinka ay wada haystaan Ciidamo…

Muqdisho(xogreebnews-Soomaaliyeed ayaa inta badan is weydiiya waxa Magaalada Muqdisho u diidey inay noqoto magaalo amaan ah, xili ay ku sugan yihiin Ciidamo Kumanaan ah oo ku hawl gala Magaca AMISOM, Kumanaan lagu magacaabo Milateri, Kumanaan lagu Magacaabo Boolis, Kumanaan Lagu magacaabo nabadsugid, asluub.

Dhibaatada ayaa la sheegayaa inay ka socotaba madaxda Dawladda, Wasiirada, Wasiir ku xigeenada, Agaasimayaasha, Xildhibaanada, Taliyayaasha ciidamada, Gudoomiyaha gobolka, Gudoomiayaasha degmooyinka, Masuuliyiinta kale ee haaya xilalka dawladda ee ku sugan magaalada Muqdisho. Dhamaan masuuliyiintaan ayaa wada haysta ilaalo faro badan oo amnigooda waardiyeysa sida ay sheegaan, balse mararka qaar amni xumada qeyb ka ah.Ilaaladaan masuuliyiinta dawladda sidee ayay ku yimaadeen qeyb waxaa ay ka soo wataan ciidamada loo tababaro dawladda sida milateriga iyo Booliiska kuwaas oo ah qabiilkooda hoose, cid ay weydiiyaan oo siisana ma jirto, sidoo kale ilaalada masuuliyiinta aan kor ku sheegay waxaa ay ka keensadaan maliishiyaad jufooyinkooda hoose ah, waxaa uun loo geliyaa tuutaha ciidamada, ma jirto cid isweydiisa sida ciidamadaan ku yimaadeen!Ciidamada Milateriga, Booliiska, Nabadsugida, Asluubta ma ahan ciidamo inta badan la xukumo, sharci qabanaaya uu jiro, ID ciidan leh, derejooyin ay isku tixgeliyaan leh, aaminsan sharci iyo kala danbeyn, Madaxdooda ka amar qaata. Ciidamadu ma ahan ciidamo xerooyin leh, shuruuc ay ku shaqeeyaan leh, Tiknikada ay wataan qabaailadooda ayaa iska leh. Ma jiro inta badan Taliye ciidamadaa dawladda darawal ka mid ah ka bedeli kara Baabuurka uu wado, ama Baabuurta ciidamada saarak kala bedeli kara ama isku dhafi kara.Ma jirto laan shaqeynaysa oo ka tirsan laamaha amniga oo siisa ciidan Madaxda dawladda min madaxweyne, Raisul wasaare, Gudoomiye Baarlamaan, Wasiiro, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano, agaasimayaal, masuuliyiinta kale ee xilalka Dawladda haayo, masuuliyiintaan waxaa a
Ma muuqato qorshe lagu habaynayo ciidamada Dawladda, lagu xaraynayo Maliishiyaadka hubaysan ee Magaalada muqdisho buux dhaafiyey.
Maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan xakameeyey Magaalooyinka waaweyn inay iska joogaan Maliishiyaad aan cidina ka amar qaadan, sidoo kale waxaa ay xakameeyeen in masuuliyiinta Maamuladaas ay Dawladu ilaalo siiso.
Taariikhda ma dhicin in amni uu kusoo noqdo wadan ama magaalo aan isla xisabtan ka jirin, Masuuliyiin aan go’aan adag qaadan karin, Masuuliyiin aan xilalka loo dhiibay wax laga weydiinin masuuliyad xumaddii ka timaada, Wadan aan lahayn ciidan diiwaan gashan.
Magaalada Muqdisho Shabaab ciidan ahaan waa laga bixiyey awoodoodii laakiin sidii ay doonaan ayay ku joogaan Magaalada Muqdisho maadaama madaxda dawladda iyo dhamaan masuuliyiinta kale ee xilalka haaya ay ku mashquulsan yihiin sidii ay uun dhaqaalo ku samaysan lahaayeen, dhaqaalaha soo gala sida ay u kala badan yihiin Maliishiyaad isugu wareejiyaan.
Inkastoo dadka Muqdisho bislaaday, colaada iyo amni darada uu nacay haddana shacabka ma uusan arkin ilaa hadda masuuliyiin ay dhab ka tahay xilalka ay hayaan inay shacabka ugu adeegaan, Shacabku qofkii Shabaab ah ee ay sheegaan hadiiba la qabto Maalmo kadib waa la soo daayaa iyada oo ay suuragal tahay in loo soo sheegay qofka soo sheegay, sidaa daraadeed shacabka qeybna waxaa ay door biday inay iska aamusto, qeybna inayba is waardiyeyso oo guryaha hub dhigtaan maadaama aysan jirin dawlad ay isku haleeyaan.
Xamar waxaa caadi ka ah in Maliishiyaad Shabaab ah oo dilal badan geystay, qaarkood ka qirteen idaacadaha ama TV-yada oo aan maxkamad lasoo taagin, la xukumin balse qaarkood lacag lagu soo daayo.
Xamar waxaa caadi ka ah in Masuuliyiinta dawladda ama ciidamada ay markii Jidadka ka xirmaan rasaas cirka u furaan si ay jidka u furtaan, haddii aad u dhabagasho xaalada Xamar waa magaalo aan isla xisaabtan ka jirin, masuuliyiinta dawladuna iyaga uun is waardiyeeyaan.
y ciidamada u shaqaaleystaan sida ay u kala dhaqaalo badan yihiin, waxaad arkaysaa mararka qaar wasiir ay ilaalinayaan 2 ama ilaa 4 maliishiyo tuuteysan oo qabiilkiisa ah halka aad Xamar ku arki karto Agaasime ama gudoomiye Xaafadeed ay ilaalinayaan 40-meeyo Maliishyo qabiilkiisa ah, qaar tuute wataan, qaarna ay dharka shicibka wataan.Dawladda Soomaaliya waxaan jirin isla xisaabtan , majirto qof masuuliyadda loo dhiibo lagula xisaabtamo min Wasiir, Ku xigeen, Agaasime ilaa Taliyayaasha ciidamada kala duwan, taliyayaasha Guutooyinka, Gaasaska, Booliska ma jirto ilaa hadda Taliye meelihii lagu ogaa ciidanka uu xukumo hadiii isbaarooyin la dhigto ama gabdho lagu kufsado lagula xisaabtamo, sidoo kale ma jirto gudoomiye Gobol, degmo, Laan , Talis Saldhig Gobol ama degmo lagula xisaabtamay ama xilalkooda ku waayay dhacdooyinka amnidaro, kufsi ee ka dhaca meelaha amnigooda ama masuuliyadoodaa lagu og yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured